Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland.+Sawiro

 

 
Dublin (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud. Michael D Higgins oo uu wehelinay o Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasri ga Madaxtooyada Dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Max amed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga d alkan Ireland.

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan ya hay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland, waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Wa ddan iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuri yada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoo jinta Ho rumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku amma anay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhisk a waddan ku yaala goob colaado hadheyeen. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dal ka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Irela nd, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joog aan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isa guna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo she egay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada So maliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Him ilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Mar wo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejis ay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.

Source: Somalilandtoday