Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland oo ka hadlay Xuska 33 guurrada gudo galkii SNM ee Burco

Berbera (TNN)
:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo
maalintii labaa d ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera,waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan
shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee
Burco, Xuska
Sanna d Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri
oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xo ogagii mujaahidiinta
SNM ee
qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen
ciidan cud ud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii
macangegga ahaa ee Siyaad Barre.
Waxaanu Madaxweynuhu xusay in Mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha
magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan
ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigm in,
iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda
iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gu maadka iyo xasuuqa lagu hayay
dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa
wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la
bireeyo.
Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la
midka ahi u leedahay shacbiga So maliland diwaankana ay ugu jirto in
Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha bulshada reer Somaliland ku
weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u
xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen
kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo
maal mo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay
oo ay curiyeen hal-abuurka reer Som aliland ah oo maalintaa halganka
ku jiray ama goob-joogba u ahaa.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa
Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somalil and Xuska Sannad Guurada ka soo
wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan
guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo
madaxda Somaliland ee Hargeysa oo mad axweynuhu uu u soo hormariyey
madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada
waki ilada iyo deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi
wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo
intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu
xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland
lagu waraabiyey dhiig, una le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad
badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen oo
maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna
nidaamka doorashooyinka xisbiya da badan ee Somaliland ka hana qaaday.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL |