Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho booqday
Muqdisho, 16 August, 2011 (TNN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti oo
booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho ayaa isaga iyo wafdigiisu
ay dib uga dhoofeen garoonka diyaarad aha ee Muqdisho, kaddib markii
uu kulammo kala duwan la yeeshay mas'uuliyiinta ugu sa rreysa
dowladda.
Mudane Geelle ayaa sheegay in dhibaato abaareed ee ka jirta
Soomaaliya ay aad uga ba dan tahay sidii uu filayay, isagoo sheegay
in dowladdiisa iyo shacabkiisu ay garab-taagan yihiin walaalahooda
Soomaaliyeed.
"Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday,
runtiina waa mid gala ysa taariikh da Soomaaliya ka galaysa baal,
shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin ma ahan dalalka ca
alamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo
dalalka islaamka," ayuu yiri Geelle oo qiiro ay wajigiisa ka
muuqatay.
Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu tagay intii uusan ka dhoofin Muqdisho
safaaradda ay Jab uuti ku leed ahay Muqdisho, halkaasoo uu ka
sheegay in dalkiisa uu bisha soo socota kee ni doono ciidammadii uu
horay u ballanqaaday.
Wafdiga ka socday Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho kusii sagoot iyay xubna ha dowladda ugu sarreeya oo uu ka
mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inay aad ugu
faraxsan yihiin booqashada Geelle uu ku yimid Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay booqashada ayaa
sheegay inuu aad u soo dha weynayo, uuna uga mahadcelinayo shacabka,
dowaldda iyo madaxda Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan yihiin
shacabka Soomaaliyeed.
Geelle ayaa sheegay inay Muqdisho ugu dambeysay 1989-kii, wuxuuna
sheegay inuu raj eynayo inay kusoo laabato sidii ay xilligaas ahayd,
isagoo sheegay inay tahay magaalo aad u burbursan.
Source:HOL
|