Madaxweynaha Jabuuti oo Madaxweynaha Somaliland u soo dhaweeyey si meeqaam-sare ah


 

 


Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadda koowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, oo.............

Jabuuti (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galabta madaarka magaaladda Jabuuti si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay Madaxwey naha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminay oo socdaal ku tagay dalkaasi.

Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadda koowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, oo madaarka kaga hortagay weftiga madaxweyne Siilaan yo, waxaana loo dhigay rooga cas ee lagu muuneeyo Hoggaamiyeyaasha dalkaasi socdaalka ku yimaadda.

Waxa kale oo soo dhaweynta Madaxweyne Siilaanyo ka qeyb galay Ciidanka Muusiga (Bamb oyda) Jabuuti iyo Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ahna Afhayeenka xukuu madda Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo Wasiirka diinta iyo awqaafta Jabuuti Md. Xaamud Cabdi Suldaan.

Sidoo kale, waxa dawladda jabuuti ay Madaxweyne Siilaanyo ugu sii qaadeen gudaha magaa ladda Jabuuti baabuurta khaaska ah ee ay ugu tallo galeen inay ku soo dhaweeyaan wufu uda sar-sare ee wadankaasi booqashada ku yimaadda.
Waxa dawladda jabuuti ay weftiga Madaxweynaha Somaliland caawa casho sharaf ugu samayn doonaan Huteelka Kaambiski ee magaaladda Jabuuti.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya Wasiirrada Madaxtooy adda, Boosaha, Warfaafinta, waxbarashadda iyo marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris Sh. Maxamed Jirde.

Waa socdaalkii sadexaad ee Madaxweyne Siilaanyo ku tago dalka jabuuti laba sanadood iyo dheeraad uu xilka hayay. Waxaanu madaxweynuhu ka qeyb geli doonaa shir ku saabsan horumarinta Afsoomaaliga isla markaana lagu xusayo afartan guuradda ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga.

Waxa kale oo lagu wadaa in mudada uu halkaasi ku sugan yahay uu kulan la yeesho Madaxw eynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta iskaashiga labada wadan.

 

 

Timacade News Desk
Jabuuti, Dalka Jabuuti