Madaxweynaha iyo Wefdigiisii oo Soo Kormee ray Deg. Mandheera, Bulaxaar iyo Tuulada Laaso Dacawo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdigii uu hogaaminayay oo ay weli u socoto kormeerkii shaqo ee uu ku marayay Gobolka Saaxil, ayaa maanta booqday dhawr degmo oo ka tirsan Gobolka.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa degmooyinka ay maanta soo kormeereen, waxa ka mid ahaa Degmada Bulaxaar, halkaasi oo ay kula kulmeen Madax dhaqameedyadii deegaanka, Culumaadiin iyo dadweyna ka tirsan degmadaasi, waxana dadkii halkaasi isugu yimid ay si diiran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wefdigiisa oo ay warbixino ka siiyeen baahiyaha kala duwan ee degmada haddii ay noqon lahayd dhinaca Caafimaadka , Waxbarashada iyo Nabad gelyada, iyaga oo ka codsaday Madaxweynaha iyo Wefdigiisa in loo dhamaystiro Mashaariicda qabyada ah ee uu ka mid yahay dugsiga Hoose ee dhismihiisu ka socdo Magaalada Bulaxaar.

Waxa kale oo ay warbixino ka siiyeen Madaxweynaha saamaynta abaaruhu ku yeesheen Degmada Guud ahaan.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa degmooyinka kale ee ay booqdeen maanta waxa kale oo ka mid ahaa Magaalada Abdaal oo caasimad u ah Degmada Mandheera, halkaasi oo Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ay soo dhaweeyeen dad aad u tiro badan oo lulaya calanka Somaliland iyo caleemo qoyan, iyaga oo Madaxweynaha iyo wefdigiisana ku qaabilay qado sharaf, sidoo kale waxa haweenka Abdaal ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa Suugaan aad u qurux badan oo ka hadlaysa Qaranimada iyo Nabad gelyada ay ku caano maashay Somaliland.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii isugu soo baxay Fagaaraha ay ku soo dhawaynayeen wefdiga, waxa uu ugu mahad naqay dadweynaha reer Abdaal sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wefdigiisa iyo shucuurta fiican ee ka muuqata in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada horumarinta degmada.

Isla Maanta Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa kale oo ay soo booqdeen Degmada Laaso Dacawo , halkaasi oo iyana ay ku soo dhaweeyeen dad aad u tiro badan oo isugu jira Salaadiin, Culimo, Dhalinyaro iyo haweenka tuuladaasi.

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Dhismayaal cusub oo laga hir geliyay Deegaankaasi Laaso Dacawo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Saldhig Boolis iyo rugta lagu daryeelo caafimaadka Bulshada ee loo yaqaano MCH.

Madaxweynaha oo halkaasi kula hadlay dadweynihii isugu soo baxay fagaarihii lagu soo dhawaynayay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa, waxa uu ku hambalyeeyay qaybta ay ka qaateen waxqabadka horumarinta deegaankooda, isla markaana uu Madaxweynuhu ballan qaaday in xukuumaduna intii tamarteeda ah aanay waxba kaga hagran doonin waxqabadka dhinacyada kala duwan haddii ay noqon lahayd caafimaadka, waxbarashada iyo nabad gelyadaba.

Gabo gabadiina waxa uu Madaxweynuhu ka codsaday Maamulka degmooyinkaasi uu kormeerka ku soo maray in Baahiyahooda kala duwan ay qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan Wasaaradaha ay khusayso, si ay uga hawl galaan wixii loo qaban karo.


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL