Madaxweynaha Djibouti oo Qaabilay Xubno Reer Sool ah oo ka soo Horjeeda Madaxbannaanida Somaliland

 


Waxa la sheegay inay madaxaweynaha weydiisteen inuu u fidiyo gargaar isugu jira hub iyo dhaqaale

Djibouti (Timacade News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mr. Ismaaciil  Cu mar Geelle, ayaa shalay qaabilay xubno u dhashay Gobolka Sool ee dhowaan ka  qa yb galay shirkii lagaga soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ee ka dhacay magaalada Nairobi badhtamihii bishii la soo dhaafay.

Xubnahani uu Madaxweynaha Geelle qaabilay waxa ka mid ah Garaad Jaamac  Ga raad Cali, Garaad Cali Buraale iyo Saleebaan Ciise Axmed oo isagu shirkii Nairobi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland,

Kulankan oo qaatay muddo laba saacadood ah, ayaa wararku tibaaxeen in  xukuum adda Ismaaciil Cumar Geelle u ballanqaaday kooxdaas inay taakulo ka geysan  doon to dedaalkooda ay kaga soo horjeedaan Somaliland. Waxa ay sidoo kale garabkani ka codsadeen Madaxweynaha Jabuuti inuu siiyo gargaar dhinaca dhaqaalaha iyo hubka ah, lama garan karo inuu ka aqbalay iyo inkale.

Xubnahan isugu jira garaadada iyo siyaasiyiinta ee ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa dhawaan shir ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay ku  dhawaa qeen dagaal ay la galayaan ciidammada Somaliland ee ku sugan gobollada bari.

Arrintan ayaa si cad daboolka uga qaadaysa cadaawadda fog ee dawladda Djibouti u qabto Somaliland.






Source:Jamhuuriya Online