Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Qoyskii Marxuum Suldaan C/raxmaan Sh. Muxumed Cilmi

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland geeridii ku timid Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed Cilmi oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee Guurtida ah, waxaana uu qayb muhiim ah oo fir fircoon ka soo qaatay Nabadayntii iyo gooni isu taagii Somaliland.

Suldaanku waxa uu muddo dheer ilaahay ha u naxariistee ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa oo maanta lagu aasay.

Madaxweynuhu waxa uu u rajeeyay marxuumka in ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii , qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi tan la mid ah u diray Marxuum Gaaxnuug Xirsi Carwo oo maanta isna ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, laguna aasay, isaga oo ilaahay uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Alla mahad leh

 


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

XG:Somalilandnation