Madaxwaynihii
hore ee Dalka Ghana oo loo soo magacaabay
Somaliya
Muqdisho (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Moussa Faki
Mohamat ayaa Sooma aliya u soo magacaabay ergay gaarka ah oo ka
shaqeyn doona dhex-dhexaadinta khilaafka arrimaha doorashooyinka.
Moussa Faki ayaa madaxwaynihii hore ee dalka Ghana John Dramani
Mahama u magacaabay inuu noqdo ergayga gaar ah ee dhex dhexaadinta
arimaha khilaafaadka ee ka taagan Sooma aliya.
“Madaxweyne Mahama waxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda
Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan
xal loo dhan-yahay oo ku aadan qabas hada doorashooyinka Soomaaliya,
waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan .Isaga oo fulinay a
waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona AMISOM, si loo
xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howl galka taageeridda
nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.” ayuu ydhri Gudoomiyaha
Midowga Afrika.
Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalkiisa intaa ku daray in muhiim
ay tahay doorasho di muqraadi ah oo Soomaaliya ka dhacda taasoo leh
sharciyad iyo waajibaad dastuuri ah isago o rajo wanaagsan ka
muujiyay in ergaygan cusub uu door muuqda ka qaato xalinta khilaafka
jira si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka oo dhan.
“Tani waa inay dhalisaa dowlad si dimoqraadi ah loo soo doorto oo
leh sharciyad iyo wajibaa d dastuuri ah, si loo xalliyo inta ka
hadhsan arrimaha siyaasadda iyo dastuuriga ah ee halist a ku ah
xasilloonida dalka iyo gobolka oo idil.”
|