WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dir ayaa Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo dhamaan shacbiga reer somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM, CUMAR NUUR AXMED oo ka mid ahaa Oda yaashii ka soo qayb-qaatay halgankii nabadaynta iyo dawladnimada Jamhuuriyada Somali land oo 29/10/2012 bishan ku geeriyooday Magaalada Burco laguna aasay.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka w araabiyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.