Madaxwayne
Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Xog-hayaha guud ee Qaramada
midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga
Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu
iman-jiray Jamhuuriyad da Somaliland
Hargeysa(TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed
Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay
Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u
qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga oo booq
asho laba meelmood ah ku yimid dalka.
Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu
iman-jiray Jamhuuriyad da Somaliland waxa uu Madaxweynuhu kaga
warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gel yada iyo
taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka
taageerto adkay nta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka
socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xas ilooni daradu keento ee
ka jira mandaqada geeska afrika.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta
Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha
deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.
Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada
siyaasada ay imika u gud been mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay
ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6
urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.
Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u
qaabilsan Somaliland i yo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku
dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada
Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka
ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada,
Dimuquraadiyadda, dawl ad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo
wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka a loosan geeska afrika.
Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay
laban-laabto wada sh aqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland
oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska
afrika
Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka
dhici doona magaalada Is tanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha
June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Soma liland ka qayb
gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|