Madaxwayne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhimeyaal Cusub Oo Laga Hir-geliyey Laanta Socdaalka Iyo Ciidamada Birmadka
 

 


Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay.......... Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhismayaal cusub oo loo dhisay laanta socdaalka Somaliland.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu ka qayb-galay Munaasibad lagu qabtay xarunta uu xadhiga ka jaray, taasi oo ay ka qayb-galeen Wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) , saraakiisha amaanka iyo sarkaal sare oo ka socday safaarada Japan ee dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Madaxwaynaha faahfaahin ka siiyay hawlaha laanta socdaalka Somaliland, waxaanu sheegay in laanta socdaalku guud ahaan xuduudaha dalka ay xafiisyo ku leeyihiin

“Markii xisbiga kulmiye dalka qabsaday waxyaabaha uu balan-qaaday waxa ka mid ahaa horumarinta ciidanka socdaalka Somaliland, taas oo maanta hirgashay si fiicana u wada gaadhay dhammaan xuduudaha Somaliland, iyagga oo si fiican u kantaroola waxyaabaha soo galaya dalka iyo wixii ka baxayaba, xudduuda 120-KM ee aynu la leenahay dalka Itoobiya, 860-KM oo badda ah, madaarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo dhamaantood waxaanu ka hawl-galinay ciidanka laanta socdaalka”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu qabanay tahriibayaal doonayey inay si sifo sharci daro ah dalka ku soo galaan”

Xafladan oo ay ka hadleen Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Sarkaal sare oo ka socday Safaarada Japan ee dalka Kenya, ayaa waxa gabogabadii ka hadlay

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahan dawlada Japan u hirgalisay ciidamada laanta socdaalka “Waxa farxad ii ah inaan furo dhismahan quruxba badan ee loo dhisay laanta socdaalka Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa dawlada Japan oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub, taasina waxay calaamad u tahay horumar weyn oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba u soo hoyday”

Madaxwaynaha Somaliland intaasi ka dib waxa uu xadhiga dhisme cusub loo hirgalinayo Wasaaradda arimaha gudaha, taasi oo laga dhisayo xarunta badhasaabka Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxwayne Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu daray xerada ciidamada birmadka, taasi oo ay maalgalisay dawlada Ingiriisku.

 

 


Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland