Madaxwayne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabiley wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank).

 



Madaxa Weftiga oo madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay ....
 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (A frican Development Bank).

Madaxa Weftiga oo madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaarii cda horumarineed ee uu baanku ka wado mandaqada.

Xubnaha weftiga ayaa ku dheeraaday muuqaalka quruxda badan ee ay Somaliland kala kul meen waxaanay sheegeen in uu soo jiitay marka la eego nabad-gelyada, hour-marka laxa adka leh ee ganacsiga madaxa banana iyo hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.

Madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweyey dalka ayaa uga waramay kartida ay la timid Somaliland ee ay ku dhisatay dawladnimada iyo nabad-gelyada ka jirta, haatana ay u baahan tahay cid ka gacan qabata hour-marka, waxaanu madaxweynuhu soo dhawe eyey booqashada uu baanku ku yimid dalka isaga oo ku dhiiri-gelioyey in ay dhinacooda ku soo dhiiradaan in ay Somaliland wax kala qabtaan horumarka dhinac-yadabadan ee ay u baahan tahay





ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL