Madaxwayne Siilaanyo oo khudbad-sanadeedkiisa 2013-ka u jeediyay
Baarlamaanka, kana hadlay dhawaaqii Ingiriisku Ku dhaliilay Amniga
Dalka
Madaxwaynaha Somaliland, waxa uu khudbadiisani kaga hadlay arimo
badan oo ay ka mid tahay hadalkiisii.........
Hargeysa (TNN) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa maanta labada Golle ee baarlamaanka Somaliland u jeediyay
khudbad sanadeedkiisa dastuuriga ee sanadkan cusub ee 2013-ka.
Madaxwaynaha Somaliland, waxa uu khudbadiisani kaga hadlay arimo
badan oo ay ka mid tahay hadalkiisii dawladda Ingiriisku amaanka
Somaliland hoos ugu dhigtay iyo arimo kale oo badan, kuwaasi oo ay
ka mid ahayd gooni isu-taaga Somaliland iyo doorashooyinka
baarlamaanka, Diwaangalinta iyo Madaxtooyadda.
Khudbada Madaxwaynaha oo dhamaystiran waxay u dhignayd sidan:
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Alxamdu Lilaah, Wa Salaatu Wasalaamu Calaa Ashrafil Anbiyaa Wal
Mursaliin.
Shirgudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Labada Gole, Xisbiyada
Qaranka, Marti Sharafta, Warbaahinta kala Duwan, waxaan idinku
salaamayaa salaanta Islaamka: Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wa
Baraakatuhu.
Gudoomiye:
Marka hore Waxaan halkan mahadnaq balaadhan iyo Hambalyo uga soo
jeedinayaaXildhibaanada labada Gole Qaran ee Wakiilada iyo Guurtida,
aniga oo idiinka mahadnaqaya wada shaqayntii qiimaha lahayd ee ina
dhexmartay Xukuumad ahaan sanadkii la soo dhaafay iyo mudadii
aanXilka hayay, taasoo laga dheehan karo dheelitirka milgaha
dawladnimo iyo xidhiidhka golayaasha Baarlamaanka iyo xukuumada,
wada shaqayntaas oo haddii aanay jirin aanu Qarankani ku
talaabsadeen horumarka uu sameeyay.
Waxa kaleoo aan jecelahay inaan halkan mahadnaq uga soo jeediyo
Dadweynaha reer Somaliland ee geesiyaasha ah oo mar kasta ku hawlan
sidii ay Qarankooda u horumarin lahaayeen, kuwaasoo si ay wadaniyadi
ku dheehan tahay mar kasta u garab taagan Xukuumadooda.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Sida uu Distoorka Qarankani igu Waajibiyay inaan sanadkasta Hor
Imaado Fadhigan loo Dhan Yahay ee labada gole, waxaan idiin soo
gudbin doonaa Warbixin Balaadhan oo aan kaga hadli doono wixii
inooga qabsoomay qorshihii sanadkii ina Dhaafay ee 2012ka, waxaa
kale oo aan Faahfaahin ka bixin doonaa Qorshaha Xukuumada ee
Sanadkan cusub ee 2013-ka, iyo guud ahaan xaalada guud ee Dalka.
Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Furitaankii Ururrada
Siyaasada
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxay ahayd Sannad ka hor markii aan madashan aynu fadhino ka ballan
qaaday inaan Dalkeena ka qaban doono Doorashadii Golayaasha
deegaanka oo aan la qaban muddo Toban sanadood ah.
Aniga oo si fiican u Fahamsanaa Culayskii Siyaasadeed, Dhaqaale,
Nabadgelyo iyo Bulsho ee ay lahayd furitaanka Urrurrada Siyaasada
iyo Qabashada doorashooyinka Dawladaha hoose, iyada oo aynu garan
karno legdenka u dhexeeya nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay
iyo kan Beelnimo ee ummadeena dhaqanka u ahaa mudada dheer. Iyada oo
aynu wada ognahay tartanka u dhexeeya qaranimada iyo qabyaalada,
waxaa mar kasta noo muuqatay in Qarankan Somaliland ay dantiisu ku
jirto Kobcinta geedi socodka Dimuqraadiyada iyo Hirgalinta
Doorashooyin joogto ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan hoggaankooda
kala duwan.
Aniga oo tix-galinayay rabitaanka dadweynaha iyo ballantii aanu
ummada u qaadnay xiligii ololaha doorashooyinkii Madaxtinimada, isla
markaasna si fiican u dersay uguna qancay taladii ay soo jeediyeen
14kii July 2011kii gudigii aan u saaray ka soo talo-bixintii in
Ururrada la furo iyo in kale, iyadoo ay gudigii soo bandhigeen in
ra’yigii bulshadu u batay in la furo Ururada, Waxaan markaas
go’aansaday in Ururradii siyaasada la furo, Muwaadin kasta oo han
siyaasadeed lahaana uu fursad u helo inuu dadweynaha fikirkiisa usoo
bandhigo oo uu cod weydiisto, marxaladaawaxaan ku dhiiraday in
xisbigaygu la tartamo ururada cusub, arintan oo aan filayo in rag
badan oo siyaasiyiin ah ay ku adkaan lahayd hadii ay joogaan
halkayga.
Waxa ay Xukuumadu sugtay Amaanka Goobihii Cod-bixintu ay ka
dhacaysay oo ka badnaa 1800 oo goobood Si doorashu u noqoto mid xor
oo xalaal ah.
Iyadoo xukuumad ahaan nalaga sugayey dhaqaalaha doorashada ku baxaya
25% ayaa waxaanu bixinay 33% iyadoo weliba aanu ururadii tartamayey
gacan ka siinay gaadiidka muraaqibiinta ay ku qaadayeen oo aanu ka
bixinay kharash ka badan Hal Bilyan oo Shillinka Somaliland ah
(1000,000,000).
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxa aanu Mamnuucnay in Ololaha Doorshada loo adeegsado Hantida
Qaranka sida Gaadiidka Dawlada, iyada oo aanu Shaqaalaha Dawlada u
diidnay in ay sinnaba uga qayb qaataanololaha doorashada, Xukuumad
ahaan waxaanu Ururradii Tartamayay fursad isku mid ah u siinay
adeegsiga Warbaahinta Qaranka.
Waxa kale oo ay Xukuumadu Si Buuxda u Ilaalisay una Xaq-dhawrtay
Ilaalinta Madaxbanaanida Gudiga Doorashoooyinka Qaranka si ay
guddigaasi u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran, hawlahooduna ay u
noqdaan qaar ay u maddax banaan yihiin oo aan cidinna ku faro-gelin.
Waxaa dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay doorashadii golayaasha
degaanka, taasoo ay ku tartameen 7 Xisbi/Urur, waxaana gebagebadii
ku guulaystay sadexda Urur ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.Waxaa hadhay
4 Urur iyo 1865 Xildhibaan, halkaas oo aad ka dareemi kartaan
baaxada hawsha doorashada aynu kasoo gudubnay.
Somaliland waxay halkan kusoo gaadhay siyaasi u tudha iyo oday
samo-talis ah, waxaan jecelahay inaan hortiina uga soo jeediyo
hambalyo, bogaadin iyo amaanba Hogaamiyayaashii Ururadii tartanka ku
hadhay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” iyo
Ismaaciil Aadan Cismaan oo u aqbalay natiijadii si sharaf lehna kana
tegay tabashadoodii.
Miisaaniyada iyo Korodhka Dakhliga Qaranka
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Maanta iyo maalintii aan xilka la wareegay waxaanu dedaal aad u
balaadhan ugu jirnay sidii dhaqaalaha dalka aanu u kobcin lahayn
korna aanu ugu qaadi lahayn Dakhligiisa, sidii Cashuuraha loo habayn
lahaa hoosna loogu dhigi lahaa tacriifada meelaha taabanaya nolasha
bulshada iyo sidii Musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida Qaranka loola
dagaalami lahaa, si looga midha-dhaliyana waxaanu samaynay:
tababarka iyo tayaynta shaqaalaha dawlada, wacyi-gelinta bulshada ee
bixinta cashuuraha ku waajiba, iskaashiga ganacsatada iyo la tashiga
maal-qabeenada dalka wax keena, dedaalkaas balaadhan ee aanu
Xukuumad ahaan qaadnay waxay noo sahashay in Sanadba- Sanadka ka
danbeeya aanu miisaaniyada Qarankeena kor usoo qaadno.
Iyadoo aanu dhaxalay khasnado madhan iyo deyn culus.Miisaaniyadii
2010 ee aanu la wareegnay waxay ahayd $50 Milyan oo Dollar, Sanadkan
2013Miisaaniyada Dawlada Dhexe waxay dhamayd $125 Miliyan oo
Dollar,Miisaaniyadda Guud ee Qaranku waxay ahayd (1.Trillioniyo
dheeraad oo shillinka SL ah oo dhiganta $174, Millayn oo dollar),
waxaanay ahayd Miisaaniyadii ugu badnaydee ay abid Somaliland
yeellato.
Waxaana ka mid ah waxyaabaha aanu qabanay: Hirgelinta Cashuur ku
dhejinta Tigidhada oo markii ugu Horraysay laga hirgeliyay dhamaan
Gobolada Dalka 12kii Bisha April 2012, Waxa kale oo aanu u saarnay
Guddi u gaar ahsiyaasada miisaanada dhaqan gelinteedana ilaa inta ay
sidii loogu talo galay ay u fulayso.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxaanu Hirgalinay Cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo
1% ah taas oo 2012 ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu, lana dhaqan
geliyay BishiiApril 2012, iyada oo loo furay Sanduuq u gaar ah
Hawlgabka.
Xukuumadu waxa ay hirgelisay in la kordhiyo 5%Cashuurta Sigaarka iyo
Qaadka taasi oo lagu guulaystay in laga fuliyo dhamaan Kastamada
dalka.
Waxaa la Hirgaliyay Cashuurta macaashal- macaashka, Mushaharka
Macalimiinta iyo hawlwadeenada Dugsiyada gaarka loo leeyahay, iyada
oo dalka oo dhan laga fullin doono, waxa aanu mudnaan siinay sidii
loogu kordhin lahaa miisaaniyadda loo qoondeeyay Waxbarashada.
Hirgelinta xaraynta kirada Guryaha Dawladda, iyada oo laga bilaabay
masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada ee Qaranka mushaharka ka qaata,
Kiradan waxa laga jaray mushaharka ay qaataan dhamaan Shaqaaluhu,
Wasiiradda iyo Xildhibaanada ku jira guryo dawladeed, waxaana si
rasmi ah loo bilaabay bishii June 2012.
Korodhkii miisaaniyadu waxa uu keenay inuu kor u kaco kabka dawlaha
hoose ay qaataan iyo cashuurta 10%-ka ee Dawladaha Hoose sanadihii
2011 - 2012, kuwaasi oo suurto galiyay in dawladaha hoose
Waxqabadkoodu uu kor u kaco sida ka muuqata inta badan horumarka ay
ku talaabsadeen , iyada oo laga fuliyay intabadan Degmooyinka iyo
Gobolada, kuwaasi oo isagu jira Sariibado, Waddooyin, Qashin ururin
iyo mashaariic kale oo badan oo wax lagaga qabanyo adeegyada
aasaasiga ah ee ay bulshada u qabtaan dawladaha hoose.
Sanad Miisaaniyadeedka 2012, marka loo eego sanad Miisaaniyadeedka
2011, waxa la kordhiyay dakhliga Kabka dawladaha hoose iyo cashuurta
10% ee dawladaha hoose ee dalka (Boqolkiiba Laba Boqol iyo Kow iyo
Todobaatan).
Anagoo ka duulayna tilmaanta sharcigu dhigayo in loo gudbiyo golaha
wakiilada sanad-walba xisaab-xidhka dawlada, iyadoo aan hore
loogusoo gudbin golahan sannado badan,arintaasoo culays ku keentay
xisaab-xidh-sanadeedkii nalaga sugayay.Waxaanu hadana soo gudbinay
xisaab-xidh sanadeedkii2008, 2009, 2010 iyo 2011.
Arrimaha Gudaha, Amaanka iyo Difaaca Qaranka
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Iyada oo ay Xukuumadaydu Muhiimada koowaad siinayso Ilaalinta
Amaanka Qaranka iyo xoojinta Nabadgelyda Dalka, iyada oo aanu
ogsoonahay Muhiimada ay Qaranka u leeyihiin Ciidamada kala Duwan ee
Aamaanka dalkeenu, kuwaas oo ah, Geesiyaal habeen iyo maalinba u
taagan ilaalinta amaanka iyo difaaca Qaranka.
Waxaanu si weyn u xoojinay una balaadhinay Dhismaha Ciidamada
Qaranka, Waxaanu ka safaynay wixii loo yaqaanay caaglaha tiro
gaadhaysa 2500 oo madax, iyada oo aan halkoodii ku buuxinay ciidamo
rasmi ah sidoo kale waxaanu kordhinay ciidamada meleteriga tiro
gaadhaysa 1800 askari,Waxaanu kobcinay Tababarradooda,
Taakulayntooda iyo Qalabayntooda, iyada oo aanu u kordhinay
Gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu ku hawl galaan.
Waxaanu qalabayn iyo dib-u-habayn ku samaynayCisbitaalada Gaarka ah
ee Ciidamada Qaranka ee Hargeisa iyo Burco.Waxaa kale oo la dhisay
Dugsiga Tababarka Dararweyne iyadoo ay kasoo baxeendufcado isdaba
joog ah intii aan hogaanka dalka gacanta ku hayay.
Waxaanu dhisnay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee
kamaandawsta, kuwaas oo ku qalabaysan saanad iyo gaadiid cusub oo ay
kaga hawlgeli-karaan dhammaan xaduudaha Somaliland, waxaanan ku
kalsoonahay inay kaalin laxaad leh ka qaadan-doonaan difaaca dalka
iyo guud ahaan xoojinta amaanka Qarankan.
Anaga oo fahamsan masuuliyada naga saaran sidii aynu kor ugu qaadi
lahayn haybada Ciidamadeena kala duwan, waxaanu diyaarinay dhammaan
Derajadii Ciidamada, waxaana miisaaniyada sanadkan 2013 ku jirta
gunooyinkii Taliyayaasha ciidamada, Saraakiisha, Saraakiil xigeenka
iyo inta derajada mutaysatay in kabadan 5000 oo sarkaal iyo sarkaal
xigeen kuwaasoo midkasta lagu jaan-goyn doono derajada uu
sito.Derajo-siinta ciidamadu waa himilo uu qaranku muddo dheer ku
taamayey waxaana aan ku kalsoonahay in bixinta derajadu aykor u
qaadi doontaa Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo karaamadeena
Qaranimo.Waxa kale oo guul noo ah in Saraakiil tiro badan oo ka
tirsan ciidamadeena kala duwani ay Tababarro ku soo qaateen dalal
debada ah.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxaanu ciidamada Booliska ku xoojinay Askar da’ayar ah oo aad u
tiro badan oo lagu soo xulay aqoon, kana soo baxay Dugsiyada Sare
iyo Jaamacadaha dalka, Ciidanka Booliiska waxaa lagu kordhiyay illaa
saddexdufcadood oo dhamaantood soo dhamaystay dugsiga tababarka
ciidamada booliiska ee Mandheero. Guud ahaan waxaa la tababaray 3900
oo Askari kuwaas oo ay rag yihiin 3277, halka ay 632 Haween ka
yihiin.
Waxaanu dhisnay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ka
Jawaabista Xaaladaha Deg-dega ah ee loo yaqaan RRU (Rapid Reaction
Unit). Si loo xoojiyo ammaanka dalka Waxa gobolada iyo degmooyinka
Dalka laga hirgaliyay saldhigyo iyo Rugo Boolis oo cusub oo
tiradoodu dhantahay 75 saldhig iyo 95 Rugood, oo dhamaantood la
qalabeeyay.
Waxa dib u dhis iyo balaadhin lagu sameeyay Xafiisyada iyo
Saldhigyada ay ka hawl galaan Ciidamada Boolisku,iyada oo aanu ku
kordhinay Gaadiidka u gaarka ah ciidamada booliskoo tiradoodu dhan
tahay 30 gaadhi waxaa kale oo Tababarro kala duwan dalka gudihiisa
iyo debadiisa ku soo qaatay Saraakiil tiro badan oo Boolis ah,
Waxaana noo qorshaysan inaanu sii balaadhino si ay mar walba heeggan
ugu noqdaan ilaalinta amaanka Qaranka.
Waxaanu diyaarinay Xeerka Ciidmada Booliska oo imika horyaala Golaha
Wakiilada Somaliland, iyada oo aanu wax ka bedelnay Qaab dhismeedka
Ciidamada Booliska. Waxa kale oo socda dhamaystirka Manhaj cusub oo
lagu tababarayo Ciidanka Booliiska JSL, kaas oo ku salaysan
Dastuurka Qaranka, ilaalinta xuquuqda aadamaha, wada shaqaynta
ciidamada amniga iyo bulshada, waxaana la dhamaystiraydib-u-dhiska
Xarunta Ciidamada Birmadka.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxaanu balaadhinay Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Kuwan Laanta
Socdaalka oo kaalin weyn kaga jira Ilaalinta Amaanka Xeebaha iyo
meelaha lagasoo galo Dalkeena, waxaana lagu kordhiyay ciidamo tiro
badan oo lagu soo xulay aqoon, kuwaasi oo la siiyay tababarro muhiim
ah iyadoo tiro ahaan iyo tayo ahaanba kor loo qaaday, waxaana loo
qalabeeyay si dhamaystiran iyada oo la siiyay Dirayskii iyo qalabkii
shaqadooda ay ku gudan lahaayeen. Waxaa sidoo kale qalab
isgaadhsiineed casri ah loo dhisay ciidamada ilaalada xeebaha,
qalabkaas oo u sahlaya in ay habeen iyo maalinba, Bad iyo Berriba
ugu wada xidhiidhi karaan Ciidamada Ilaalada Xeebuhu.
Waxaa Horumar balaadhan laga sameeyay dhinaca Nidaamka socdaalka
Somaliland oo ahmiyad balaadhan u leh nabadgelyada iyo horumarka
dalkaba, waxaa la Fududeeyey helida fiisaha oo lagu heli karo (On
arrival iyo Online) labadaba.Waxaa kale oo dalka la keenay qalab
casri ah oo lagu baadho Baasaboorrda foojariga ah oo imika laga hawl
galiyay Gegida diyaaradaha ee muhiimka ah qalabkan oo suurtagelinaya
hubinta iyo Kaydinta Macluumaadka Dadka Socotada ah(PIRS System).
Waxaa laanta Socdaalka loo dhisay Dhisme aad u weyn oo Saddex Dabaq
ah, oo ka kooban Afartan Xafiis oo qalabaysan, Waxa kale oo
dhismayaal qalabaysan laga sameeyay Xuduudaha kala duwan ee
dalka,iyada oo uu socdo qorshe Baassaboorka Somaliland lagu
casriyaynayo lagana dhigi doono mid la Jaanqaada Baasaboorrada
caalmiga ah (Electronic Passport). Si aan u kobcino hay’ada
sirdoonka oo halbawle u ah dawladnimada iyo amaanka dalka waxaan u
samaynay xeer-kii iyo nidaamkii sharci ee ay ku shaqayn lahaayeen.
Shacbiga reer Somaliland waxay caan ku yihiin ilaalinta
Nabadgelyada, isla markaasna ay Nabadgelyadu tahay tiirka koowaad ee
Qarankani uu ku faano, waxa xukuumad ahaan aanu xoogga saaray
adkaynta Nabadgelyda gudaha iyo Nabad ku wada noolaanshaha
dalalkajaarka ah,iyo in aanu si wada jir ah uga wada hor tagno cid
kasta oo khalkhal gelin karta Amniga iyo deganaanshaha. Waxaa naga
go’an Xukuumad ahaan in aanu sii laban-laabno dedaalkayaga aanu ku
ilaashanayno Nabadgelyadaya iyada oo aanaan cidnaba ka aqbali doonin
kana ogalaan doonin inay dhaawacaan Ammaanka dalka.
Arrimaha Bulshada
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Taabb-gelinta waxbarashada iyo ladagaalanka jahligu waxay aasaas u
tahay yaraynta faqriga iyo saboolnimada, waana waxyaalaha ay
mudnaanta siinayso xukuumadaydu sidaa darteed waxaanu sii Joogtaynay
oo aanu sii Balaadhinay Waxbarashadii Bilaashka ahayd, waxaana la
hirgaliyay Sanduuq dhaqaale.
Waxa la Qaybiyey Buugaagtii Dugsiyadda Hoose/Dhexe oo dhamaan la
gaadhsiiyey Dugsiyada, iyada oo la qorsheeyay in Saamigu uu noqdo in
Labadii Ardayba uu Hal Buug ka Dhexeeyo, waxaana uu ku talogalkayagu
yahay in Arday kasta oo Somaliland wax ka barta in uu helo buugaag
ku filan, si aan arintaa loo suurageliyana waxa laga shaqeysiiyey
Madbacad ay leedahayWasaarada Waxbarashadu oo hadda shaqeysa.
Waxa Gobolada, Degmooyinka iyo tuulooyinka dalka laga dhisay 145
Dugsi Hoose/Dhexe iyo Toban Dugsi Sare oo dib loo cusboonaysiiyay
laguna kordhiyay Fasalo cusub iyadoo wasaarada laga hirgeliyay Hal
Studio oo Warbaahinta Waxbarashadda ah.Waxa hada gacanta lagu hayaa
kordhinta dhismaha 24 Dugsi.
Waxaanu wada shaqayn fiican la samaynay Dawladaha iyo Hay’adaha
waxbarashada ka caawiya mandaqada,arrintaas oo sababtay in
Miisaaniyaadda Sanadkan loo soo qoondeeyey Waxbarashaddu ay
gaadhayso 11 Milyan oo Euro.
Waxa Jaamacadaha dalka ka qalin-jebiyay arday gaadhaysa 6,646 arday,
arintaasiwaxay daliil u tahay horumarka aqooneed ee dalka, inkasta
oo ay shaqo-la’aan badani jirto hadana ma jiro cadaw ka wayn
jahliga.Bulsho koboceeda dhaqaale iyo horumar waxaa laga saadaaliyaa
korodhka aqoonta.Iyadoo arintaa laga shidaal-qaadanayo Waxa la
sameeyay Istraatiijiyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliina Sare
(ESSDP).
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Anaga oo ogsoon in Caafimaadku uu muhiim u yahay nolosha
Bani’aadamka, waxa Xukuumad ahaan aanu xil weyn iska saarnay sidii
loo hagaajin lahaa Daryeelka Caafimaadka, loogana hor tagi lahaa
Cudurrada kala duwan, isla markaasna waxaanu ku dedaalnay in
dadweynaheenu ay Dalka gudihiisa ka helaan adeegyo caafimaad oo
dhamays tiran si ay uga raystaan inay dalka debadiisa ugu baxaan
arrimo caafimaad.
Waxa ay wasaarada caafimaadku Diyaarisay Qorshe Sanadeedka Shanta
Sanadood oo la Jaanqaadaya Qorshaha Horumarineed ee Qaranka iyo
Xeerka Caafimaadka Qaranka oo loo soo gudbiyay Golaha Wakiilada
Somaliland.
Waxaa Caasimada Hargeysa laga bilaabay Dhismaha Cisbitaalka Cusub ee
Dr Maxamed Aadan Sheekh oo noqon doona Cisbitaal loo dhisayo
Dhallaanka iyo Haweenka, waxaa inta badan cisbataalada gobolada iyo
degmooyinka lagu sameeyay dib u habayn, iyadoo qaarkoodna laga
hirgeliyay Mashruuca isku xidhka Adeegyada Caafimaadka asaasiga ah-
the essential package of Health Services (EPHS).
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Xukumada JSL, iyada oo ka duulaysa barnaamijkii ay balan qaaday ee
kobcinta dhaqaalaha iyo waxsoo saarka dalka, waxa ay Wasaarada
Beeruhu tijaabisay dalagyo cusub oo laga beeri karo dalka.
Wasaaradda Beeruhu waxa ay ku guulaystay in la dhamaystiro qorshe
lagu tijaabinayay in bariisku ka bixi karo dhulka Somaliland, taasi
oo lagu guulaystay oo laga midho dhaliyay.
Dalagyada kale ee la tijaabiyay waxa ka mid ah Tufaaxa, Cananiska,
Muringaha, Mulukhiyada (morinda), Jiir-jiirka (rooket salad),
Misirka, Faasuuliyada, Xulbada iyo Sagara xuudka.
Xukumada JSL, waxa ay tabobaro siisay beeralayda dalka, mudo laba
sano gudahooda, waxa tabobaro la gaadhsiiyay 2,000 oo beeralay ah,
kuwaasi oo ka faa’iidaystay tabobaro kor loogu qaadayo xirfadahooda
wax beeriseed. Waxakale oo tabobaradan barbar socday kormeero iyo
kulamo kala duwan oo lagu dhiirigelinayo beeralayda Dalka.
Waxaa qalab kala duwan la gaadhsiiyay beeralayda Jamhuuriyada
Somaliland.waxa ugu muhiimsanaa 10 cagaf oo qiimojaban lagaga
xaraashay beeraley ka kala socota Gobolada dalka oo dhan. Motoorro,
ceelal, tuubooyin, dibi iyo qalab kale oo la gaadhsiiyay.
Waxa la qaybiyay7 makiinadood oo kuwa shiida hadhuudhka ah, 3
makiinadood oo kuwa shiida bariiska ah iyo 1 makiinad oo nooca
shiida saliida (Sinsinta).
Waxa la hirgeliyey:
· Dhisme 16 xafiis ka kooban oo laga fuliyey xarunta wasaarada
Beeraha
· Dayactir lagu sameeyey dhismayaashii xarunta tababarada Aburiin,
qaybana lagu kordhiyey
· Dayactir iyo Dayr lagu sameeyey xarumaha wasaarada Beeraha ee
Burco, iyo Gabiley.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Bulshada reer Somaliland waxay u badan tahay xoolo dhaqato, sidaa
darteed Xoolahu waa laf dhabarta dhaqaale ee Somaliland, Xukuumadu
waxa ay qaaday ololayaal lagu dawaynayo xoolaha; waxa la daweeyay
xoolo tiradoodu dhantahay 500,000 oo neef oo adhi ah.
Waxa ay Xukuumadu shaqaaleysiisay 50 dhakhaatiirtaXoolaha ah
kuwaasoo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Burco, Dugsiga Xoolaha ee
Sheekh iyo Jaamacadaha Ethiopia.
Waxa la diyaariyay 2 kooxood oo ka hawlgala gurmadka degdega ah ee
caafimaadka xoolaha kuwaas oo u baxay 24 goobood.
Waxaa dhammaan sayladaha Xoolaha ee caasimadaha Gobolada Dalka laga
sameeyay Hadhadh, iyo Raamam Xoolaha laga raro, lagana dejiyo,
biyo-gelin, iyo xarumo lagu daaweeyo Xoolaha.
Waxaa laga dhisay magaalada Burco kawaan Casri ah oo loo sameeyay
ceel riig ah oo u gaar ah.Waxaa dib u habayn iyo casriyayn lagu
sameeyay saylada hilibka ee magaalada Boorama.
Waxa kor u kacay dhoofka xoolaha kaas oo abuuray shaqooyin,
dhaqaalaha bulshadana kor u qaaday.
Waxa laga dhimay khidmada maxjaradu ka qaadi jireen xoolaha $2
Dollar,talaabadaas oo ka dhigtay $4 Dollar, iyada oo markii hore
ahaan jirtay $6 Dollar.Dhimistaas oo ukala qaybsan sidan$1 Dollar oo
ganacsatada laga dhimay, halka $1 dollarna lagu wareejiyay khasnada
dhexe ee dawladda.
Siyaasada Arrimaha Dibedda
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxaa hubaal ah in ay taaba gashay qaranimada Somaliland iyada oo uu
dalkeenu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal
madax-banaan, Somaliland waa dal nabdoon, xuduudihiisu ay
suganyihiin, waa dal dimuquraadi ah oo ay ka jirto sharci iyo kala
danbayn (Law and order) waa dal leh Hay’adihii dawligi ahaa kuna
wada shaqeeya nidaam dastuuriya, waxaa ka jira bulsho u hogaansan
dastuurka iyo xeerarka u yaalla.
Halkan inagu iskeen umayno iman ee waxaynu ku nimi doorashada
aqlabiyada codka shacabka, waa ka aynu kuwada shaqaynayno dunidu
inagu ixtiraamayso, aan idinku hogaaminayo, idinku igula
xisaabtamaysaan, wada shaqayntiinana aan u dalbanayo.
Somaliland waa meel lagu ixtiraamo xuquuqul-iinsaanka iyo
xoriyatul-qawlka, laguna dhawro shuruucda caalimiga ah, waa hubaal
in beesha caalamku inala macaamisho,gacan-qabasho koobanina inaga
soo gaadho balse kamay helin dadkaygu wixii ay beesha caalamka xaqa
ugu lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa iyo taageero dhaqaale oo caalami
ah.
Waxaanu booqanay dalal badan oo aanu u ban dhignay qadiyada
Somalilannd waxaa inoo yimi wufuud badan iyo dublamaasiyiin maqaam
sare leh, ooaan la yeeshay kulamo gaar gaar ah, waxaanu wada shaqayn
la yeelanay qaar ka mid ah shirkadha iyo Hay’adaha caanka ku ah
Ictiraaf raadinta, arimaha debada waxaanu ka samaynay xidhiidh
fiican iyo horumar la taaban karo guud ahaan caalamka, gaar ahaan
wadamada jaarka ah,Wadamada carabta, Wadamada Europe iyo Maraykanka
oo uu xidhiidh fiicani inoo dhexeeyo.
Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia u billaabmay waxay ahaayeen
arrin guul u keentay Somaliland, waxay ku salaysnayd baaqii
caalamiga ahaa ee kasoo baxay shirkii London 23 Feb 2012, kaasoo
beesha caalamku fagaare loo dhanyahay inoogusoo jeedisay innaga iyo
Somalia inaynu ka wada hadalo mustaqbalkeena siyaasadeed, waxaynu ku
tagnay shirkaas talo qaran oo loo dhanyahay oo aad labadiinan gole
saldhig u ahaydeenkuna ogolaateen nidaam sharciya, waxaanay ahayd
tallaabo fiican oo dhinaca wanaagsan loo qaaday guud ahaanba
mandaqada.
Dawlada cusub ee Somalia waxaan jecelahay inay inoo dhexayso
cilaaqaad fiican, waxaanu cid walba u sheegayna dalkan Somaliland
dawlad uma aha, mana xukunto, waxaynu dawladnimadeenii dib ulasoo
noqonay sannadkii 1991-kii, maanta waxaynu ku hawlanahay horumarinta
dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida.
Dawlada Somalia iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay
garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u
leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa.
Hadaan wax yar ka idhaahdo ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada
cusub ee Somalia, arintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha
wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somalia
balse waxay iminka agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin
xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida ukordhaya iyo inay
nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Somaliland iyo Dawlada Maraykankaxidhiidhkii inoo dhexeeyay waxba
iskama bedelin,wada shaqaynteenu waa sideedii, waxaad illa dhugataan
fariintan oo wasaarada arimaha debadu igasoo gaadhay “U.S.
recognition of the government of Somalia will not prevent the U.S.
government from engaging in Somaliland nor prevent us from
conducting our programs in Somaliland. We made sure to clarify this
with the Somali government before deciding to recognize them”.
Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo
taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay,
waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu
sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo
ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka
labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay.
Walaalayaal, baahida ugu weyn iyo shayga ugu muhiimsan ee qarankan
Somalilandku naaloonayaa waa aqoonsi iyo ictiraaf uu ka helo dunida,
waxaynu soo samaynay dedaal badan iyo dhabar adayg aynu 22 sanadood
ku raadinaynay qadiyadeena ummadnimo, waxaana marag-madoon ah in wax
weyni inoo qabsoomeen meel fiicana aynu joogno balse waa masiir
umadeed oo inooga baahan tacab intaa kasii badan, dedaalkeena
labanlaabno, gacmaha is-qabsano oo si wada-jir ah uga wada shaqayno
xukuumad, golayaasha, shacbiga , xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba.
Wax kasta oo qaaliya waxaa lagu gaadhaa, qiimo badan iyo wax
qaaliya, umadani waxay madax-banaani iyo gobonimo ku gaadhaysaa
iyadoo loo guntado, in garasho sax ah lagu baadi-doono, loo wada
fahmomadaxbanaanidu inay tahay masiirk umadeed oo cidkasta xil iyo
masuuliyadi ka saarantahay, ma aha wax maalin iyo habeenkeed meel
lagasoo qaadayo, ma aha wax xukuumadu iska leedahay, waase shaqo loo
igmaday, ma aha meel aad mucaaradnimo ka daydo ama aad istidhaahdo
cid ku xumee ee waa qaranimadii oo xil baa inaga wada
saarandhamaanteen.
Madaxweyne ahaan intii aan xafiiska joogay waxaan qaaday talaabooyin
badan waxaan garaacay albaabo badan, waxaana iga go’an in aan geed
dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan dalkan aqoonsi iyo
madax-banaani u gaadhsiin lahaa, si aan yoolkaa u xaqiijiya diyaar u
ahay inaan hor fadhiisto cid kasta, talaabo kasta oo arintaa lagu
gaadhi karana waxaan diyaar u ahay inaan qaado.
Waxaanan ogsoonahay in xilka koowaad aniga iga saaranyahay balse
Ictiraafku ma aha wax aniga gacantayda ku jira ee waa wax gacan kale
inagaga xidhan, Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo
sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa
wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina.
Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda
siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn
in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.
Horumarinta dalka
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxa ummada reer Somaliland ay ka war hayaan meeshii aanu wax ka soo
bilownay, iyo halkii uu taagnaa Dalkeenu marka laga eego arrimaha
Dhaqaalaha , Nabadgelyada, Caafimaadka , Waxbarshada, iyo Siyaasada,
Warbaahinta iyo Arrimaha kale Bulshada.
Markii aan xilka la wareegay waxaanu u nimi Dalkeenka oo haysato
Mussalaf Dhaqaale, Qasnad madhan, shaqaalihii iyo ciidamdii oo aan
Afar bilood mushahar qaadan iyo deymo xad dhaaf ah oo garbaha aanu
ku qaadanay.Idaacada Qaranka oo aan Hargeysa Dhaafin,
Telafishankeena oo Somaliland oo kaliya laga daawado iyo arrimo
badan oo dib u dhac ka muuqday oo aynaan dhamaantood halkan ku xusi
karin.
Waxaan shaki ku jirin in aanu nahay Xukuumadii Horumarka, waxaana
marag madoon ah in dalkani ku talaabsaday horumar la taaban karo,
indhaha caafimaadka qaba ayaa arkaya bulshada ayaa marag ka ah,
taariikhdaana qoraysa wixii aanu qabanay. Waxaan wax kooban ka
tilmaamidoonaa wax-qabadkii iyo horumarkii ay Xukuumaddaydu ku
talaabsatay.
Nabadgelyada:Waxaanu daminay collaadii mudada dheer ka taagnay
ceel-bardaale, waxaanu daminay collaadii buuhoodle iyo kalshaale
iyadoo aanu ku guulaysanay in aanu la heshiino ururkii hubaysnaa ee
SSC oo uu hogaankiisii maanta xukuumadan ka mid yahay.
Waxbarashada: Waxaanu billaash ka dhignay dugsiyada waxbarashada
taasoo suurta gelinaysa in Caruurta danyarta ah iyo caruurta
qoysaska ladani ay si siman wax barashada uga qayb qaataan iyadoo
aad ka dareemi karto korodhka ardayd oo gaadhay 7817 arday labadii
sano (2011/2012) taasoo u dhiganta % 43.3 waxaa la dhisay 165 Iskuul
Dhaqaalaha: Waxay ahayd miisaaniyadii aanu la wareegnay (Saddex
Boqol iyo Kow iyo Soddon Bilyan) oo u dhiganta$50 Milyan USD, waxaan
gaadhsiinay(1Trillion,Somaliland shillin oo u dhiganta $174,
Millayn) anagoo samaynay miisaaniyad qaran oo ka kooban dawlada
dhexe $125,000,000, Hay’adaha madaxa banaana $35,854,545 iyo
Dawladaha hoose oo dhan $11 Milyan.
Waxay u ahayd dhaqaalaha dalka talaabo wayn oo la qaaday bedelaadii
lacagtii giimbaarta ahayd ee Burco.
Wadooyinka: Waxaanu dayactiray inta badan wadooyinka waaweyn, waxaa
laga sameeyay magaalooyinka waaweyn Hargeisa, Burco, Boorama iyo
Berbera wadooyin laamiyo ah oo aad u badan kuwaas oo isku darkoodu
celcelis ahaan gaadhayo 290 KM Waxaanu dhamays tiray Biriijkii
Hargaysa ee muddada dheer laga dhursugayay.
Waxaa dawlada iyo bulshadu iska kaashadeen wadooyinka Dilla-Boorame,
Hargaysa-Salaxlay, Burco-Oodweyne, Kalabaydh-Togwajaale, jidka dawga
cad- Hargeysa.Waxaana aanu dhawaan bilaabi doonaa wadada dheer ee
halbawlaha u ah isku xidhka dalkan ee Togdheer-Ceerigaabo iyada oo
aan sanadkan dhagaxdhigi doonno, waxaana aanu samayn doonaa abaabul
ballaadhan oo bulshadu kaga qayb qaadato.
Dhismayaasha: Waxaa dhismayaal cusub loo sameeyay qaar badan
wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada sida, Wasaarada Gaashaandhiga,
Wasaarada Kaluumaysiga, Wasaarada Qorshaynta, Wasaarada Shaqada iyo
Arimaha Bulshada, Wasaarada Beeraha, Wasaarada Arimaha Dibada,
Wasaarada Duulista Hawada iyo Qasriga madaxtooyada oo aan dib u
habayn ku samaynay kuna darnay dhismayaal aad u badan oo cusub.
Madaarada: Waxaanu dhisnay labada madaar Hargeisa iyo Berbera iyadoo
la horemariyey adeegyadooda loona keenay qalabka lagu baadho alaabta
socdaalayaashu sitaan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa Madaarka
Burco.
Ciidamada: Si loo adkeeyo difaaca qaranka iyo ammaanka dalka waxaanu
ciidamada ku soo kordhinay gaadiidka gaashamman iyo kan xamuulka iyo
ciidamada qaadaoo ay tiradoodu dhan tahay 107.
Shaqaalaha: Waxaanu shaqaalaynay 5557tootalka guud, oo ah intii ugu
badnayd ee awoodu noo saamaxday.
Warbaahinta: Iyada oo ummadu muddo badan sugaysay, waxaan keenay
Idaacad gaadhaysa dalka gudihiisa iyo debediisaba iyo TVga
Somaliland oo aanu gaadhsiinay dunada oo dhan.
Biyaha: Waxaa la dhamays tiray 42 Ceel oo ah nooca dhaadheer intii
aan xilka hayay, halk dalka hore looga qoday 89 ceel 20kii sanadood
ee iga horeeyay,Waxaanu ka bilawnay gobolada iyo degmooyinka dalka
mashaariic badan oo dhinaca biyaha ah.
Waxa la bilaabay mashruuc caasimada Hargeysa lagu wada gaadhsiinayo
biyo ku fillan oo uu ku baxayo dhaqaale dhan $21,300,000(Kow iyo
Labaatan Milyan iyo Saddex Boqol oo Kun oo Dollar).
Xeerarka: Aniga oo ka mahad naqaya wada shaqaynta golayaasha sharci
dejinta, waxa aanu usoo gudbinay golayaasha sharci dejinta 27 xeer,
waxa la ansixiyay 21 xeer, mudadaas aan xilka hayay.
Qorshaha Xukuumada ee Sanadka 2013
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Qorshaha Xukuumada ee Sanadkan 2013 waxa saldhig u noqon doona
qodobadii kasoo baxay shirkii qiimaynta Waxqabadka xukuumada iyo
qorshaynta sanadka cusub ee Qasriga Madaxtooyada ku qabsoomay bishii
Oktoobar ee sanadkii hore ee 2012, shirkaasi oo si qoto dheer ay
Xukuumadu ugu lafo-gurtay waxii qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo
waxa u baahan in la qabto, iyadoo laga shidaal qaadanayo 5 years
plan-kii aanu dalka udhignay.
1. Nabadgelyada:
Waxaanu Xoogga saari doonaa Adkaynta Nabdgelyada iyo Xoojinta
Difaaca Qaranka, waxaana aanu sii xoojin doonaa dagaalka aanu kula
Jirno Argagixisa, Kooxaha Nabadiidka ah iyo Budhcad Badeeda, iyada
oo kor loo qaadi doono Tayada Hay’daha Qaranka ee Nabadgelyada u xil
saaran, lana xoojin doono Xidhiidhka ka dhexeeya laamaha kala duwan
ee Ammaanka. Waxaa kale oo la sii wadi doonaa Nabadeynta iyo Maamul
fidinta Gobolada Sool iyo Sanaag Bari iyada oo xoogga la saari doono
sidii loo horumarin lahaa goboladaas.
2. Caddaalada:
Waxaanu xoogga saari doonaa Horumarinta Cadaalada, Toosinta iyo
Kobcinta Garsoorka, qabyo tirka shuruucda iyo xeerarka taasoo aasaas
u ah helitaanka Cadaalad buuxda oo ay muwaadiniintu helaan,
talaabooyinkaas oo ay ka dhalan doontokalsooni buuxda oo ay
Bulshadeenu ku qabto Laamaha Garsoorka Dalkeenka.
3. Shaqo-Abuur:
Waxa xoogga la saari doonaa sidii loo samayn lahaa barnaamijyo Shaqo
abuur oo dhamaystiran, si xal loogu helo Mushkilada Shaqo la’aanta
ee ka jirta Dalkeena, loona abuuro fursado shaqo oo ay ka
faa’iidaystaan Dhalinyaradeenu, waxaana xoogga la saari doonaa
kobcinta dhaqaalaha dalkeena, soo saarista khayraadkeena, soo
jiidashada maal gelinta shisheeyaha, iyada oo la samayn doono wacyi
galin balaadhan oo ku wajahan la dagaalnka Fakhriga iyo dhiiri
galinta tacabka bulshada..
4. Isku Filaansho Xaga Cuntada ah:
Waxaanu xoogga saari doonaa sidii qarankani u noqon lahaa mid cunto
ahaan isku filan, waxaanu kor u qaadi doonaa Wax soo saarka Beeraha,
Kalluumaysiga iyo horumarinta Xoolaha nool.Waxaana xukuumadaydu ay u
hawl gali doontaa sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa tabcashada
Beeraha iyo ka faaiideysiga khayraadka Badda.Waxaanu samaynay
qorshahasugitaanka cuntada iyo biyaha (Food and Water Security) taas
oo uu golaha wasiiradu ansixiyay.
5. Siyaasada maamulka iyo kala xadaynta Dhulka:
Waxaa la dejin doonaa Siyaasadii guud ee Dhulka, si loo yareeyo
muranada ka dhasha dhulka loona ilaalin lahaa dhulka Danta guud,
waxaanu si mug leh uga hawlgeli doonaa ilaalinta Deegaanka iyo ka
hor taga Xaalufka, waxaanu samayndoonaa qorshe lagu kala habaynaayo
dhul Daaqsimeedka iyo Dhul Beereedka, iyo Dhulka Seeraha ah.
6. Siyaasada Arrimaha Dibedda:
Aqoonsi buuxa oo qarankani ka helo dunida waa bartilmaamedka koowaad
ee siyaasadeena arimaha dibadu ku wajahan tahay, waxaana la diyaarin
doonaa Siyaasad qorshaysan, xidhiidh furfuran iyo iskaashi fiican oo
ku wajahan Beesha caalamka sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub,
America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka
dhaxaysa. Sidoo kale, waxaa la xoojin doonaa doorka uu qurba-jooga
Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
7. Miisaaniyada Qaranka:
Sidii aanu horey idiinku soo bandhignay Siyaasadda miisaaniyadda ee
sanadkan 2013 Waxaa si weyn uga muuqandoona Mashaariicda Horumarinta
dalka, adkaynta Nabadgelyada iyo Difaaca Qaranka, Horumarinta
Cadaaladda, iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
Anigoo garwaaqsan dibu dhaca adeega bulsho eeka jira gobolada Sool,
Sanaag Bari iyo Buuhuudle waxaanu sanadkan u qorshaynay 38 mashruuc
oo horumarineed oo usii gaar ah goboladaas, kuwaas oo lagu
horemarinayo adeegyada bulshada, kor uqadista shaqo abuurka iyo wax
soo saarka, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan 9
Bilyan Somaliland Shillin oo u dhiganta $1,300,000 USD (Hal Milyan
iyo Saddex Boqol oo Kun), waxaana ay u kala qaybsanaan doonaan
sidan:
· Gobolka Sool 15 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $500,000 USD
(Half Milyan)
· Degaanka Sanaag bari 15 Mashruuc oo ay ku baxayso kharash dhan
$500,000 USD (Half Milyan)
· Gobolka Buuhoodle 10 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $300,000
USD
8. Diiwaan Gelinta iyo Doorashooyinka:
Sidii aan ku xusay khudbadaydan waxaa inasoo gudagalay wakhtigii
doorashadaGolaha Wakiilada oo ku beegan dabayaaqada sanadka 2013,
iyadoo wakhtigii doorashadii golaha guurtiduna ay ku beegantahay
sanadka 2014 wakhtigii doorashada madaxweynuhuna ay ku beegantahay
sanadka 2015 waxaa kale oo loo baahanyahay in la qabto iyana
diwaangelinta muwaadiniinta (Civil Registeration) doorashooyinka ka
hor, iyadoo aynu ognahay muhiimada doorashooyinku u leeyihiin
qarankan.
Waxay u muuqataa in aanay suurtagal ahayn in labadaa sanadood
gudohood lagu qabto diwaangelin iyo sadex doorasho, hawshaas oo
umuuqata inay qarankan ku tahay culays iyo dhiigbax, si arintan xal
loogu helo waxaan u saari doonaa gudi qaran waxaana aynu kaga gudbi
doonaa talo loo dhanyahay.
Inaga oo ka duullayno waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay
Doorashooyinkii deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay, waxaanu
qaban-doonaa in dalka laga hirgaliyo Diiwaan gelin dhamaystiran,
taasoo aanu miisaaniyada sanadkan ugu darray $1,000,000 (Hal Milyan
oo Dollar).
Mudanayaal,
Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta
korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ,
marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay
bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal
maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah.
9. Soo Saarista Khayraadka Dalka (Macdanta iyo Tamarta)
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Iyada oo aanu maanka ku hayno Khayraadka kala duwan ee ka buuxa
Dalkeena hooyo, iyo baahida weyn ee aynu u qabno Ummad-ahaan inaynu
khayraadka dalkeena la soo baxno si aynu uga baxno Saboolnimada una
yeellano awood dhaqaale oo wax weyn ka tarta nolosha shacbigeena iyo
horumarka dalkeena, iyada oo aanu fahamsanahay in awwood dhaqaale oo
aynu yeellanaa ay wax weyn ka bedeli doonto miisaanka aynu ku
leenahay dunida, wax weyna ay ka tari doono yoolka aynu higsanayno
Qaran ahaan.
Waxaanu dib-u-eegis iyo wax ka bedel ku samaynay dhammaan
heshiisyadii shidaalka ee laga dhaxlay Xukuumadii hore, iyadoo
laysku afgartay in ay shirkadaha shidaalku fuliyaan barnaamij shaqo
oo dhamaystiran, kaas oo la raacayo Qodobo iyo Wakhtiyo cayiman,
arimahaas oo keenay in 21 sano ka dib markii ugu horreysay dib looga
bilaabay in si mug leh loo Sahamiyo Gaasta iyo Saliida Ku jirta
Dalkan Somaliland.
Waxa ay Xukuumadu heshiis kula gashay shirkadaha Shidaalka inay ku
kharash gareeyaan $57 Milyan Sahaminta Saliida iyo Gaaska Somaliland
labada sano ee soo socda, taas oo ah hordhaca shaqda imika
bilaabantay.
Birta, Dhuxusha iyo Maanganiiska
Waxay Dawladu heshiis la gashay laba shirkadood oo caalami ah in ay
fuliyaan sahaminta iyo soo saarista macdanta dalka ee ay ka mid
tahay Birta, Dhuxusha, iyo Maanganiiska, taas oo gacan ka gaysan
doonta mustaqbalka kobaca dhaqaalaha dalka iyo yaraynta shaqo
la’aanta Dalka.
10. Xeerka Dawlada dhexe (Centeral Government Act)
Si looga hortago oo meesha looga saaro kala daadsanaan ku timaada
shaqada iyo haybada dawladnimo loogana fogaado is dulfuulka xilalka
iyo waajibaadka, isla markaana loo xaqiijiyo in xilalka la isu
raaciyay hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmigeeda.
Waxaanu dejinaynaa oo diyaarinayaa Xeerka Maamulka Hay’daha
xukuumada oo kala xadidaya xilalka, waajibaadka, awoodaha iyo
shaqada Hay’adaha xukuumada, kaas oo lagu maamuli doono laamaha kala
duwan ee Dawladda Dhexe iyo isku xidhkooda.
11. Wax ka-beddelka iyo Kaabista Dastuurka
Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka
beddel iyo kaabis, si arintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo
gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee
dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada
dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad.
Sidoo kale in doorashada golaha guurtida laga dhigo, Xulis ee aanu
doorasho ku iman si aanay meesha uga bixin tayadiisa iyo ka qayb
qaadashada beelaha yaryari.
GEBOGEBO
Gudoomiye iyo Mudanayaasha sharafta leh,
Waxa aan hortiina ka balan qaadayaa sidii aan horeba ugu shaqaynayay
inaan dhawro madaxbanaanida garsoorka, xilka golayaasha sharci
dejinta, ilaalinta xuquuqda aadamaha, xoriyatul qawlka iyo kaalinta
saxaafada madaxa banaan.
Waxaan aaminsanahay in ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeeshaan
talada dalka iyo horumarkiisa kaalin mug leh oo firfircoon, taas oo
ay markhaati u ahayd xeerarkii aan usoo gubiyay golahan ee arinta ku
saabsanaa, wax ka badalka da’da ay dhalinyaradu kaga qayb gali karto
doorashada golayaasha deegaanka oo aynu ka dhignay 25 sanno idinku
aad ogolaateen.
Waxaa aan idiin soo gudbiyay xeerkii kootada siinayay haweenka iyo
dadka laga tiro badan yahay doorashada golayaasha deegaanka oo
aydaan waafaqin, waxa aan mar labaad idinka codsanayaa inaad dib u
eegtaan inta ka horaysa doorashada golaha wakiilada, si ay
haweenkeena iyo dadka laga tiro badan yahay uga muuqdaan golayaasha
la soo doorto ee qaranka.
Waxaad ogsoontihiin jidkii dheeraa ee uu Dalkeena Hooyo soo maray.
Waxaad ogtihiin in aynu nahay Qaran isku tashaday oo iyaga oo aan
dunida ka helin Aqoonsi caalami ah iyo kaalmo dhaqaale oo muuqata,
dalkoodii dib u dhistay.
Waxaynu muddo 21 sanadood gudahood ah dhisanay Dawladnimo buuxda oo
Dimuqraadi ah, nabadgelyo, kala dambayn iyo Dhaqaale muuqda oo aynu
abuuray,hormar dhinac kasta ah oo aynu ku talaabsanay.
Waxaynu gaadhi doonaa insha alaahu wakhti aan fogayn horumar
ballaadhan.Waxaa hubaal ah in ay innoo soo socdaan maalmo iyo
Sannado badan oo Barwaaqo aynu ku noolaan doonno, waxaynu gaadhi
doonnaa yoolka aynu higsanayno oo ah aqoonsi uu Qarankani ka helo
dunida.
Mudanayaal,
Maanta Somaliland loo warwari maayo maraxalado badan ayay soo martay
oo fulaygu shakiyay, sidii aan hore u sheegay boqol sanadood haday
gaadhayso qadiyada madaxbanaanida Somaliland waa muqaddas, waxaanan
ku kalsoonahay inaynu si wada jir ah uga wada gudbi doono caqabad
kasta oo inaga hortimaada.
Waxaad dhamaantiin tihiin geesiyaal ay taariikhdu xusi doonto,
waxaad muujiseen Dedaal, Wadaniyad iyo Isku Kalsooni, waxaanad
dhabar-adayg iyo Samir kaga soo gudubteen duruufo aad u adkaa oo uu
Qarankeenu soo maray muddadii aynu la soo noqonay
madaxbannaanideena.
Madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland waa mid ku timi Rabitaanka
Shacbiga Somaliland;Waa Madaxbanaani ay u soo mareen Jid dheer oo
dhib badnaa;Waa Madaxbanaani aanay cidna u daba-fadhiisanayn; waa
madax banaani ay uhuri doonaan naf iyo maalba;waa Madaxbanaani ay
Difaacan doonaan, Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Militari
ahaanba haddii ay kallifto.
Waxaan ugu baaqayaa Caalamka Nabada iyo Horumarka Jecel in ay
tixgaliyaan go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Somaliland.
Madaxda reer Soomaaliya Waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wixii
dhaawici kara Qodobadii ka soo baxay Shirkii London, isla markaasna
ay garawsadaan in Qaranka Somaliland Madaxbanaanidiisu ay tahay mid
Muqqadas ah oo aan Gorgortan gali karin, loona baahan yahay in laga
shaqeeyo wixii Deris wanaag, Saaxiibtinimo iyo Wax wada qabsi ah ee
dhex mari kara labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Ugu danbayn Waxaan u soo jeedinayaa Shacbiga qaaliga ah ee reer
Somaliland inay gacmaha is qabsadaan, sii laban-laabaan dedaalka ay
ugu jiraan xoojinta Nabadgelyada, Horumarinta Dalka iyo ka Hortagga
shirqoollada cadowga iyo wax kasta oo tafaraaruq iyo qaybsanaan ku
keeni kara wadajirka Bulshadeena.
Waxaan mar kale hortiina ka ballan-qaadayaa inaan sii laban-laabi
doono dedaalka aanu ugu jirno Horumarinta dalkeena iyo ka midho
dhalinta qadiyadeena.
Somaliland ha Guuleysato Insha Allaah,
WAAD MAHADSAN TIHIIN,
Axmed Maxamed Silanyo
MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|