Madaxwayne Siilaanyo oo dhagax dhigay Jidka Kalabaydh iyo Tog-wajaale isku Xidha,soo dhawayn la yaab lehna Gabiley loogu Sameeyay

 

 


Gabiley (TNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo galabta soo gaadhay magaalada Gabiley ,ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada iyada oo lagaga hor tagay Magaalada dila, loona soo galbiyay dhinaca magaalada Gabiley.Dadweynaha oo ku tabisan calanka jamhuuriyada somaliland iyo dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa si la yaableh ugu soo dha weeyay halkaasi.

Soo dhaweynta madaxweynaha oo ay abaabuleen wasiirka warfaahinta somaliland abiib diiriye nuur, badhasaabka gobolka gababiley axmed cali nuur, xildhibaan ibraahin axmed haybe, xildhi baan c/laahi xuseen cige (balaaki), xildhibaan xasan cawaale cayanaan, maayarka gabiley axmed samir, xogahayaha dawlada hoosec/raxmaan nuur abokor, Wasiirkii hore ee Ganansiga abiib xas an filfil oo illaa xalay ku sugnaa magaalada gabiley isla markaana ku hawlanaa xalinta Mudahara adkii Ardayday iyo khilaafkii Komishanka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) waxaa magaalada Kalabaydh u soo galbiyey boqolaal gaadiid ah iyo fardaha ciidanka booliska degmada tOG-wajaale ,waxaanu m adaxweynuhu ku hakadey magaalada Kalabaydh oo uu dhagax dhigay jidka isku xidha Magaalada Tog-wajaale iyo Kalabaydh.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur waxaanu madaxweynaha uga warbixiyey hor u socodka iyo hawlaha gobolka ka socda waxaana erayadiisii ka mid ahaa “mudane madaxweyne waxaanu kugu soo dhawynaynaa gobolkaagii wadadani 30 sanno ka hor ayaa la dhisay dadka iyo gaadiidka isticmaalaa saacado badan ayey ku qaadataa inay wajaale tagaan run ahaantii dhib badan ayey kala kulmaan xiliga roobabku da,yaan waxaan maanta baahidaa soo afjarey madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilaayo ee dhagixii maanta dhigay dariiqaa isku xidhaya wajaale iyo kala baydh madaxweyne wadadani waa ta ugu isticmaalka badan gadiidka ganacsiga iyo kuwa labada dal isku xidha ee u kala goosha wax aanan rajaynayaa inay sida ugu dhakhsaha badan ay u dhamaato”.

Waxa kale oo halkaas ka hadley wasiirka wasaarada warfaafinta s/land abiib diiriye nuur waxaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey g/gabiley waxaanu madaxweynaha ugu warbixiyey xaalada guud ee gobolka waxaanu yidhi ‘’mudane madaxweyne waxaa kuu diyaar umadii reer gabiley suldaankeedii,odayadeedii haweenkeedii dhalinyaradeedii xildhibaanadeedii iyo dhamaan waxgar adka gobolka gabiley waxay ku leeyhiin gacmo furan kusoo dhawaw’’

Gabagabadii waxaa soo afmeeray Madaxweynaha s/land axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘’waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhawayta diiran ee aad ii samayseen ee aan la ii kala hadhin,wadadani qiima waeyn ayey u leedahay dalka guud ahaan ga ar ahaan Gobolka Gabiley waxaan isticmaala gaadiidka ugu badan hanoqoto ganacsiga ha noqoto gadiiddka tagaya dalka itoobiya ha noqoto gadiidka shicibka ee dalkeena waxayna kobcineysaa horumarka wadanka inshaa allahaa wadadani waxay noqoneysaa mid faa,iido badan waxaanan rajaynayaa inay dhakhso u dhamaanto waad mahad san tihiin’’ ayuu yidhi madaxwayne Siillanyo.

Dhagax dhigan ayaa noqonaya kii Seddexaad ee Xukuumadda Siilaanyo dhagax dhigto iyada Mad axwayne Siilaanyo 28-7-2011 hore u dhagax dhigay jidkan mar uu Booqday Degmada Wajaale, halk a Wasiirka Warfaafinta Abiib Timacad iyo Xildhibaan C/laahi Black oo ahaa Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha ay mar hore dhagax dhigeen jidkaasi.


“Wadadan dhex magaalada, Kalabaydh ilaa Wajaale waxaan farayaa Hay’adaha Wadooyinka Far ayaa inay bilaabaan Dhismaheeda, Ganacsatadana waxaan farayaa ka codsanayaa inay Gacan buuxda ka siiyaan” sidaa waxaa yidhi muddo sanad iyo seddex bilood ka hor Madaxwaynaha oo ka Khudbadeynaya Khayriyada Magaalada Gabiley.

Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka ayaa u dhag taagaya in Balanqaadyadaa iyo dhagax dhigyadaa soo noq noqonaya ay wax ka qabtaan iyo in kale.

 


c/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland