Madaxwayne Rayaale oo Xubnihii komishanka ee Is Casilay ka Aqbalay Iscasilaadoodii



Hargeisa (Longlivesomaliland news )-War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxway ne Daahir Rayaale Kaahin uu aqbalay Istiqlaaladii ay u soo gudbiyeen guud ahaanba Xubnihii Komishanka Doorashooyinka kagana codsadeen in uu ka  a qbalo. War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka  Madaxtooy ada Saciid Caddaani Mooge waxa lagu sheegay in Madaxwayne Rayaale uu si wayn ugu mahadceliyay Xubnaha Komishanka hawlihii balaadhnaa ee ay  Um mada iyo Dalkaba u qabteen mudadii ay xilka hayeen. Arintaasi oo uu Mada xw a y nuhu ku tilmaamay in ay tahay mid ay ku mutaysteen abaal marin iyo Shahaado sharaf ay Dalka ku leeyihiin.

War-saxaafadeedkan Saaka ka soo baxay xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo lagu sheegay in Qaranka iyo Dalkuba aanu ilaabi doonin sida Wadaniyada, Dad Jacaylka iyo Dal Jacaylka leh ee ay Xubnahani ay uga Hormariyeen Danta guud tooda gaarka ah, iyaga oo maanta Xilkoodii uga dagay danta guud ee Ummada una fududeeyay Hirgalinta Heshiiska Seddexda Xisbi Qaran ay isla qaateen.

Ugu danbayntii War-saxaafadeedkan waxa lagu sheegay in Madaxwaynuhu u rajeeyay in Illaahay ku guuleeyo kana abaal mariyo Hawlihii ay Ummada u  so o qabteen.

Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ka koobnaa  Tod oba Xubnood ayaa iyagu xilkoodii iska casilay ka dib markii ay Seddexda Xisbi ee Somaliland Kulmiye, Ucid iyo Udub ay kala saxeexdeen Heshiis ka kooban lix Qodob oo uu ka mid ahaa, in Xubnaha Komishanka wax ka bedel lagu  sam eeyo.

 



Mustafe Future

Longlivesomaliland News, Reporter
Hargeysa, Somaliland