Madaxwayne Rayaale iyo
Labada Gudoomiye Xis bi Mucaarida oo Qalinka
ku duugay heshiiskii Caalamku ku
dhexdhexaadiyay
War Degdega:
Madaxwayne Rayaale iyo Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarida oo Qalinka
ku duugay heshiiskii Caalamku ku dhexdhexaadiyay.
Hargeisa(Longlivesomalilad News) Madaxwayne Daahir Rayaale kaahin
iyo labada Gudoomiye Xisbi mucaarid Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo)
iyo Eng.Faysal Cali waraabe ayaa Galabta Si wada jir ah Qalinka ugu
Duugay hes hiiskii ka koobnaa lixda qodob ee beesha caalamku
usoo gudbisay Jamhuuri yada Somaliland.
Heshiiskan maanta oo ka dhacay Qasriga madaxtooyada Somaliland,
Xaflada balaadhan oo loo sameeyay waxa goobjoog ka ahaa Danjiraha
ingiriiska ufa dhiya Dalka ethopia, Sarkaal Sare oo ka tirsan
Dawlada Ethopia.
Waxaa kale oo heshiiskan ka qayb galay Gudoomiyeyaasha Aqalada
Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, intaa ka dib markii Madaxwayne
Rayaale iyo Gudo omiyeyaasha labada Xisbi mucaarid ay Qalinka
ku duugeen heshiiska ayaa waxaa hadal ka soo jeediyay halkaasi
Madaxwayne Daahir Rayaale kaahin, Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah
ee kulmiye Axmed Siilaanyo, Gudoomiy a ha Xisbiga Mucaaridka ah ee
Ucid Eng.faysal Cali waraabe.
Hadaladaasi ka bacdi ayaa ku Xigeenka Safiika Engiriiska ufadhiya
Dalka eth opia mr.John marshal oo ka wakiil ah
Deeqbixiyeyaasha, ayaa hadal Dardaa ran ah ujeediyay
madaxwaynaha Somaliland iyo Gudoomiyeyaasha mucaari dka.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo
Gud o omiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis
Maxamed Samaale ayaa iyaguna Madashaasi hadal ka soo jeediyay isla
markaana u h anbalyeeyay Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridku
heshiiska ay gaadheen.
Mustafe Future
Longlivesomaliland
News Reporter
Hargeisa/Somaliland.
mccfuture@longlivesomaliland.com
|