Madaxwayne Axmed Silaanyo Oo Si Rasmiya U Soo Afjaray Khilaafkii Wasiirka Warfaafinta Iyo Maareeyaha Telefiishanka Qaranka

 


Madaxwaynaha oo saaka aqalka Madaxtooyada isugu yeedhay Labada Masuul ayaa dhex dhe aadiyey isla-markaana labada Masuul gacmaha isku saaray, isaga oo....


Hargeysa (TNN):– Madaxwaynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta soo afjaray khilaafkii soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Maareeyaha Telefiishanka Qaranka, Khadar Cali Gaas, waxaana xalinta khilaafka ka qayb-galay gar-yaqaanka guud ee Qaranka Somaliland.

Madaxwaynaha oo saaka aqalka Madaxtooyada isugu yeedhay Labada Masuul ayaa dhexdhexaadiyey isla-markaana labada Masuul gacmaha isku saaray, isaga oo u soo jeediyay in mid walba hawshiisa gaarka ah u wato.

Madaxwaynaha, ayaa Wasiirka warfaafinta iyo Maareeyaha Tv-ga qaranka hoga-tusaaleeyay, isla-markaana ku waaniyey inay iska dhaafaan wixii xurguf ah ee u dhaxaysa, isaga oo tilmaa may inuu hore digreeto ugu Madax-banaaneeyay Telefiishanka qaranka, balse uu ku jiro siyaa sadda guud ee Wasaaradda Warfaafinta, sidaa daradeed wuxuu Madaxweynuhu goobtii ka cad eeyay in Maareeyaha Tv-ga Qaranku u madax banaan yahay hawlihiisa shaqo.

Madaxwayne Siilaanyo, ayaa markaa ka dib gacmaha isku saaray Wasiir Cabdilaahi Cukuse iyo Maareeye Khadar Cali Gaas, waxaanu warku intaasi ku daray in markaa ka dib uu Madaxwayne ku-xigeenku uu wasaaradda warfaafinta u kexeeyay isla-markaana xafiiskiisii Telefiishanka Qar anka fadhiisiyey Maareeyah, kuna amray inuu la shaqeeyo shaqaalaha Telefiishanka, oo laftoo da uu wareystay Madaxwayne ku xigeenku, isagoo sheegay in wixii cabasho ay qabaan laga dh agaysanaayo, balse aanay ku dhex milmin khilaafka masuuliyiinta oo ay Madaxda sare xaliyeen.

Dhanka kale, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa khudbad u jeediyay shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta.

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu markaa ka dib, safar ugu baxay Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo uu kaga qayb-galayo xuska Qoomiyadaha Itoobiya, waxa ana Masuuliyiinta raacay ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Go’aanka Madaxweynuhu ka gaadhay arrintan ayaa soo afjaraaya murano ka jiray wasaaradda ayaamihii u danbeeyay.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland