Madaxwaynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay boqor Raabi iyo Tifaftiraha wargeyska Waaheen (xuuto).

 


 


cafiskan madaxwaynaha ayaa ka danbeeyay kulan cuqaasha iyo salaadiinta somalilnad...


Hargaysa(TNN):-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed maxamuud  (Siilaa nyo) ayaa maanta cafis u fidayay boqor raabi yuusuf c/laahi oo muddo dhawr iyo toban maalmood ah ku xidhnaa jeelka wayn ee Hargaysa,sidoo kale waxaa uu madaxwaynaha Jamhuuriyada  Somali land cafis u fidiyay Tifaftiraha wargeyska madax banaan ee waaheen Maxamuud Cabdi jaamac (Xu uto) oo isna haatan ku xidhan jeelka Magaalada Gabiley.


cafiskan uu maanta madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (S iilaanyo) u fidiyay boqor raabi iyo tifaftiraha wargeyska madax banaan ee waaheen maxamuud  Ca bdi jaamac (xuuto),ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay maanta Madaxwaynaha Somaliland Qasriga madaxtooyada kulan kula yeesheen dhawaanba cuqaasha iyo salaadiinta somalilnad.


Iyada oo sida la sheegay Cuqaashaasi iyo salaadiintaasi ay madaxwaynaha ka codsadeen in uu  ca fis Madaxwayne u fidiyo labadan xubnood ka dibna uu madaxwaynuhu ka aqbalay codsigooda  Cuq aashan iyo salaadiinta,isaga oo tix gelinaya codsigooda.isla markaana uu amray in xoriyadooda loo soo celiyo labadaasi maxbuus.

 



Khadar C. Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland