Madaxwaynaha Puntland oo Maanta xilkii ka qa aday Lada Gudoomiye ee Degmooyinka Cayn iyo Mudug
 


 

Laascaanood (Longlivesomaliland News)-Wareegto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa  ma a nta xilalkoodi ka qaaday laba gudoomiye ka tirsan maamulkiisa. Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeyey in aysan Gudoomiyayaasha xilkooda waayey aysan si daacadi ku jirto u gudan xillalkooda.

Gudoomiyeyaasha Gobolada Ceyn iyo Mudug ayaa lagu eedeyey in aysan hawlahooda shaqo si wanaagsan u gudan isla markaasna aya munaasib  ta hay in xilalkooda laga qaado. Madaxweyne Faroole ayaa xilka qaadistooda u cuskadey in aysan labadaasi gudoomiye xilkooda ka soo bixin sidaasi darteedna xilkooda laga xayuubiyey.

Isla markaasna waxa si diiran xilka qaadistaasi u soo dhaweyey  Gudoom iyaha Gobolkaasi Mudug kaasi oo lagu magacaabo C/nuur Geesey oo  shee gey in uu ka aqbalay madaxweynaha xilka qaadistiisa isla markaasna  saac ada xilkaasi laga qaadey laga bilaabo uusan wax shaqo ah qabaneynin.

Balse Gudomiyaha Goobolka Mudug C/nuur Geesey ayaa ku andocoodey in uu isagu xilkiisa si wanaagsan u guto intii uu xilka ka hayey gobolkaasi  Mu dug . C/nuur Geesey ayaa sheegey in markasta u hogaansami doono xilka qaadista lagu sameyey isla markasna so dhaweynayo.

Ugu dambeyntii waxaan ilaa iyo hadda wax wara laga hayn Gudoomiyaha Gobolka Cayn oo isagana uu madaxweyne Faroole Xilkiisa ka qaadey.Xilka qaadistan labada Masuul ayaa ku soo beegmeysa xilli ay falal amaan daro ka dhacayeen gobolka Mudug halkaasi oo lagu dilay wasiirkii warfaafinta maamulka Puntland.






Wariye Ciise Cabdisamed axmed
Longlivesomaliland News Media
Laascanod /Somaliland
E-mail:qanciye_ciise@hotmail.com