Madaxtooyada Somaliland oo Beenisay War uu Qoray Wargeyska Ogaal

 

Wararka ay qoreen Wargeysyada Qaar ka mida gar ahaan War gayska Ogaal cadadkiisii shalay oo Salaasa ah, kuna saabsanaa In Madax waynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu qoraal dhaliil ah u diray komishanka Doorashooyinka qaranka  Warkasi waxa uu yahay mid been ah oo aan sal iyo Raad toona lahayn .


Madaxwaynuhu marna uma dirin waraaq dhaliil ah komishanka doorashooyinka qaranka iyo Hay’ada Inter peace ee loo xil saray hawlaha ku saabsan Diiwaan-gelinta doorashooyinka iyo Doorashooyinka soo socda.


Waana Caado in Had iyo jeer Madaxweynaha iyo Labadaasi hay’adoodba ay is dhaafsadaan qoraalo ama kulamo ku saabsan sida ugu haboon ee lagu gudanayo xilka iyo waajibaadka ka saraan in ay sida ugu fiican u fuliyaan arrimaha loo igmaday labada hay’adoodba, si ay dalka uga dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah
 




Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada