Madaxtooyada Somaliland oo Beenisay Warar Been abuur ah

 

Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay warar been abuur ah oo sheegayay in Madaxweyne Daahir Rayaale wax iska bedeleen Mowqifkii ahaa in uu mar kale isku soo taagayo Doorashooyinka Madaxtooyada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani, ayaa u qornaa sidan: “Wararka ay qoreen, Website-yada iyo Wargeysyada qaar ka mid ah oo ku saabsan in ay wax iska bedeleen mowqifkii ahaa in mar kale Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin isku soo taagayo doorashooyinka Madaxtooyada ee inagu soo fool leh sanadka 2009.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wararka noocaasi yihiin kuwo been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay yihiin warar riqiis ah oo ay fidiyeen dad ka tirsan Mucaaridka, kuna beer-laxawsanaya shacbiga Somaliland beentaa riqiiska ah.

Madaxweynuhu mar walba waxa uu yahay Madaxweyne qaran oo ay ummadu soo dooratay Muxaafid iyo Mucaaridba, isaga oo ummada u haya xil weyn oo ka culus ka xisbinimada.

Ugu danbayntii waxaanu kula talinaynaa dadka wararkaa riqiiska ah qoraaya in ay ka waantoobaan beenta ay ummada ka iibinayaan”