Madaxd haqameedka Beesha Sacad Muuse oo  Digniin Culus ka soo Saaray Xiisadda ka Aloosan Waqooyiga Gabiley

Waxaannu caddaynaynaa in wixii khasaare ka yimaada ee halkaa ka dhaca ay masuul ka tahay xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale Go’aanka Beesha Sacad Muuse


In ka badan 23 Madax dhaqmeed oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahan iyo odayaal ka tirsan Beesha Sacad Muuse, ayaa markii u horreysa shaaca ka qaaday in xiisadda xuduudeed ee ka aloosan deegannada Waqooyiga Gabiley uu hormood ka yahay Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu diiday ergooyin dhawr ah oo arrintaas xalkeeda ugu tagay.


Madaxdhaqameedkan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in Madaxweynuhu amray awood milatari in lagu socodsiiyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo toddoba goodood oo Waqooyiga Gabiley ah ay diideen dadkii deegaanku. Waxaanay xuseen in wixii dhibaato ama khasaare ah ee halkaa ka dhasha uu Madaxweyne Rayaale masuul ka yahay.


Waxa kale, oo madaxdhaqameedkani sheegeen in tallooyin ay u soo jeediyeen Madaxweynaha oo ay doonayeen arrintan lagu xalilo uu ka diiday, waxaanay ugu baaqeen dhammaan bulshada reer Somaliland in xiisada ka aloosan xuduudka u dhexeeya Degmooyinka Gabiley iyo Gobolka Awdal laga hortago khasaare ka dhasha.


Go’aanka Madaxdhaqameedka Beesha Sacad Muuse oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan:


“Haddii aannu nahay salaadiinta, cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka beesha Sacad Muuse, waxaannu u sheegaynaa shacbiga reer Somaliland, Golayaasha Qaranka, axsaabta Qaranka in xaaladda ka taagan xuduudka u dhexeeya gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex oo waqtigan maraysa meel aad xasaasi u ah oo u baahan in laga gurmado, taas oo laga baqo qabo in dagaal ka dhex dhaco xukuumadda iyo dad shacab ah oo muwaadiniin ah oo leh waxaannu ka tirsanaan jirnay ama iminkaba aannu ka tirsan nahay Gobolka Maroodi-jeex iyo waxaad ka tirsan tihiin Gobolka Awdal.


Haddaba, haddaanu nahay beesha Sacad Muuse waxaannu halkan ku caddaynaynaa in wixii ka yimaadda ama khasaare ah ee ka dhaca halkaa ay masuul ka tahay xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale, sababta oo ah waxaannu ugu tagnay ergo ka kooban salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo beesha Sacad Muuse ah, waxaananu ula tagnay goobaha la isku hayaa gobolka ay ka tirsanayaan, kuwaas oo kala ah xil goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah iyo Todobada goobood oo Waqooyiga Gabiley ah, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex ayna isku hayaan Gobolka Awdal, waxaananu ka codsanay Madaxweynaha in goobahaa diiwaangelineed ama codbixineed ee la isku hayo maanta in la waafajiyo sida ku cad dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay Baarlamaanku ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay, kaas oo dhigaya in xuduudaha gobollada iyo degmooyinku ahaanayaan sidii ay ahaayeen 1960-kii, annaga oo ka codsanay in toddobada goobood ee Waqooyinga Gabiley oo laga xukumi jiray Degmada Gabiley ee Gobolka Maroodi-jeex laga dhigo iminka goobo-diiwaangelineed oo laga xukumo Degmada Gabiley, lixda goobood ee Waqooyiga Maroodi-jeex oo iyagana laga xukumi jiray 1960-kii Hargeysa-na loo dhigo Hargeysa.


Codsigayagaa Madaxweynuhu wuu naga diiday, waxaana muuqatay si aan u qalmin meeqaamka Beesha Sacad Muuse iyo salaadiintaba inuu naga kacay, tixgelina aannu siinin, waxaannu amar nagu siiyey in loo dhigayo Gobolka Awdal toddobada goobood ee Waqooyiga Gabiley ah, lixda goobood ee ah Waqooyiga Maroodi-jeex uu laalay. Intaa dabadeed waxaannu ka codsanay inuu dhammaan wada laalo goobahaas oo uu ka dhigo heer Komishan nabadgelyada aweed, marka la kala xadeeyo gobollada iyo degmooyinka gobolkay raacaan lagu daro, taana wuu naga diiday Madaxweynuhu.


Haddana, waxaannu dirnay annaga oo eegayna in aan nabadgelyada dhaawac soo gaadhin laba ergo oo kale, iyagana waxa uu mariyey waddadii uu namariyey, sidaa awgeed waxaannu mar labaad caddaynaynaa in uu Madaxweynuhu amar ku bixiyey in awood milatari lagu dhigo goobahaas diiwaangelinta, kadiba markii ay gadoodeen dadkii deegaankaasi in lagu daro Gobolka Awdal oo ay sanaaduuqdii ka qaadeen markii hore oo ay ku yidhaahdeen halkii la idinka soo diray tagay gobolkaa nalagama xukumee, una soo celiyeen iyada oo aanay waxba ka maqnayn haba yaraatee. Sidaa daraadeed waxaannu leenahay wixii ku yimaada awoodaa milatari Madaxweynaha ayaa ka masuul ah. Waxaannuna ummadda reer Somaliland ee nabadgalyada jecel ugu baaqaynaa in arrintaa laga gurmado, lagana hortago wax dhibaato ah oo meeshaa ka dhaca.”


Magacyada salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha go’aankan soo saaray waxay kala yihiin sidan:


1. Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale


2. Suldaan Xasan Suldaan Nuur


3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan


4. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele


5. Suldaan Sulub Nuur Warsame


6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan


7. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi


8. Suldaan Xiis Barre


9. Suldaan Xasan Maxamed Geele


10. Chief Caaqil Cabdi Ciidle Aamin


11. Caaqil Cabdillaahi Qalinle


12. Caaqil Xuseen Aw Muuse


13. Caaqil Aadan Ismaaciil Xasan


14. Caaqil Khadar Yuusuf Ismaaciil


15. Oday, Maxamed Cige


16. Oday, Maxamuud Dhool-dahable


17. Oday, Faarax Cabdillaahi


18. Oday, Cumar Ducale Cali


19. Oday Siyaad Cabdillaahi Digaale


20. Oday Maxamed Cabdi Maal


21. Oday Maxamuud Cali Cumar


22. Oday Xasan Aw Muuse.


23. Oday Cismaan maxamed Geele.


Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgashay weydiiyeen madaxdhaqameedka oo si wada jir ah uga jawaabayeen waxay u dhaceen sidan:


Su’aal: Beesha marka la eego dadkii taladeeda dhaqanka hayey ee u mudnaa baad tihiin, markii idinka uu idin qiimayn waayey ee uu idinka kacay Madaxweynuhu sababta aad ergo dambe ugu dirteen maxay ahayd?


Jawaab: Waxaannu u dirnay bal in iyaga uu wax ka aqbalo oo nabadgelyadu sidaa ku xasisho iyaguna u tagaan oo ha idinla arkaan, nasiib-darro iyagiina wuu soo celiyey oo waddadii uu na mariyey ayuun buu mariyey.


S: Kol haddii ergadii uu diiday Madaxweynuhu, arrintiina cakiran tahay tallaabada hadda aad qaadaysaan waa maxay?


J: Waxaannu qaadaynaa dee horta salaadiin miidhan baanu nahay nabadgelyo ayuun baanu dabasoconaa wax dil ama dagaal ah oo aannu ogol nahay ma jiro.


S: Ilaa intii arrintani taagnayd go’aamadii la idinka sugayey muddo ayey gaabinayeen, markaa miyaan la odhan Karin xukuumadda ayaa gacanta idinkula jirtay?


J: Wax gaabis ah oo xagayaga ka jiray muu jirin, dawladduna wax gacan ah nagulamay jirin, laakiin waxaannu tixgelinaynay nabada iyo aannu awaawo u helno in aan dhibaato dhicin, taas uun baa jirtay.


S: Haddii go’aanka iyo baaqa aad hadda soo jeediseen uu Madaxweynuhu waxba ka soo qaadan waayo oo arrintuna sidaa ku socoto, idinku ma faraha ayaad laabanaysaan mise wax kale ayaa meel idiin yaala?


J: Waxaannu nahay bee lee taladaasi waa mid annaga dib noogu taala ee maaha mid aannu caawa halkan kaga jawaabayno.


S: Caawa (xalay) waxaad halkan ku fadhidaan badi madaxdhaqameedkii beesha, ma laga ayaabaa in la arko maalin kadib qaar idinka mid ah oo xukuumadda arrintan ku difaacaya?


J: Ilaahay kama rajaynayno, umana fadhino, Sacad Muuse-na waxaannu u sheegaynaa inay beeshu midaysan tahay, beesha dadka karaamadeeda sita ee matalayaa waa salaadiinta iyo madaxdhaqameedyada kale intiibana badidoodii halkan bay fadhidaa oo Salaadiinta cid ka maqani ma jirto Suldaan Maxamed oo xannuunsanaya mooyaane, waanay israacsan yihiin. Isma raaci kartadii la lahaa beeshuna been bay noqotay, ummaddana waanu u caddaynaynaa.


Deegaannada muranku ka taagan yahay ee waqooyiga Gobolka Gabiley oo sanado badan arintoodu taagnayd waxay kala yihiin Seemaal, Xamarta-Hogeed, Boodhka,iyo Kaxda, kuwaasi oo taariikh ahaan ilaa lixdankii raacsanaa Gabiley.


Dhinaca kale Md. Bashiire Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland oo xalay Jamhuuriya ugu waramayey khadka telefoonka ayaa sheegay in xukuumadu ay ciidamo xad dhaaf ah oo dheeriya ay gaysay deegaanada muranku ka taagan yahay, waxaanu xusay in arintaasi ay sii xumaynayso xaaladii ka aloosnayd deegaamadaas, isaga oo xukuumada ku eedeeyey in ay rabshadaha ka dambeyso, islamarkaana ay doonayso in xoog diwaangalinta looga bilaabo deegaanadaas.


Waxaanu xildhibaanku xusay in arintani ay tahay carqalada ay xukuumadu abuurayso oo ay dan gaar ahi ugu jirto, isaga oo ku hanjabay in aanay sinaba dhulkaas mulkiyadiisa looga hoos saari doonin, cudud kasta oo la adeegsaba.


“Dadka deegaanka samirkoodii wuu soo dhamaaday oo muddo badan ayaa balamo been ah lagu sasabayey, markaa ama ha ku dhintaan ama ha helaan dhulkaase waa mid ka go’an in ay u halgamaan, waxaana hada la doonayaa in dad gaar ah lagu sunto oo lagu diwaangaliyo, markaa xaataa haddii Maraykan iyo Ruush la keeno reer Gabiley dhimasho ayay ka xigaan in dhulkooda la qaato,” ayuu yidhi Md. Tukaale.





 


Jamhuuriya Online