Madaxda Xisbiga Kulmiye oo ay ka fashilantay falalkii ay ku talaabsan lahaayeen haddii laga guulaysto Doorashada Madaxweynaha ee JSL

 

Madaxda Xisbiga Kulmiye oo ay ka fashilantay falalkii u qorshaysnaa
haddii laga guulaysto Doorashada Madaxweynaha JSL ee March 2009




Khilaafka iyo muranka mansab doonka ku salaysan ee todobaadkii hore soo kala dhexgalay Madaxdii u saraysay Xisbiga mucaaridka JSL ee Kulmiye ayaa dibada u soo saaray qorshoyaal sir ahaa oo madaxda sare ee kulmiye damacsanaayeen haddii laga guulaysto doorshada Madaxweynaha JSL ee dhici doonta March 2009 haddii Ilaahay Idmo.

Qorshayaasha ka fashilmay Madaxda Xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ahaa inaan marnaba lagu qancin Nataajida ka soo baxda doorashada Madaxweynaha JSL haddii laga guulaysto musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee u tartamaya Jagooyinka Madaxweynaha iyo K/X kiisa.

Falalka kale ee la sheegay inay u qorshaysnaayeen hogaanka Xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ah inay ku dhaqaaqaan talaabooyin qas iyo xasilooni daro keenaya oo lagu waxyeelaynayo nabadda Somaliland si ay u noqoto goob ay ka jirto amaan xumo. Ujeedada ka dambaysa falalka noocan ah ayaa lagu qeexay inay tahay in ugu dambaynta Somaliland ka mid noqoto Somaliya halkaas oo Kuraasi looga balan qaaday Madaxda iyo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.

Balanqaadka iyo abaal marintan mansabka ah ee laga siinayo dawladda mustaqbalka Soomaaliya waxaa Madaxda Xisbiga Kulmiye u sameeyey Saraakiil sare oo ka tirsan QM iyo Madaxda Qolooyinka isku haysta Somaliya.

Inkasta oo horeba loo aaminsanaa inuu jiro xidhiidhkan saddex geesoodka ahi, waxaa sii adkaynaya xagga Kulmiye xubno badan oo la sheegay inay u janjeedhaan xagga fikirka ku biiritaanka Somaliya kuwaas oo lagu soo daray Golaha Dhexe iyo Gudiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye. Xubno xogogaal ah ayaa waxay ku doodayaan in beryahanba ay xidhiidh wanaagsan lahaayeen Madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Walaalaha Somaliland Diidka ah ee ilma Siciid Samatar taasuna ay tahay sababta Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye u deedifeeyey ama dibbadda u dhigay Xubno rukun adag u ahaa xisbiga oo ay ku dheer tahay Somalilandnimadu.

Talaabooyinka lagu dhaawacayo xasiloonida iyo nabadda ka jirta Somaliland waxa ay muddo dheer u qorshaysnaayeen xubno ka tirsan saddexdaa hay’adood taas oo ka muuqatay habdhaqankooda.

In badan ayey hay’adahaasi isku dayeen inay xasilooni darro ka dhacdo Somalilnd waxaase nasiib wanaag marwalba iska hortaagayey Xukuumadda JSL , Golaha Guurtida iyo guud ahaan Shicibka Somaliland ee nabadda jecel isla markaana ay ka go’an tahay Jiritaanka Qaranimada JSL.

Xasilooni darrada waxyaabaha keena ee la isticmaalo waxaa ka mid ah muranka khilaafka iyo talaabooyin kale oo xaalad abuur ah. Tusaale ahaan waxaynu u soo qaadan karnaa khilaafaadkii muddada jiitamayey ee ku saabsanaa komishanka doorashooyinka iyo muddooyinka qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo doorshada madxtooyada JSL. Talaabooyinka kale ee dalka lagaga abuurayey xasilooni darrada waxaa ka mid ah murankii la galiyey Sharcinimada Madaxweynaha JSL bishii May 2008 taas oo ay xukuumadda JSL iyo Golaha guurtidu ka hor tageen.

Muranka, xaalad abuurka iyo xasilooni darada ugu weyn waxaa loogu talo galay inay timaado ama dhacdo sannadka soo socda oo natiijada doorshada muran la galiyo, inkasta oo Murankii u qorshaysnaa iyo Miinadii iyagii la kacday, dibadana u soo saartay sawirkooda rasmiga ah si wanaagsanna looga daawaday saaxadda siyaasadda Somaliland.

Madaxda Kulmiye waxay la mid noqdeen kuwaa silcinaya Soomaaliya waxaanay niyad jabiyeen xubnihii caadiga ahaa ee xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashoodii oo in muddo ahba yaabanaa kana sii dareerayey ama ka digo roganayey Xisbiga Kulmiye.

Gudaha iyo debadaba waxaa laga dareemay oo soo ifbaxay dabeecadaha diktaatooriyadda ah ee hogaanka iyo madaxda sare ee xisbiga kulmiye waxaana si weyn looga biyo diiday qaabkii kolba dib loogu dhigayey qabashada shirweynihii Xisbiga ee lagu qabtay Ambassodor Hotel Hargeysa dhamaadkii bishii March iyo Shirkii August Burco ee Golaha dhexe . Waxaa dad badan fajiciso ama la yaab ku noqotay markii ay maqleen Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye waxaa dib loogu dhigay sababtoo ah Shir Beeleed baa jira sidiiyoo dhamaan xubnaha kulmiye iskuwada beel yihiin.

Habka iyo hanaanka loo qaban qaabiyey loona maamulay labada shirba waxaa lagu timaamay inay Koox u afduubnaayeen, waxaana ka muuqday Cabudhin iyo Cadaalad daro lagu samaynayey xubnaha xisbiga oo ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo muddo dheer ku soo jiray xisbiga. Xubnihii ka cadhooday shirarku waxay sheegeen musuq iyo isdaba marin weyn oo ku saabsan kaadhadhka lagu codaynayey iyo cidda xaqa u lahayd. Waxa kale oo meesha ka dhacday ku tumasho badheedh ah oo lagu sameeyey xeerkii iyo nidaamkii xisbiga oo laga dhigay la jiifiyaana banaan.

Khaasaraha iyo saamaynta taban ee habdhaqanka iyo gabood falka ay sameeyeen Madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye kuma koobna xubnaha xisbiga oo kaliya ee waxay ku gefeen guud ahaan shacbiga Somaliland waxaanay baro madow ku sameeyeen ama naaqusiyeen magacii iftiimayey ee JSL oo ay wariyayaasha caalamku u bixiyeen Ilayska iyo guusha Afrika.


Isku soo wada duuboo Madaxdii Xisbiga Kulmiye maanta waxa haysata maahmaahdii ahayd “Waraabe Lafihiisana uma roona Lafo dad kalena uma roona”









Ilaahay Baa Mahadleh





Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB UK
ahmedlibaah@hotmail.com