Madaxda
Ururka Midowga Afrika oo Maxkamadda dambiy ada ICC ugu baaqay
inaysan u yeeri karin Mas’uul Afrikaan ah oo xil haya
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ah shir
guddoonka ururka Midowga Afrika oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa
sheegay in dhaqamada maxkamadda caalamiga ah ee ICC uu yahay mid aan
loo duqaadan karin.
Addis Ababa (TNN):- Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika ayaa lasoo
gaba-gabeeyey iyadoo go'aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in
madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin
maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay
xilka hayaan.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ah shir
guddoonka ururka Midowga Afrika oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa
sheegay in dhaqamada maxkamadda caalamiga ah ee ICC uu yahay mid aan
loo duqaadan karin.
“Hubaashii waxaa ayaan-darro ah in maxkamaddu ay sii waddo
howlaheeda iyadoo aan tixgelin wal-walka aan qabno. Waxaana wax lala
yaabo ah inay u dhaqanto maxkamaddu ay cadalaad-darro ku jarribtay
Afrika, middaas oo ah mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri Desalegn.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sii hadlayay ayaa wuxuu
sheegay in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa
William Ruto ay door wanaagsan ka ciyaareen dastuurkii dalka Kenya
iyo doorashooyinkii ku xigay ee ay iyagu kusoo baxeen, ayna tahay in
la tixgeliyo dimuqraadiyadda ay kusoo dabbaaleen dalkooda iyo guusha
ay gaareen.
“Ujeeddadeennu ma ahan inaan dagaal la gano maxkamadda dambiyada
dagaalka ee ICC, basle waa baaq aan u jeedinayno, taasoo ah in
walwalka Afrika ay maqasho,” ayuu ku daray hadalkiisa ra’iisul
wasaaraha Itoobiya.
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ayaa waxay sannadihii lasoo
dhaafay qaaday dacwooyinka madax ka tirsan kuwa Afirka, iyadoo xukun
50-sano ah ku ridday madaxweynihii hore ee dalka Laybeeriya, Jarles
Taylor oo lagu soo oogay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.
Dhanka kale, maxkamaddu waxay dambiyo ka dhan ah bani’aadamniada ku
soo rogtay madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay
ku bixisay maxkamaddu amar in lasoo xiro, inkastoo uu isagu ku
gacan-sayray inuu u hoggaansamo amarka maxkamadda.
Sannadkan ayaa waxay maxkamaddu ku howlanayd dhageysiga dacwadaha
loo haysto madaxweynaha iyo ku xigeenka dalka Kenya, kuwaasoo lagu
soo oogay dacwado ka dhan ah bani’aadamnimada oo sannadkii 2007 ka
dhacay dalka Kenya. Iyadoo dhageysiga dacwadda Ruto ay maxkamadda ka
socota, halka dacwadda Kenyatta la filayo inay billlaabato 12-ka
bisha soo socota ee November.
Dacwadahan ayaa waxay madaxda Midowga Afrika ka muujiyeen walaac aad
u weyn, iyadoo waxa keliya ee la sugayo ay tahay jawaabta ay
arrintaan ka bixiso maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Timacade News Desk
Addis Ababa ,Ethiopia
|