Madaxda UDUB ha ogaadaan; Inaan mu'uminka godka laftiisii laba jeer laga wada qaniini karin


 

Ragna waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi; waxay yidhaahdeen "Mar i dage Alla ha dago, mar labaad i dage anaa is dagay". Xadiis shariif ahina wuxu ina leeyahay "qofka mu'uminka ah godka laftiisii laba jeer lagama wada qaniini karo".

Hanjabaadda Cawil ee bar kuma taalka ah iyo girif-girifta Daahir Rayaale waxba kama beddeli doonaan qo'anka uu shacbiga reer Somaliland ku rabo inuu isbeddel dhab ah oo khayr qaba ku sameeyo hoggaanka sare ee dalkiisa. Dhawaaqyada is-wada burinaya ee aan meel loo raaco la garanayan ee ka soo yeedhaya mas'uuliyiinta UDUB waxaynu ka dheehan karnaa itaal-darnida haysata UDUB iyo siday fara madhan uga sidaan taageero ay ka helaan ummaddii toddoba sannadood ka hor hoggaanka dalka ku maamuustay. Waxay Rayaale iyo xisbiga UDUB ee fashilmay wali liqi kari la'ayihiin awoodda iyo xoogagga is-beddel doonka ah ee Somaliland gir-ilaa-gir wada gilgilay. Waxay is-dhega-marinayaan runta miiska u saaran ee farta ugu fiiqaysa inay reer UDUB hoggaamintii dalka ku fashilmeen fashilaad aan fashilaadi ka danbayn. Waa maxay fashilaadda ka weyn dawlad iyada oon ri gees ka soo ridin loogu yimid halkii toddoba sanadood ka hor lagu caleemo saaray.

Maanta golaaftanka Rayaale iyo gabgabta Cawil, galayuuska Sulub iyo guuxa Cabdillaahi Cirro midna dheg loo dhigi maayo, ummadda is-beddelka doonaysaa waa tii 2003 dii ku nasiibso iyo colka wadhaf ma lagu dayay Daahir Rayaale ku caleemo-saartay, iyadii ayaa maanta la soo taagan "enough is enough" iyo "intaasi ha in kala gaadho".

Dadkani wuu ka ilbaxay beer-laxawsi iyo afgobaadsi, maxaan kugu calmadaa markle iyo haat burhaanak ayaa meesha taalla xaalku waa "fulow guuli kuu dhawaydaa", way dhaaftay maalin nabad la isugu manno sheegto... Dadku wuu ilbaxay waanu ogaaday inay nabaddu tahay geed la wada beeray oo muxaafid iyo mucaaridba gaadh laga wada hayo, waliba haddii la isu bun-tirsadona Ahmed Siilanyo iyo Faysal Cali waraabe xagga hore ayay ka galayaan raggii dhidibbada u adkeeyay nabadda Somaliland, xaggay joogeen Rayaale, Cawil iyo ragga ku wareegsani markii geedka nabadda Somaliland la beerayay, miyaanay, isaga oo hadhac noqday uun hadhkiisa soo jiibsan oon hurdadii sidaa kula tegin.

Isu soo baxyadii laga fajacay ee Jimcihii iyo sabtidii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo camuuddii dhaqaaqday waxay ahayd farriin ay umadda reer Somaliland ugu sheegeen Rayaale iyo xertiisa in sannadkaa maanta ah ay ka dhab tahay inay heeryada UDUB iska tuuraan oo ay ka digo-rogtaan dawlad xumaanta dalkoodii ku habsatay , inay ka gilgishaan xukuumad gaabis noqotay oo in ka badan 2,600 oo maalmood uun ku maaweelinaysay dhallaan habaabis iyo dhalanteed. Kumanyaalka kun ee dhex-mushaaxayay Hargeisa. Dadka ciiddaa camaarray ah ee Burco mar kali ah wada ruqaansaday, taageerada laga fajacay ee ay Boorame iyo awdal guud ahaan xisbiyada mucaaridku ku haystaan ee mar qudha wada sarakacay , Berbera oo baddii iyo bani adamkii la kala garan waayay, Odweyne, Balli-gubadle, Ceerigaabo, Gabilay, Laascaanood, Togwajaale, Dila, Caynabo ilaa Hadaaftimo oo bari guntii ah umadda buux dhaafisay waxay dhammaan heshiis ku yihiin in ay is-beddel dhab ah oo insha Allaah khayr qaba ku sameeyaan hoggaanka dalkooda.

Shacbiga reer Somaliland guud ahaan mucaarid iyo muxaafidba sida quruxda badan ee ay isugu soo bexeen ololaha doorashada madaxtinimada Somaliland waxay ka markhaati kacaysa in umadda Somaliland tahay ummad wacyigeeda dimuqradi si weyn u koray tobankii sane ee u dambeeyay. Shacbiga caynkaa ahi wuxu u baahanyahay hoggaan meel dheer wax ka arka oo ku gashaaman karti iyo awood uu dalka horumar ugu raadin karo, aqoonsi ugu dooni karo, strategiyad cilmiyaysan oo nolosha muwaadinka kor loogu qaadayo dejin kara, hoggaan dalka ka nadiifiya musuqa iyo maasuqa radaadiyay dhaqaalihii hantidii guud ee umaddu lahayd, hoggaan hawlgelin kara maskaxda cilmigu ka buuxo ee dalku leeyahay oo qof walba meesha uu ku habboonyahay ku toosin kara , hoggaan cududda iyo muruqa dadweynaha hawlgelin kara, hoggaan samayn kara qorshayaal hufan oo adeegga bulshada kor loogu qaadayo, hoggaan distoorka qaranka mudnaanta koowaad siiya oo ixtiraama wada-shaqaynta saddexda waaxood ee distooriga ah ee dawladdu ka koobantahay mid walbana halkiisa ku tix-geliya, hoggaan karaamada dalka ilaaliya oo soo celin kara kaalintii ay Somaliland ku lahaan jirtay geeska Africa iyo adduunweynaha.

Maanta Somaliland uma baahna hoggaan 5 sannadoo oo kale horjooge u noqda 40 wasiir oo sidii amiirrada Carabta kursiga inay dhaxal u heleen u haysta, uma baahna Somaliland hoggaan 5 sannadood oo kale dagaal kula jira axsaabta mucaaridka, iyo golayaashs sharci-dejinta hadhawna innoogu soo cawda mucaaridka ayaanu ka shaqayn kari waaynay.... Somaliland in ay 5 sanno oo kale halkaa uun yuururtoo oo hand-break-ga ugu xidhnaado uma baahna ee waxay u baahantahay horu socod iyo hoggaan kaga dhabeeya himilooyinka faraha badan ee aan fari ka qodnayn ee umaddani higsanayso.

 


 

Ahmed H Ismail, Saudi Arabia