Madaxda Kulmiye oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Degmada Darasalam oo Xisbigu Xarun ka furtay
 

 

Dadweynaha ku dhaqan degmada Daarasalaam oo ay hoosyimaaddaan degaanno ballaadhan oo ku yaal woqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa shalay soo bandhigay culayska taageerada miisaanka leh ee ay u hayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Cududa bulshadaasi muujiyeen, ayaa lagu soo bandhigay xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xarun cusub oo xisbiga KULMIYE ka furtay degmada Daarasalaam, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan KULMIYE oo uu horkacayey guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Muuse Biixi Cabdi, kana mid yihiin afhayeenka xisbiga Maxamed Kaahin, xoghayaha guud ee KULMIYE Mdr. Kayse Xasan Cige, Axmed Muxumed Madar, masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimi deegaannada hoos yimaad Daraasalaam.

Munaasibada xisbiga KULMIYE ku furtay xaruntiisa Daarasalaam oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa dadweynuhu weftiga KULMIYE u soo dhaweeyeen si diirran, iyaga oo taxnaa waddada magaalada dhexmarta, waxayna odayaasha iyo waxgaradka reer Daraasalaam ee goobtaa ka hadlay soo bandhigeen dhibaatooyinka laxaadka leh ee haysta bulshada oo ay ugu muhiimsanayd diiwaangalintii xukuumadda Rayaale ka horjoogsatay deegaannada woqooyiga Hargeysa ee ku teedsan xeebta.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii xafladaas soo gunaanaday ayaa si wayn ugu mahad naqay dadweynaha reer Daarasalaam, waxaanu sheegay in dhibaatada iyo dulmiga ay tirsanayaandadweynuhu ay yihiin qaar ay abuureen dad ka tirsan deegaannadooda.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibaddaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dadweynaha reer Darasalaam tirsanayaan yihiin qaar ay la wadaagaan dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, marka laga reebo diiwaangalinta loo diiday oo iyaga u gaar ah saamayna ku yeelatay xuquuqdooda muwaadininimo, isaga oo u soo jeediyey dadweynaha ku dhaqan deegaannada waqooyiga in ay iska ilaaliyaan cadaawada uu Rayaale ka dhex abuuro iyaga iyo deegaannada kale ee darsikooda ah ee la leeyhay dhulbaa la siinayaa.

Waxaanu xusay in Burco oo ah magaalo madaxdii labaad ee dalka ay ka shaqayso lacagtii giimbaarta ahayd ee Siyaas Bare, isla markaana dhaqaalihii dalku baaba’ ku sugan yahay, sidaa darteedna aanu Daahir Rayaale xaq iyo wax xuquuq ah oo lagu dooran karo ku dhex lahayn bulshada dhexdheeda.

“Rayaale, wax xuquuq ah oo uu idinku leeyahay ma jirto, dhaqaalihii dalka ayuu baabiiyey, waxaanu qaataa mushar ka badan ka madaxweynaha Maraykanku qaato, baloodho xeedho laga iibiyey ayaa la leeyahay waxa lagu dhisayaa biriijkii Hargeysa, lacagtii biriijkana waxaa qaatay Ina Rayaale, tii dekedana wuu ku darsaday, markaa baloodhada xeedho laga iibinayo waa in lagu horumariyaa Daarasalaam,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxaanu intaa raaciyey “Daarasalaam waa meel taariikhi ah ee cid aan garanayn doorateen oo xil u dhiibateen ee idinku Oromo iyo ajaanib midna maydaan noqon ee waa la idn garan waayay, KULMIYE wuu idin garanayaa, wuuna idila joogayaa horena wuu idiinla joogay markii la gaajaysnaa ee halganka lagu jiray, hadii aad na doorataana waanu idinla joogi doonaa, cashuurtiinana idinka cuni mayno oo waxbaanu idiinku qaban doonaa.”

Waxa iyaguna madashaa hadalo isku ujeedo ku soo ururayay ka jeediyey Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE, Xamarje, Jiir Cali Madoobe iyo gudoomiyaha garabka Haweenka KULMIYE ee gobolka Hargeysa, kuwaasi oo dhamaantood halkaa ka jeediyey hadalo ku isugu soo biyo shubanayey dhaliilahah ragaadiyey maamulka madaxweyne Rayaale iyo sidii bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadweynaha Daarasalaam kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen sidii isbedel wax ku ool ah looga hirgalin lahaa dalka.

Mr. Kayd Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah odaayaasha reer Daarasalaam, ayaa caddeeyey in bulshada ku dhaqan deegaannada woqooyiga Hargeysay dulmi badan ku qabaan dastuurkii dalku lahaa, isaga oo xusay in madaxweyne Rayaale horjoogsaday xaqii shacbigu u lahaayeen in ay noqdaan muwaadiniin codayn kara.

“Meeshan UDUB ayaa shakaal ku xidh-xidhay oo wax allaale iyo wax loo qabtay haba yaraatee ma jirto, xaqii aanu u lahayd codayntana meel kasta waanu la marnay oo waxaannu dhaafin kari waynay xafiiska Rayaale, isagaana si badheedh ah isu hortaagay, laakiin insha Allaah waxaanu ku beddeli doonaa awood shacbi, taladana KULMIYE ayaannu u dhiiban doonaa,” ayuu yidhi Kayd Xaaji Ismaaciil.

Idiris Cabdillaahi oo ka mid ah odayaasha qurbo-joogga ah ee reer Daraasalaam oo munaasibaddaa ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada Somaliland fursado badan iska lumiyeen markii ay doorteen Daahir Rayaale Kaahin, sidaa awgeed aanay wakhtigan qurux badnayd in la calaacalo, balse loo baahan yahay sidii aan mar labaad dayacaadda looga ilaalin lahaa fursadda la haysto, waxaannu ka digay haddii taliskaa jira dib loo doorto in calanka Somaliland baabi’i doono.

Isaga oo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Dadkani fursado badan ayay iska daayaceen, in wakhtigan la calaacalona maaha, dhulkiinii baa laqaatay oo loo diiday in aad ku heshaan wixii aad xaqau lahaydeen, taliskaa maanta jira ee Ina Rayaale hadduu mar labaad innagu soo noqdo calanku wuu baaba’ayaa. Dhibaatooyinka idin haysta dalkoo dhan baa idinla qaba oo Hargaysa oo caasimaddii Somaliland ah waxay noqotay xero qaxoonto oo ballaadhatay, biyo la’aan baana dishootay, waxaanay markasta indhahaagu ku dhacayaan hooyooyin iyo dumar tabaalaysan oo caagado madhan biyo la raadinaya amma sidii qaxootiga saf dheer ugu jira kaalin biyood. Markaa waxaan leeyahay hadii KULMIYE doorashada guulaysto dhulkii, dalkii iyo dadka wada baaba’ay ayuu dib-u-dhis ku samayn doonaa, innaguna sidii taasi u hirgali lahayd aynu ka wada shaqayno.”

Waxa kale oo xafladdaa ka hadlay Cilmi Jaamac oo ka mid ah odayaasha ugu da’da wayn degmada Daarasalaam, waxaannu yidhi; “Maanta Ina Rayaale Oromo iyo Jaarso ayuu naga dhigay oo wuxuu noo diiday kaadhkii muwaadinimada iyo kii codbixntaba, dalkana wax allaale iyo wax xaq iyo xuquuq ah oo aannu ku leenahay ma jirto. Aniga oo da’daas ah ayaa la iga horjoogsaday in aan codeeyo oo ciddii aan doono ku soo saaro rabitaankayga, wixii aanu arrintaasi ka yeelaynana waannu ka tashan doonaa haddaanu nahay dadweynaha ku dhaqan deegaannada woqooyiga, waxaanan leeyahay UDUB Ilaahay naarta ha ku fogeeyo dhiiggii bay naga jaqday oo xuquuqdayadii bay naga lumisee.”

Odayaasha iyo waxgaradka reer Daarasalaam ee munaasibaddaa ka hadlay waxay xoog uga cawdeen waxqabad la’aanta iyo tayo xumada xukuumadda Rayaale, iyagoo ku dooday in aanay wali arag madax ka socda xukuumadda oo baahidooda qiimeeya, waxna ka qabta, waxayna odayaashu xuseen in deegaanka oo ah beeralay aanu weli wasiirka beeruhu u iman si uu xogogaal ugu noqdo duruufaha qallafsan ee beralayda haysta.

Waxa kale oo dadweynuhu cabasho weyn ka muujiyeen cawdeen wado xumada haysata deegaannada woqooyiga, iyaga oo sheegay in cashuurta dalwaddu ka gurato dadka deegaanku ay dabooli lahayd dhaqaalaha ku baxaya dhismaha iyo dayactirka waddada maristeedu dhibaatada badan tahay ee isku xidha Hargeysa iyo Daraasalaam.

Ururrada haweenka degmada Daarasalaam, ayaa iguna soo bandhigay dhaliilaha ay dumar ahaan u hayaan xukuumadda talada haysa, iyaga oo si buuxda u ballanqaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin sidii xisbiga KULMIYE gacanta ugu dhigi lahaa talada dalka.

 



Somaliland.Org