Madaxda
KULMIYE Oo Magacawday Lix Ergay Oo Gartooda Gala

Kulankii xalay dhex maray madaxda KULMIYE ee isku maandhaafsan
natiijadii ka soo baxday shirkii Golaha dhexe ee xisbigaas ee
dhawaan lagu qabtay Burco, ayaa lagu magacaabay ergo lix xubnood ah
oo goob joog ka noqon doonta wada hadalada labada dhinac u furmi
doona toddobaadkan.
Ma jiro war rasmi ah oo kulankaas ka soo baxay, waxase la sheegay in
kulankaas la iskula qaatay lix xubnood oo goob joog ka noqon doona
wada hadalada. Sida uu Geeska Afrika ku helay warar xogogaala,
Magacyada lixdaas xubnood oo saddexba dhinac ka socoto ayaa la
sheegay inay kala yihiin:
1) Prof. Cabdisalaan Yaasiin,
2) Cabdi Biixi Taarwale
3) Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe)
4) Shariif Abokor
5) Sheekh Khaliil Cabdillaahi
6) Cabdillaahi Carab
Lixdan xubnood ee ergada noqon doona ayaa laga dhex xulay 14 xubnood
oo ay qolo weliba toddoba keentay.
Jawigii Kulanka
Kulankaas oo qaatay dhawr saacadood, waxa la sheegay in si adag
loogu wada hadlay, inta badana waxa la sheegay in jawigu degenaa,
balse haddana dhawr jeer ayay xaraaradda kulanku cirka isku
shareertay, ka dib markii xubno ka tirsan labada dhinac is
weydaarsadeen hadalo kulkul. Sidoo kale labada dhinac ayaa
isweydaarsaday tabashooyin ay kala tirsanayeen. Garabka Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax, ayaa dhinaca kale ku eedeeyay inay jebiyeen qodobo
ka tirsan heshiiskii hordhaca ahaa ee ay ku gaadheen magaalada Burco,
waxaanay gef ku tilmaameen safarka uu Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ah
masuulka shirkaas loogu doortay murashaxa Madaxweyne ku xigeenka uu
ku tagay magaalada Borama. Garabka Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la
sheegay inay iyaguna ku doodeen in garabka kale heshiiski jebiyay,
ka dib markii xubno ka tirsani warbaahinta mariyeen hadalo.
Mawqifka Labada Dhinac
Ma jiro wax isbedel ah oo ku yimid mawqifka labada dhinac, waxaanay
wararka xogogaalka ahi sheegeen in labada garab kala taagnaayeen
mawaaqiiftoodii hore, waxase la sheegay in la is hogo tusaaleeyay
waxyaabo badan oo salka ku haya in danta guud laga horumariyo danta
gaarka ah. Hase yeeshe labada mawqif ee labada dhinac waxa ay u
muuqdeen kuwo weli kala durugsan.
Gunaanad
Kulan dambe ayaa loo balamay habeenimada Arbacadu soo galayso ee
toddobaadkan, waxaana la filayaa in kulankaasi bilow u noqdo wada
hadalada labada garab u furmi doona. Lixda xubnood ee ergada ah ee
ay qolaba saddex xubnood keentay ayaa la filayaa inay iyaguna wada
hadaladaas goob joog ka noqon doonaan.
Saddexda Ergay ee ka socda garabka Axmed Maxamed siilaanyo ayaa la
sheegay inay kala yihiin Shariif Abokor, Sheekh Khaliil Cabdillaahi
iyo Cabdilaahi Carab, halka garabka Cabdiraxmaan Aw Calina la
sheegay inay ka socdaan saddexda nin ee kala ah Maxamuud Saalax Nuur
(Fagadhe), Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Cabdi Biixi Taarwale.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|