Madaxaynaha Somaliland ee mustaqbalka dhaw oo soo mudhay
'' Dr Gaboose''
Ramadaan kariim: Ilaahay ha inoo aqbalo tacabka aan
galinay bishan barakaysan ee ramadaan, abaalkeedana ha
ina siiyo dhamaanteenba.
- Intaas ka dib, is casilaada uu xilkii wasiirnimo ee uu
ka hayay dalka Jamhuuriyada Somaliland mu dane Dr
Maxamad Cabdi Gaboose ku baaqay dhawaan, waxa ay igu
dhalisay dareen laba bog leh ah, mid-i, waa ka dusha
sare xiga-e ee markii u horaysayba i saaqay oo ahaa, mid
huwan filan-waa iyo sakati, oon is idhi, allaylehe waax
ayaa xukuumadii curdinka ahayd go'day! Waayo? Dr Gaboose
aqoontiisa iyo kartida qofeed ee ban-baxday ka sokow
waxa uu ahaa, nin aad iyo aad u tixgaliya madaxwaynaha
jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Siilaanyo, taasoo
bilaysay cal ool diirani iyo kalsoonina u ahayd
xukuumada mudane Siilaanyo, oo hadii uu ka tago
xukuumada ay adkaanayso in ay xukuumadu hesho, nin
tayadaa iyo hagar la'aantaa balaadhan u leh xukuum adan
hada dalka ka talisa. Taasoo saamayn wayn ku yeelanaysa
geedi socodka hawsha maamulk an Siilaanyo loo igmaday ee
hada uun hayaanka dheer u xadhko xidhatay.
- Wasaarada arimaha gudahu waa mid ka mid ah wasaaradaha
ugu mudan ee qaran leeyahay, h a nashada ama daranyada
wasaaradaasina waxay taabanaysaa, dhamaan hayadaha kale
ee dal ka, waana meelaha uu dal ka hano-qaado ama ka
hagaaso In sidaa darteed loo helaa wasaarad aasi nin
baylahdeeda bojin karaa waa ka maaran-waa. Allah magane
Dr Gaboosena waxa uu aha a nin ka mudhay jagadaasi.
Taasaana ay ahayd tii i xanuujisay ee ladhka igu kicisay,
ee aan is id hi, aar maxaa qaaday Dr Gaboose, tolow yuu
ku halaynayaa meesha?. Ilaahay bedel khayr qaba oo
bishla halkaa uu baneeyay Dr Gaboose Somaliland ha ugu
bedo.
- Midka labaad, waa dareenka i saaqay qaybtiisa hoose-e,
waan muusooday markii warku ku dar ay is casilaada Dr
Gaboose inay tahay mid, hawo iyo hamo siyaasadeed salka
ku haysa, oo aan h abayaraatee hoos-ka cunan iyo naxli
huursan lahayn, oo Dr Gaboose hunguri ka galay inuu baar
ka sare fuulo (waa kursiga hada uu ku fadhiyo mudane
Siilaanyo-e). Markaasaan is idhi waar ma anaan garan!!!
Kolkaasaa maanku i siiyay inaan aniguna itaalkayga ugu
hanbalyeeyo muwaadin ka xalaasha ah ee hamiyay waa Dr
Gaboose-e, oon idhaahdo ' muraadkaagu Haataatu oo Haana
ato'' Hel oo ha waayin.
- Gaboose waxu u heensaystay faraskiisa inuu intii iyo
waxii uu u qaban jiray dadkiisa iyo dalkiisa haatan iyo
dabadeedna tahan waydaarsho, waana mid mudan in lagu
taageero. Xisbigiisii hore e e Qaran soo celiyaa oo
huubaha ka afuufyaa, ku cusub haatan yagleelyaa oo leeda
fuulyaa, wax an aaminsanahay inuu sooyaalkiisa hufan ku
kasbaday dad badan quluubtooda, oo uu meel duru gsan
gaadhi doono oo uu yahay sidaan qabo, madaxwaynah dhaw
ee mustaqbalka Somaliland.
- Gabo-gabada, waxan ku afmeerayaa maqaalka hor dhaca
ah, Dr Gaboose waxa uu ka mid yaha y dhuxulaha u
ruuq-ruuqan qarankan Somaliland, ee uu dadkiisuna ku
calool fayaw yahay inuu ka diirin doono markii loo
baahdoba dhaxamaha jiilaale, ee reer Somaliland af, arin,
aduun iyo adinba ha loo hagar baxo Dr Gaboose.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
|