Madax Dhaqameedka Beesha Barriga Burco oo ku gacan sayd hay kulan uu doonayay inuu Madaxweyne Biixi la yeesho

 



Hargeysa (TNN) :- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu baaqday kullan uu doonayey inuu la yeesho Madax-dhaqameedka beelaha Barriga Burco,kaas oo ahaa mid la damacsanaa inuu ka qabsoomo Qasr iga Madaxtooyadda Somaliland.

Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ayaa la sheegay in ay ku gacansaydheen kullankaa uu doonayey inuu la yeesho Madaxweyne Biixi,waxaanay u sheegeen in aanay diyaar u ahayn in ay wakhtigan la kulmaan isaga iyo xukuu maddiisa.

Sidoo kale, xoggo uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in kullankaas uu ahaa mid uu Madaxweyne Biixi uu ku damacsanaa inuu madax-dhaqameedka Beesha uu ku weyddiisto codka Xildhibaanadda 19 ah ee Golaha Wakiillada ee Beesha u soo baxay, kaas oo uu rabo inuu ku dhiso Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo u wato inuu noqd o Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhinaca kale, xogguhu waxay sheegeen in xubno ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Xubno kale oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo jeeda Beesha inuu ergo ahaan ugu diro Madax-dhaqa meedka Beesha Barriga, balse may noqon kuwa guulaysta,waxaanay Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ay ku adkaysteen Go’aankooddii ahaa in aanay la kulmay Madaxweyne Biixi.

Geesta kale, waxa xusid muddan in Madaxweyne Biixi uu sannadkii ina-dhaafay uu si cad u diiday inuu ka aqbalo Mada x-dhaqameedka Beesha Barriga Burco codsi ahaa inuu fasaxo shirkadaha xayiraada ka saaray beesha barriga Burco ee kala ah Fly Dubai iyo Air Arabia.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Beesha Habar-jeclo ay dhisayaan oo ay codka siinayaan Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo u sharraxan Guddoomiyaha Golaha Waki illada Somaliland ” Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaan taageersanay oo aanu codka siinaynaan, Habar-jeclo waxay cad daynaysaa in aan codka Habar-jeclo la iibsan karrin Muuse amma wasiiro ha soo diro ama wuxuu doonno ha sameey o, ama lacagta uu doonno ha bixiyo ama yaanu bixin, mawqifkayagu waa kaa isbahaysiga Mucaaradka “
 

 

Xigasho: Wargeyska Waaberi