“Madaxbanaanida Somaliland Waa Mid Ku Salaysan Rabitaanka Shacbigan
Oo Ay Go’aansadeen”
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu tilmaamay in aanay hadda
furnayn dood laga yeesho Midnimo.......
Hargeysa (TNN) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar ayaa soo dhaweeyey hadalkii Maalintii doraad ka soo
yeedhay Madaxwaynaha cusub ee Somalia Xa san Sheekh Maxamuud, kaas
oo ka hadlay Mawqifkiisa ku wajahan Madaxbanaanida Somalilan d, isla
markaana sheegay inay sii ambo-qaadayaan wada-hadaladii hore ugu
socday labada d al.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa fariin culus u diray Madaxwaynaha
Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka dalbaday inay Ixtiraamaan
Madaxbanaanida Somaliland oo uu sheegay inay ku timid Rabitaanka
Shacbiga, suurta galna aanay ahayn inay Bulshadda dalkani ku noq oto
Midnimadii lagu Hungoobay ee 60-kii.
Wasiirka arrimaha dibada waxa uu Tilmaamay inaanay Midnimadii hore
ee labada dal aanay ku imanin khasab iyo jujuub, imikana aanay ku
iman Karin, loona baahan yahay in Somalia Madax banaanida Somaliland
garowshiiyo ka bixiso.
Waxaanu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacadda VOA-da
laanteeda afka Somaliga, ugu horayna isaga oo hadalka
Madaxwaynaha Cusub ee Somalia ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waanu soo
dhawaynaynaa had alka Madaxwaynaha cusub ee Somalia ka soo yeedhay,
hadalkiisa waxa ka muuqday taxadar faro badan iyo ka fiirsasho badan”.
Waxaanu intaas ku daray isaga oo sheegay inay soo dhawaynayaan
wada-hadalada uu shee gay Madaxwaynaha cusub inay sii ambo-qaadayaan
“Arintaasi waanu soo dhawaynaynaa, wa xaanuna rajaynaynaa inaanu
Madaxwaynaha cusub aanu is-aragno marka ay suurto-gasho oo la sii
wado wada-hadaladii labada dal u socday”.
Dr. Cumar mar la waydiiyay in Madaxwaynaha cusub ee Somalia sheegay
inay Somaliland kala hadlayaan Midnimo dambe, waxa uu ku jawaabay
“Madax-banaanida Somaliland waa mid ku salaysan rabitaanka shacbigan
oo ay go’aansadeen, Somalia-na arintaasi waa inay garowshiiy o ka
bixisaa. Midnimadu maaha mid jujuub ah, maaha arin khasab ku timid
markii hore, imikana ku imanaysa, mowqifka Somaliland waa mid cad oo
maaha mid isbedel ku yimid, taasina suur to-gal maaha”.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu tilmaamay in aanay hadda
furnayn dood laga yeesho Midnimo dhex marta labada dal “Arintaasina
(Midnimo) maaha mid doodeedu furan tahay, laa kiin wax wada qabsi
iyo laba wadan oo jaar ah loo heli lahaa weeyaan”.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|