Madal lasku arkay oo Saddex Wasiir xilkii kula kala wareegen iyo hadaladdii kaftanka ahaa ee ay masuuliyiintu isku waydaarsaden .
 


Hargeysa (TNN)-Xaflad si qurux badan loo soo diyaariyey ayaa waxa xilalkii kulak ala wareegay  sadd ex wasiirk oo ka mid wasiiradii madaxweynaha Somaliland isku badalay oo kala ahaa wasiirkii hore ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiint Md Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, wasiirka cusub ee  wasaara da boosaha iyo isgaadhsiint Md Axmed Xaashi (Oday) oo ahaa wasiirkii xanaanada xoolaha, deegaa nka iyo horumarinta reer miyiga iyo wasiirka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali.

Munaasibada ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasiirka Xanaanda Xoolaha  Deegaa nka Iyo Hurumarinta Reer miiga Somaliland Dr.Axmed Xaashi Oday waxana uu ka waramay  waxyaa bihii u qabsoomaya Wasaarada mudadii uu Wasiirka ka ahaa, iyo heerka ay maanta wasaaradu  mara yso, waxana uu Wasiirku tilmaamay in ay Guulo aad u balaadhan Wasaaradu gaadhay. Waxa kale oo uu Wasiirku tilmaamay in Wasaarada uu mudo aad badan uu hor intii aanu Wasiirka ka noqon in uu in badan ka soo shaqayanyey taas oo uu sheegay in ay u fudaydisay in uu markiiba shaqadii hore ka bilaabo,

Waxa kale oo uu Wasiirkii hore ee Wasaarada Xanaanada Xooluhu uu sheegay in ay Wasaaradoodu nasiib u heshay in ay shaqaalaysiiso aradaydii ka soo qalin jabisay jaamacada magaalada Burco iyo ardaydii ka soo qalin jabisay dugsaiga tababarka ee magaalda Sheekh ee soo bartay cilmiga xanaanada xoolaha iyo dad aqoonyhayno ka yimid wadamada dibada oo uu Dr.Oday sheegay in ay xubnahaasi isku gaadhayaan ilaa 35 xunood.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Wasiirka Cusub ee Wasaarada ee Xanaanda Xoolaha  Dr.Ca bdi Aw Daahir waxa uu sheegay in wasiirkii hore Dr.Oday ay isku fasal ahaan jireen isls markaan ay in ku dhaw 40 sanadood macaarif ahaayeen, waxaanu sheegay inhalkaasi uu ka sii wadi doono hawsha wasarada oo ah ayuu yidhi mid balaadhan.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgadhsiinta Somaliland Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed isaga oo sheegay in mudadii uu Wasiirka ahaa oo ahayd shan bilood in ay Wasaaradaasi arimo badani ay u qabsoomeen isla marjkaana ay kuwo kale oo badani ay qabyo ka yihiin hada oo uu xilka wareejinayo.

Waxa kale oo uu Md. Cabdirisaaq Ibraahim ka hadlay waxayaabihii u qabsoomay Wasaarada boosaha mudadii uu Wasiirka ka ahaa isaga oo arintaasi sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi “ waxa aan aad ugu raja weynaha in mudadii aan Wasiirka ka ahaa wasaarada oo sanada badkeed ah in waxa yaabihii noo qabsoomay uu ka markhaati kicidoono Dr.Oday, waxana ay ahayd hayaan fog oo aan ku tala galna aniga iyo shaqaalaha wasaaradua in aanu ka dhigno wasaarada mid la mid ah  wasaarad aha caalamka u qaabilsan Isgaadhsiinta kuwaas oo lafdhabar u ah dhaqaalaha wadamadooda, waxa aanu yag-leelnay oo aanu ku tala galnay in aanu hir galino in sidi aanu u hagaajin lahayd nidaamka ay Wasaaradu u shaqayso, waxana aanu samaynay jadwal shaqo, waxa kale oo noo suurowday in aanu samayno sharciga isgaadhsiina oo hore qabyo u ahaa, waxana aanu ku guulaysnay in aanu hir galino oo aanu gayno Golaha Wasiirada waxana ay ansixiyeen bishii aynu soo dhaafnay, waxa dhawaan loo gudbinayaa dhawaan Golaha Wakiilada.”

Waxa kale oo uu Wasiirkii hore ee boosahu sheegay in uu ku guulsyteen qorshe balaadhan oo  Wasaa radaasi ku yeelanayso dhisme balaadhan isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxana noo qabsoomay oo aanu hir galinay qorshe wasaarada ka dhigaya mid ka mida wasaaradaha dalka ugu dhisme qurux badan oo imika uun ay waxa yari ka dhinayd in aanu bilownoy, waxan uu qorshahaasi ahaa dhismayaal danaqyo ah o Wasaarada xarun u noqondoona waxa uu bilaabmi doonaa qorshahaasi dhawaan.”

Waxa kale oo uu Md. Cabdirisaaq Ibraahim baaq u diray bulshada uu ka soo jeedo uu ah bulshada de egaanda Sool, Buuhoode iyo Sanaag bari waxaa uu yidhi “ waxa wax lagu yahay waa wadada  noolaa nshaha, nabda is xaqdhawrka iyo isu dulqaadka, waxa aan bulshada ee Sool iyo Sanaag bari leehay waa in aad aqbashaan nabada uu Madaxaweynaha Somaliland Md.Axmed Siilaanyo idiin ku baaqay, waxa kale oo aan baaq u dirayaa Jaaliyada deegaankaas ee dibadaha oo aan leeyahay walaalayaal dalka imaada oo ogaada halka ay qadiyadu marayso, waxa kale oo aad ogaataa in ay tahay in  aqoon ta iyo cawliga Ilahaya ina siiyey waa in aynu sida wanaagsan uga faa’iidaysanaa.”

Isaga oo ka hadlaya nidaanka isku xidhka shirkadahana waxa uu yidhi Md.Cabdirsiaaq Ibraahim “ waxa ay wax yar ka dhiman yihiin in uu hir galo nidaam aan in badan oo mudo ahba ku taamay nay oo ah nidaamka isku xidhka Shirkadaha isgaadhsiinta, waxa uu ahaa mid hawshiisa leh, waxa uu ahaa mid aan hore loo hir galin, in badan oo laysku dayeyna uu fashil ku dhamaaday, waxa aanu ka xidhiidhnay shirkadaha iibiya qalabka isku xidhka oo afar shirkadood ah oo waanu kala dooranay, waxana aanu dooranay tii ugu wanaagsanayd, ilaayo hada qalabkaasi 100% gacanta dawlada ma uu soo galin qorshahaasina waa uu socdaa.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiina Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.

Source:Waaheen