MADAARKA HARGAYSA OO DAREEN WAYNU KA JIRO KACDOONA KEENI KARTA

 


Waxa baryahan danbe isa soo taraaya dareenka ka jira madaarka hargaysa mudooyin badan ayaa waxa jiray cabasho ka imanaysa bulshada ku dhaqan agagaarka madaarka hargaysa oo in badan maamulka dawlada hada jirauga digay in laga fogaado sida shaqooyinka uu u bixina ayo wasiirka duulista iyo hawada maxamed xaashi cabdi

Waxa maalin kasta shaqo ka hela madaarka hargaysa shacbiga soomalialand ee ka kala yimi gobolada dalka , waxaase aan shaqo ka helin kuwa ayagu ka agdhaw madaarka hargaysa ee ku kala nool degmooyinka , guryasamo, iftin, maxamed mooge maxamuud haybe iyo axmed dhagax waa qofba siduu u yaqaanee in badan ayaa mamulka dawlada looga digay sida aan wanaagsanayn ee wasiirka duulistu u maamulaayo madaarka hargaysa.

Ilaa imikase maamulku waxba kama qaban arintaa dadwaynuhu ka biyo diiday dekeda berbera ayaa markaad tagto waxad arkaysaa in 90% inay ka shaqeeyaan dadka degaanka.halka kast amka galbeeka ee cashuurta jaadku soo marana ay tahay meel 90% ay ka xoogsadaan dadka degaanka ilaahay ha u barakeeyee

Hadaba waxa is waydiin mudan maxay ku dhacday in dadka degaanka u leh madaarka hargay sa.ay noqdaan qaar shaqaalahoodu noqdo 10% kaliya [ waa su,aasha ilaa imika aan jawaabt eeda lahayn]. waxaad moodaa dadka soomaliland qofka lexejeclada u leh dalkiisa ee samirka badan aan waxba loo garan waqtigan xaadirka ah malaa waxa dan la mooday in ninkii cadho muujiya ama diidmo keena la siiyo wax lagu qaboojiyo.

Waxay ila tahay in xukuumada madaxwayne axmed maxamuud siiraaanyo alla ha dheereeye cimrigiisee uu fara galin ku sameeyo nidaam darada uu wado wasiirka duulista iyo hawada MAXAMED XAASHI CABDI kuna waaniyo inuu ka dheeraado nin jeclaysiga oo loo qaadan karo in meeshuba tahay meel nidaam qabiil ku salaysan dadku way degan yihiiin ee yaan la kicin oo ficilka wasiirka duulistu uu wadaa jar inaga tuurin balaayo ka hor tag bay leedahay ee kadaba tag malaha.

Cadaalada iyo sinaanta iyo dimuquraadiyada soomalinad waxaan qabaa inaanay gaadhin was iirka duulista iyo hawada MAXAMED XAASHI CABDI waxa wasiirku doorbiday inuu umada isku jabiyo oo madaarka hargaysa ku shaqaaleeyo nidaam laga xishoodo oo waqtigiisii dhacay[ waa nidaamka qabiilkee]

gabagabdii
Waxaan leeyahay wasiirka duulista iyo hawada MAXAMED XAASHI CABDI nina kuugu dulqaad an maayo in wiilka madaarka dhinac dagana uu shaqo la,aado rag aad soo xulatayna doolar ku hor cunaan waxa taasi keenaysaa kacdoon BALAADHAN waxay taasi khalkhal galinaysaa nabada iyo wanaaga shacabku kuwada noolyahay wasiirka duulista iyo hawada waxaan lee yahay [ FARI TOGDHEER BAY KULA XUSHAA] ka fiirso wasiir tacadiga iyo dulmiga ad ka dhex wado bulshada soomaliland ee walaalaha ah ee aan la rabin inay iska hor yimaadaan.

Hadii aanad u bislaan cadaalada iyo sinaanta ay gaadhay soomaliland waxaan wasiir kugu wa aninaya inaad si dhib yar xilka uga degto taasaa malaa dalka iyo dadkaba u fiican oo lagu kala badbaadaya adigana kuu fiican oo masuuliyada aad qaadi kari wayday ee aad xilkeeda gudan kari wayday kuu hawl yarayn lahayd waxay tahay wasaaradaadu ta ugu liidata ee ilaa imika lagu dhaqo nidaam musuqmaasuqa oo aan ka jirin dalka intiisa kale

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
London