Maayirkii Degmada Qoryaale Bile Muuse Oo Xalay Rasaas Lala Beegsaday.

Burco, 20 August 2011 (TNN)
Maayirka degmada Qoryaale Bile Muuse (Xaraami) ayaa Xalay abaara
7:00Dii fiidnimo lagu dhaawacay deegaankaasi,kadib markii uu nin
Qori ku hubaysani xabad kala beegsaday Lugta dhineceeda sare ee
bawdyada.
Dhaawaca Maayirka ayaa la keeney isla xalayba Cisbitaalka Guud ee
Magaalada Burc o,iyadoo halkaasi wali lagu dawaynayo dhawaca
Maayirka dagmada Qoryole bile Muu se. Dhakhaatiirta
cisbitaalka lagu dawaynayay, ay cadeeyeen in dhawaca masuulkani uu
yahay mid fudud.
Wararka ka imanaya goobta uu falkaasi ka dhacay ayaa sheegaya in la
garanayo nin ka geystay falkani,ilaa hadana aan gacanta lagu haynin
balse ay wali ciidamada bool iska ee degmadaasi ku daba jiraan.Isku
soo wada duuboo dhawaca masuulkani ayaa daba socda khilaaf u
dhexeeya Maayirka degmada iyo gudi ka kooban dadka deegaank a
Timacade News
Burco/somalilland
|