Maayirka Gabiley oo ka Hadlay Baadhitaannada Hanti-dhawrku ka Wado Gobolka Gabiley
 

 

Hargeysa Dec 20,2010 (TNN)-Guddoomiyaha Golaha degaanka Gobolka Gabiley, isla markaana ah  Ma ayirka magaalada Gabiley, Md. Aadan Muxumed Badde, ayaa ka hadlay baadhitaannada kala duwan ee Hanti-dhawrka Qaranku waddo iyo waxa ka jira warar sheegaya inuu ku kacay musuqmaasuq la gu ogaaday baadhitaannada la wado.


Maayirka Gabiley oo shalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula soo xidhiidhay, isaga oo daba  socd ay warar saxaafadu baahiyey oo sheegaya in baadhitaannada hantidhawrku ka wado Gabiley lagu ogaaday in fadeexado musuq oo dul hoganaya maayirka, isaga oo xusay in aanay wxba ka jirin eed aha loo soo jeediyey, isla markaana aanay ilaa hadda wax natiijo ahi ka soo bixin baadhitaanada Ha nti-dhawrku wado.



Md. Aadan Muxumed Badde, waxa uu sheegay uu xukuumadda u soo jeediyey in la waydiiyo cidda w arkaas qortay halka ay ka keentay, isla markaana ay tahay dad wada fadeexad iyo maamul ku  xum ayn “Wax alle wax ka jiraa ma jiro, waxaanan u arkaa ceebayn annaga maamul ahaan iyo hanti dha wrkaba la mar marinaayo. Hantidhawr kuna waa hay’ad Qaran, hawshiisana wuu wataa, sida uu So maliland-ba baadhista loogu sameeyo ayuu Gobolkuna la mid yahay.



Ciddii waxan sheegtay waxaan leeyahay ha la waydiiyo halkay ka keentay, waayo annaga oo maam ulkii Gobolka ah, waxaasi maanu arag, waana cid ujeeddo kale leh cida waxaasi naga baahisay oo ma amul ku xumayn wada,” ayuu yidhi Maayirka Gobolka Gabiley Aadan Muxumed Badde.



Source:Jamhuuriya Online