Maayarkii
Hore Ee Wajaale Oo Ka Digey In Argagixisadu Si Dhib Yar Uga
Soo Talaabi Karto Xuduudka Haddii A an Maamulka Degmadu Xalin
Khilaafka Dhexdooda Ka Aloosan
“Go’aanka Wajaale Waxa Lagu Soo
Gaadhaa Gabiley, Gabiley Laftigeeduna Ogaal Badan Uma Laha Dhibta
Taala Wajaale” Cumar Aadan Qaasaali, Maayarkii Hore Ee Wajaale
Hargeysa, November 17, 2009-(Timacade News)-Maayarkii hore ee
degmada Wajaale, Cumar Aadan Qaasaali ayaa ka digay maamul xumada
iyo khilaafka wakhtigan xaadirka ah ka aloosan degmada Wajaale in ay
sababi karto in argagixisadu ka faa’iidaysato isla markaana ay si
dhib yar uga soo gudbaan xuduudka, taas oo halis ku noqon karta
qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
Maayarka hore waxa kale oo uu ka hadlay faro gelinta maamulka
Wajaale kaga timaada dawlada dhexe iyo badhasaabka Gabiley inay
gundhig u yihiin khilaafka hadda ka taagan giraanta maamulka ee
degmada Wajaale. Kuwaas oo uu ku sheegay in khilaafkoodu uu cirka
isku shareeray toddobadkii u dambeeyay, iyada oo uu ku tilmaamay in
arrintoodu marayso weerar iyo weerar celin iska daa ummad loo
shaqeeyo’e, isagoo intaa ku daray in haddii maamulka Wajaale uu
madax banaani waayo in aan maamulku marnaba toosi ka rin.
Maayarkii hore ee Wajaale, Cumar Aadan Qaasaali, waxa uu sidaa ku
sheegay mar uu xa lay wargeyska Haatuf khadka tilifoonka uu
ugu xog-waramayay isagoo jooga Hargeysa. Arrimahaasi isaga oo ka
hadlayana waxa uu yidhi “ Wajaale waa goob xasaasi ah mudda
dii aan joogay waxaan ogaaday inay tahay meel u nugul mudaharaadyada
markaa haddii la waayo qof degan oo maamul ah oo isku wada bulshadii
oo gacanta ku wada haya buls hadii iyo maamulkiiba la
tashigana u badiya odayaasha, taa haddii la waayo waxa meesha kasoo
baxaya in dadkii gacmaha ay ka baxaan mar haddii meeshiina tahay
goob xuduud ku taala, taasi waxay keenaysaa in ama mudaharaado iska
yimaadaan ama dad si xun wax u turjumayaa ay nidaamka dawliga ah ka
hor yimaadaan siddii maalmihii dhoweyd dhacday oo kale, markaa
labada mushkiladood ee ugu badani waxa weeyaan, dawlada hoose
shaqaaleheeda gacan ku hayntooda iyo ta shacbiga. Hadda dhibtan
cusub ee sha qaalaha gudihiisa iyo guddidii fulinta ka dhex
bilaabantay waa mashaakil ka yimid guddida fulinta oo habkii
hogaaminayd ee degenayd wayday taasina waxay luminaysaa
horumar kii bulshadu ay gaadhi lahayd ama dhaqaale lagu soo saari
lahaa, anigu waxaan soo jeed in lahaa laba arrimood, marka
koowaad waa in qofka maamulka ahi gacanta ku hayaa bul shada
oo uu la tashi badan iyaga la sameeyaa, ta labaad waa in shaqaalaha
hab qabyaal ad eed aan loo kala dhoweysan ee ay noqdaan mid
sharci nidaamsan lagu wado, balse haddii nidaam reereed lagu wado
waxay noqonaysaa nidaam daneysi ah, taasina waa ta maanta dhibaatada
ka keentay Wajaale, maamulkii ayaa kala jiidanaya shaqaalihii,
halkaa na waxa ku lumaya dakhligii dawlada kaddibna ay bilaabanto in
dakhligii la lunsado”.
S : Magaalada Wajaale waxay ku taalaa goob xasaasi ah iyadoo uu maro
xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana aan
lahayn ciidan adag oo ilaaliya xuduudka, mar haddii ay maamulkii
iyaga dhexdoodii is haystaan, maxaa halkaa ka dhalan kara?
J : waxa kasoo baxaya kala daadasho laba dhinac ah, nidaamka
fulineed ee magaaladu inuu kala daato, taasi markay dhacdo waxa soo
baxaya in shacbiga iyo dawladu kala fogaadaan, waayo imika waxa
Wajaale ka bilaabmay qalalaase cusub iyo weji cusub oo keenaya in
maamulkii dadkii shaqaalaha ee ay gacanta ku hayeen ay gacantii
maamulka ka baxaan, taana waxa ku xigta in shacbigii la maamulayay
ee eeganayay karaamada maamulka ayaa meesha ka baxaya, ilayn
karaamadii maamulka ayaa dhaawacntaye, taasi waxay keenaysaa in goob
xuduudeedkii uu heli waayo nidaam nabadgelyo oo adag oo gacanta lagu
wada hayo, markaa dhibaatada soo socota taas baan u arkayaa.
S : argagixisadu meelaha ay dalka kasoo galaan waxa ka mid ah
xudduudaha, Wajaalena waa goob xuduud ku taala, markaa xiligii aad
joogtay khibrada kaaga korodhay maxay tahay, saameyn intee le’eg bay
argagixisadu ku yeelan kartaa khilaafka maamul?
J : Wajaale, waa goob xuduud ah oo laba dal looga kala gudbayo,
khibrad ahaan haddii la waayo wada shaqeyn ka dhaxeysa Somaliland
iyo Itoobiya oo kalfadhiyada aanu yeelan jirnay ay ahayd 15 kii
cishaba hal mar aanu kulano laguna kala war qaadan jiray hadba wixii
jira iyo wixii magaalada ku soo kordha, imika wada tashigii labada
dhinac “Itoobiya iyo Somaliland” ayaan jirin oo kala go’aa ayaa wax
badani ka iman karaan, waxaan maqlay in aniga kaddib uu hal shir oo
kali ahi dhacay oo wada tashi ah, muddo laba bilood ah oo aan kasoo
maqnaa, markaa taa lafteedu waa gaab, waa goob banaanaatay, mudadii
aan joogay dhowr jeer baanu qabanay dad argagixiso ahaa, meeshu waa
magaalo qudha oo laba dal kala ah, inkastoo labada taliye ee
Imigrationka iyo Boolisku ay yihiin rag khibrad badan leh, dedaal
badan leh, hadana waxan is leeyahay gaabkaasi waa mid banaan oo
halisteeda leh.
S : waxa la sheegayaa in maamulka Wajaale ka jira wakhtigan xaadirka
ah inuu ku kala xidhan yahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Madaxweyne
Riyaale oo aanay maamulku dhinac u wada socon, arrintaa maxaa ka
jira?
J : kolley dalku maamul keli ah buu leeyahay, kaas baana lagu wada
xidhan yahay, laakiin waxa lagu kala duwan yahay, waxa meesha ka
maqan hogaamintii maamul, haddii ay dhacdo in maamulku meelo ku kala
xidhmo dhibaatadu waxay ku dhaceysaa shacbigii magaalada.
S : dadka reer Wajaale waxay ku doodaan in mar kasta maamul dusha
lagaga keeno oo aan iyaga waxba laga weydiin, taasina ay dhibaato ku
keento magaalada, sidee baad u aragtaa adigu arrintaasi?
J : kolley dadku arrintaa xasaasiyad bay ka qabaan, laakiin
dhibaatada jirtaa waxa weeyaan, qofka maamulka loo dhiibayo laf
ahaantiisa dhowrkii shay ee lagu xulan lahaa meesha way ka maqan
yihiin, marka ugu horeysa qofku waa inuu maskax ahaan iyo jidh
ahaanba u caafimaad qabo si uu xil u qaado, anigu waxan aaminsanahay
marka wax la magacaabayo in aan laga fiirsan arrintaa, waa in la
eegaa qofka dulqaadkiisa, kartidiisa iyo maskaxdiisa, waayo Wajaale
dhowrkii mudaharaad ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka kamay dhicin,
oo waa tii Eyda loo galiyay calankii UDUB taasina ay boog balaadhan
ku noqotay xisbigii, laakiin muhiimadu waa in qofka magaalada
maamulkeeda hayaa uu dadka kaantaroolo oo xasaasiyada dejiyo.
Go’aanka Wajaale badanaa waxa laga sameeyaa Gabiley, Gabiley
laftigeeduna ogaal badan uma laha dhaqaale ahaan iyo dhibta taala
Wajaale.
S : dadka qaarkood baa aaminsan in badhasaabka gobolka Gabiley uu
yahay nin aan karti badan lahayn oo xalin kari waayay khilaafka soo
kala dhex gala maamulka degmooyinka, taasi ma jirtaa?
J : haa, waayo doorkii uu badhasaabku ka ciyaari lahaa khilaafka
jira wuu ka seexday, intii aan xilka ka tagay saddex jeer baa
maamulka Wajaale isku dhaceen, mar keli ah go’aan qaadasho muu
sameyn badhasaabku oo khilaafkii muu xalin, waxa loo baahan yahay in
qofka badhasaabka noqonayaa uu noqdo mid aqoon u leh gobolka oo
waayo aragnimadeedana leh.
S : beri dhoweyd macalimiinta Wajaale way mudaharaadeen iyagoo ka
cabanayay in aan la siin guno ay dawlada hoose siin jirtay, maxaad
adigu arrintaa kala socotay?
J : anigu markii aan joogay macalimiinta marka ay bishu dhamaato
baan gunadooda siin jiray, waanu kabi jirnay, gacantii lagu hayn
jiray ayay waayeen macalimiintu, ardayda dugsiyada sare ee Wajaale
ma haystaan qalab waxbarasho oo ku filan iyadoo taasi jirto ayaa
hadana maanta waxa maamulka Wajaale iyo ganacsatadu waxay lacag u
ururiyeen jaamacad laga furay Gabiley, iyagii baan waxbarashadii
aasaasiga ahayd haysane may horta Wajaale wax u qabtaan. Anigu waxan
sameeyay guddi waxbarasho oo degmadu leedahay, waxan doonayay in
miisaaniyad gaar ah aan u sameeyo waxbarashada degmada Wajaale.
Source:Haatuf
|