Maayarka ku Xigeenka Hargeysa oo la Kulmay Maayarka Ku Xigeenka Magaalada London
 


London (TNN):- Maayarka ku Xigeenka Hargeysa C/Casiis Maxamed Xaashi oo ay wahelina yeen Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo Madaxa Ururka HAYA mudane Cabdirashiid Aadan iyo Mudane Xuseen Ibraahim Askar oo ka tirsan Hormuudka Jaaliyada reer Somaliland ee UK ayaa waxa kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo ka turjumayay sidii ay Magaalada London u caawin lahayd magaal ooyina Somaliland gaar ahaan Caasimada Somaliland oo ay ku nool yihiin in ka badan Hal Milyan oo Qof.

Maayarka ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer ugu warbixiyay baahiyaha Caasmada Hargeysa ee ugu muhiimsan in wax la gala qabto, waxaana uu sheegay in ay ugu horreyso sidii loo abuuri lahaa Shaqaale Dab-damis oo leh qalab dhamaystiran oo ka hor taga khatarta uu Dabku ku hayo bulshada, taa soo ay ku naf waayaan kuna dhaawacmaan dad aad u tiro badani, waxaana uu ka war bixi yay tirada dadka, guryaha iyo hantida ay waxyeeladu kasoo gaadho Dabku sanad kasta, isla markaasna aanay haysan Qalabka Damdamiska. Waxa kale oo uu sheegay in Habaynta Qashinka iyo Ilaalinta Caafimaadka bulshadu ay ka mid tahay waxa ay ugu baahida badan yihiin in wax lagala qabto.


Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed ay aa isna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in Magaalooyinka kala duwan ee UK ay gacan u fidiyaan magaalooyina kala duwan ee Somaliland, lana abuuro sidii xidhiidh wada shaqayneed iyo mid wax wada qabsi uu u dhex mari lahaa magaalooyinka Somaliland iyo kuwa UK, waxa kale oo xusay inay jaaliyadaha reer Somaliland ee dunida dacaladeeda ku nooli ay intii karaankood ah ka qayb qaataan Horumarinta Somaliland laakiin loo baahan yahay in wadamada horumaray ay kaalmo muuqta u fidiyaan Somaliland, isaga oo tilmaam  ay inay ka shaqayn doonaan sidii Magaalooyinka Somaliland loogu xidhi lahaa magaalooyin ka Dunida.

Madaxa Ururka HAYA Mudane Cabdirashiid Aaden iyo Mudane Xuseen Ibraahim Askar aya a iyaguna si qoto dheer uga hadlay sida ay uga filayaan in London ay gacan ka geysato ho rumarinta Hargeysa, iyaga oo tilmaamay in kumanaan reer Somaliland ah oo haysta Dhalas hada dalkan UK ayn ku nool yihiin Caasimada Hargeysa, taasina ay waajib ka dhigayso in magaalooyinka UK ay caawiyaan magaalooyina Somaliland.

Ugu Danbayn Maayarka ku Xigeenka Magaalada London Marwo Victoria Burnett ayaa shee gtay inay aad ugu faraxsan tahay booqsahada uu Maayarka ku Xigeenka Caasimada Har geysa ugu yimi, waxaanay tilmaantay in loo baahan yahay xidhiidh dhex mara Magaalada Hargeysa iyo London, waxaanay Buug Hadyad ah oo ka hadlaya taariikhda London gudoonsiisay Maayarka ku Xigeenka Hargeysa, isaga oo dhinaciisa Maayarka ku Xigeenka Hargeysa uu hadyad dhaqameed ka hadlaysa Hidaha Somalilnd uu gudoonsiiyay Maayarka ku xigenka London.



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland