Maayarka Gabiley oo Sheegay in uu isagu wali maayarkii Degmada yahay, Xasaanadna aan laga Qaadin, Sharciguna Dhigayo in 2/3 lagaga Qaadi karo Maamuuska

 



 

Gabiley (TNN)-Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde oo shalay Xildhibaanada Golaha deegaan ka Gabiley ay Fadhi aan Caadi ahayn Maamuuskii kaga Xayuubiyeen ayaa Sheegay In ay Sharci darro ahayd isla markaana uu Isagu yahay maayarka Degmada illaa iyo inta Dariiq sharci ah loo marayo Xil ka qaadistiis a.


Maayarka oo Maanta Shir Jaraa,id ku qabtay Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Gabiley ayaa Faahfaahin ka bixiyay Kalfadhigii shalay iyo Qodobada Sharciga ah ee ay Xukuumadu jabisay waxaanu ku bilaabay sida tan “Waxaan shirkan jaraa,id u qabtay arintii kalfadhigii ee shalay oo marka hore qoraal eedayn xambaarsan oo la adeegsanayo laba qodob oo kala ah Qodobka 47-aad ee Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka iyo Qodobka 66-aad oo ka hadlaya xil kaqaadista duqa iyo ku xigeenkiisa aya lanoo soo gudbiyay, labada qodob kii koow aad Fadhi buu ahaa Goluhuna wuu fadhiistay , qodobkii kale ee Xil ka qaadista Duqa iyo ku Xigeenkiisa ahaa, Duqa waxaa laga Qaadi karaa Xilka 14 Xubnood ama 2/3 seddex melood oo laba meelood, waxa uu ahaa Qo dobkaasi Xasaanad ka qaadis oo ah isla qodobka 24aad ee xeerka gobolada iyo Degmooyin, waxaa horeeya in Maayarka laga qaado Maayarnimad waayo xubinimadu way ka adagtay waxyaabaha lagu waayi karo, wa a Xubin la soo doortay arinteeduna way Adagtay, waxaana loo adeegsaday in Xasaanada laga qaado oo M aayarnimadana hay la yidhaahdo Sharcina Maaha”

Maayar Badde Mar uu ka hadlayay Siyaabihii shirkii Shalay u dhacay iyo Qodobada Dastuuriga ah ee la jabiy ay waxa yidhi “ horta inaan Cadaalad helno ayana doonaynaa waxan aan ka qaxnay ee dhibta ugu wayni ka dhacday waxay ahayd Cadaalad Darro, qofku waa in uu Cadaalad helaa, marka koowaad Waxa luntay mada x banaanidii shirka, Madaxbanaanida shirku waxa weeyaan marka la isoo eedeeyo ee Gole la horkeeno dee golahaa waxaa loo soo waydiistay eedaynta waa in ay waxan eegaan, oo loo qaybiyo eeddii, ka bacdina ay akhriyaan oo ay ku qancaan ama ku qanci waayaan, wax alla wax la qaybiyay oo eed ahi may jirin, wax gud oomiyenimadii laga qaaday oo 14 xubnood ahina may jirin, kalfadhiga waxa yimi 19 xubnood, anigoo gudoo miye ah marka waa lagu eedeeyay lagu yidhaa ayaa la wareejiyaa Hogaaminta, kolkii kowaadba waxa la iga kiyay halkii hore oo waxaa la iyidhi xaga danbe fadhiiso oo waxaa la iila dhaqmay si aan ahay Maxbuus taasi na Wax sharciyada ku jira Maaha”


Aadan Muxumed Badde waxa kale oo uu Sheegay in Sharcigu siinayo inay Golaha Gudoomiso ku Xigeenku, l oona ogolyahay marka ay Xubnaha Codka bixinayaa isleekaadaan in ay Codkeeda ku kala saarto oo ay cida ay doonayso u Codayso isaga oo Arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaa Shirka Gudoominayay Xe er ilaaliyaha guud, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobol ka sharci darro ayayna ahayd markayse ku wareejiyeen lafteeda wuxuu ahaa qaabka wax loo Maamulayay Maroorsi, waxaa codeeyay marka gudoomiyaha iyo Xildhibaan ka aamusay laga Reebo sagaal iyo Sideed oo 17 ah, anigu waxaan helay sagaal Xubnood oo aan anigu ku jiro, anigu goormaan Codka waayi karaa bal Xe erka laga eego, Waxaan waayi karaa marka aan Xubinimada waayo ee illaa maxkamada sare ay gaadho wa a arin distoori ah, illaa inta aan xubinnimada hayo ee ay Eedu igu cadaanayso waan leeyahay Codka, taasi lama tixgalin, waa arin qaldan”


“ horta Waxaan leeyahay Dawlada Xeer baynu ku kala soconaaye Xeerku ha shaqeeyo, waxaa la sameeya y isbarbardhig aan oolin, waxaa la sameeyay eed afka ah oo la akhriyay, waxaa la sameeyay go,aan isla ma rkiiba bilaa qoraal ah, waxaad arkayseen markii aan idhi codkaygii waan leeyahaye ha la ii tiriyo waynu eegi ye fadhiya ayaa la yidhi, markii danbena waxaa laga reebay tiradii, taasi waa Cadaalad daro ayaan leeyah ay, Shalay waxaa la igu yidhi Gudoomiyenimadana hay Xasaanadiina Waa lagaa Qaaday, Wax suuro gal ah maaha, Waxaan leeyahay Cadaalad Darro ayaa dhacday waay Waxaan ahay nin umadi soo dooratay”


Mr. badde mar uu ka hadlayay arimaha Xasaanada iyo codadka laga qaadi karo waxa uu yidhi “Xasaanad Waxaa lagaga Qaadi karaa Gudoomiyaha 2/3 seddex meelood oo laba meelood, inta xagan ka codaysanay waxay ahayd 8 xubnood, waxaan leeyahay dee horta dalka waynu wada leenahay waana sii joogaynaa, waxyaabaha Cadaalad daraduna Dadkay kiciyaan, waxaynu ku kala danbaynaa ee aan anigu maanta maay ar ku ahay, madaxwaynuhu madaxwayne ku hayay waa sharci, anigu waxaan u Hogaansanahay sharciga, cadaaladana waan ogolaanayaa laakiin waa inaan helaa cadaalad”


Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Gobolkan sida asal ahaan loo la dhaqmaa waa si khalad ah, m atalan kolka dawladii hore la yidhaa, inamada hadda ila eedaysan waxaa ku jira xoghayahaygii dawladii ho re Cabdi jirde Daa,uud, waxa kale oo xidhan maayarkii wajaale, waxa kale oo eedaysan laba xoghaye oo ka le oo dawlada hore ah oo wajaale ah, oo midkood xilka laga qaaday wakhtigii kaambaynku socday maanta na uu eedaysanyahay, waxaanu leenahay taana goboladu ha usinaadeen cadaalada, hadii lanagu soo eede eyo wax dadku u simanyahay oo wadanka oo dhan ka jira waan qaadanaynaa, laakiin qaadan mayno wax ka gadisan sida umadda ,Maanta ma cadho hadlayo ee si sharci ah ayaan u hadlayaa, haddii sida sharciga ah loo dhaqmi waayana sida qaldan baa loo dhaqmi doonaa, waxaan leeyahay sharcigu hayna kala hago”


Maayarku waxa Golaha deegaanka Gabiley kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wixii karaamadooda wax u dhim aya waxaanu yidhi “inaad xilka iga qaadaan xaqbaad u leedihiin, inaad xasaanada iga qaadaana Xaqbaad u leedihiin, laakiin ha garan waayina, hana inawada laynina, hana ina ceebaynina, waxaynu nahay gole jira oo Golayaasha qaranka ka mid ah, wadeediidna hala idiin soo maro, dariiqeedii uun ha la imariyo anigana”

Mar la waydiiyay Badde waxa uu ka qabo Xasaanad ka qaadida lagu sameeyay iyo Aragtidiisa ku wajahan Xasaanad ka xayuubinta, waxa uu kaga jawaabay in aanay jirin Wax Xil iyo Xasaanad laga qaaday aanay jirin wax qoraal ah oo la kala qortayna aanay jirin marka laga reebo wixii tv-yada laga sheegayay oo ahayd intana codaysay iyo intanbaa la kala helay, xasaanadaydana waan leeyahay intaan Xubinnimada hayo.


Mar la waydiiyay Su,aal ahayd yaad ku eedaynaysaa kiiskii shalay meesha ka dhacay? Waxa uu yidhi waxaa n ku eedaynayaa Hanti dhawraha guud iyo Xeer ilaalinta, isaga oo ku eedeeyay in aanay tusin Cadaymo ah oo ku saabsan eediisa


Mar la waydiiyay in Xeer ilaalintu la xidhiidhay ka dib markii shalay ay xilka ka qaadeen iyo in wax boolis ah loo keenay waxa uu sheegay in uu dhawrayay kacdoon ay shacabku sameeyaan waxaanu sheegay in uu c adhadiisa qarsanayay shacabkiisana dajinayay, waxa kale oo uu sheegay Xukuumadu kordhisay Lacagtii Mu shaharka balse aanay wali xaga Cadaalada Wax wayn ka qaban, waxa kale oo uu sheegay in Arintani aanay ahayn Sharci ee ay Tusaale u tahay Cid kale oo Gabiley lagu bixinayo iyada oo cid kale la baqdin galinayo, Gabileyna lagu Cagaynayo, cid kalena loo hanjabayo.


 

 


C/risaaq Axmed Hayaan
(Ilkacase)
Gabiley/Somaliland
ilkacasenews@hotmail.com