Maayarka Gabiley oo Munaasabad Soo Dhawayn ah loogu Sameeyay Magaalada Dedemsvaart ee Dalka Netherland

 



Rotterdam (TNN):-Jaaliyadda Reer Somaliland ee Dhaqan Dalka Holland iyo Ururka Ogaal oo Munaasabad Soo Dhawayn ah ku Qaabilay Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo Booqasho Shaqo ku soo gaadhay Dalka Netherland ka dib markii uu Soo Dhamaystay Safar Shaqo oo uu ku joogay Dalka Finland
Maayarka Gabiley ayaa Caawa Munaasabad Balaadhan loogu Sameeyay Magaalada Dedemsvaart ee Gobolka overijsel ee Dalka Netherland halkaasi oo ay isugu yimaadeen Dadwaynaha ku dhaqan Deegaankaasi ee ka soo Jeeda Somaliland iyo Hogaanka Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Holland.
Ismaaciil Bood-bood oo ahaa Gudoomiyaha gudidii Soo qabanqaabisay Munaasabada Soo dhawaynta Maayarka Gabiley oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Farxad gaar ah utahay in ay marti galiyaan soo dhawaynta Maayarka.
Ismaaciil Bood-bood waxa uu sheegay in uu Gacmo furan kusoo dhawaynayo Shucayb Maxamed Muuse Dalka Netherland isaga oo Sheegay in Maayar Shucayb uu yahay Masuul dhalinyaro ah oo dadkiisa iyo Deegaankiisa wax u qabtay, waxaanu xusay in ay jaaliyad ahaan aad ula dhacsanyihiin wax qabadka maayarka Gabiley oo Muddadii uu joogay wax badan ka qabtay Deeegaanka Gabiley.
Masuul ka mid aha Masuuliyiinta Jaaliyada Somaliland ee Dalka Faransiiska ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu sheegay in safarkaa dheer usoo galay soo dhawaynta maayarka oo Safar Shaqo ku yimi Dalal ka mid ah Yurub, isaga oo Carabka ku dhuftay in ay jaaliyad ahaan soo dhawaynayaan Maayarada Da,da yar ee Dalka wax ka qabta isla markaana matalaya Dhalinyarada Somaliland.
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Holland Maxamed Yuusuf Buux oo isaguna Xafladaasi hadal Kooban ka jeediyay ayaa aad ugu Mahadnaqay ururka Ogaal ee Munaasabadan soo qaban qaabiyay isaga oo ku booriyay Dadka kale ee reer Somaliland ee Gobolada Daganina in ay ku daydaan Wax qabadka Ururkan iyo isku xidhkooda.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Dalkeenu Maanta marayo Marxalad aad u Halisa oo dumarkii xataa soo galeen in ay Raggii wax walba ku yidhaahdaan oo qaarkood leeyihiin Soo xinaysta, waxa kale oo uu xusay in aan Madaxwayne Siilaanyo lala Masayn Karin Afwayne iyo wax la mid ah taasina ay Damiir Xummo ku tahay Shaqsiga Ereygaasi ka soo baxay isaga oo Xusay inay Madaxwaynaha Xaal ka siinayaan Arintaasi.
Sahra Waraabe iyo C/laahi Kambaal oo iyaguna Hadalo halkaasi ka soo jeediyay ayaa ku dheeraaday Horumarka Somaliland gaadhay iyo Waxyaabaha looga baahanyahay shacabka reer Somaliland iyaga bulshada ku dardaaray in ay ka qayb qaataan Dib udhiska dalka Gaar ahaan Wadooyinka laga Hirgalinayo Gobolada Somaliland oo ay ugu horeyso Jidka Ceerigaabo.
Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo khudbad Dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ujeediyay Dadwaynihii halkaasi ka soo qayb galay ayaa ku dheeraaday Taariikhda Somaliland iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay tan iyo intii aynu la soo noqonay Madaxbanaanideena.
Maayar Shucayb Waxa uu Sheegay in Somaliland loo soo maray Marxalado Adag, Dhiig-na udaatay sidii Loo Xorayn lahaa, waxaanu ku dheeraaday in Dariiq adag loo soo maray sidii Dalkani cagihiisa isku taagi lahaa iyada oo maanta Dimuqraadiyada ka jirtaa marayso Heer Aduunyadu ka markhaati kacdo oo laga Sheekeeyo Mucjisooyinka Somaliland usuurto galay intii ay jirtay.

Maayarku waxa uu sheegay in Nabad galyo ka jirto Somaliland taasi oo uu sheegay in Cadawga Somaliland dhawr jeer isku dayay inuu wiiqo nabad galyadaasi balse shacabku feejignaan badan ka galeen isla markaana Fashiliyeen Qorshayaal badan oo lagu dibin baayaynayay Somaliland.
Maayar Shucayb ayaa ka dhawaajiyay in Qurbajoogta reer Somaliland kaalin wayn ku leeyihiin dhaqaalaha iyo Dib udhiska Dalka isaga oo carabka ku adkeeyay in Abaal badan ay ku leeyihiin dalka, taariikhduna Xusi doonto waxa ay uqabteen dalkooda iyo Dadkooda, waxaanu ku Booriyay qurbajoogta inay Dadaalkooda sii wadaan kana Qayb qaataan Jidka Ceerigaabo iyo jidadka kale ee Dalka laga Hirgalinayo .
Maayarka Gabiley ayaa Sheegay in Gobolka Gabiley ka Kooban yahay Lix Degmo, kuwaasi oo dhamaantood ay ka soo baxaan Khayraad kala duwan oo Somaliland oo dhami manaafacaadsato, waxa uu sheegay in Gobolku yahay Gobol Cagaaran oo Dhir badan isla markaana Wax soo saarkiisu aad ufaro badanyahay, waxa kale oo uu sheegay in Gobolku leeyahay Jaamacad Curdin ah oo Dufcadii koowaad ka Qalinjabisay, waxa kale oo uu intaasi ku daray in Goobo badan oo ay ka mid tahay Jidka Wajaale ay Gacan ka Gaysteen isla markaana Xukuumadu Wax badan ka qabatay, Gaar ahaan Jidadka Gudaha Magaalada, Sariibadaha , Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Shucayb Maxamed Muuse Waxa uu sheegay in Safar Shaqo oo Aqoon Korodhsi ah ay u yimaadeen Dalka Finland gaar ahaan Magaalada Turku, halkaasi oo ay ku soo qaateen Casharo Aqooneed oo ku Saabsan Maamul Daadejinta iyo Siyaabaha Dawladaha hoose ee Yurub ushaqeeyaan, waxaanu xusay in ay wax badan ka Faa,iidaysteen oo ay kula noqon doonaan Deegaankoodii.
Maayarka Gabiley Waxa kale oo uu sheegay In Mucaaridku isku dayaan in ay Dahaadhaan Waxqabadka Xukuumada iyada oo sheegay in ay Xaasidnimo ku jirto in Shaqsi wax qabtay lagalala Masuugo, Waxaanu wax lala yaabo ku Tilmaamay Hadal dhawaan kasoo Yeedhay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka oo Madaxwayne siilaanyo ku Eedeeyay inuu ka Wanaagsanaa Siyaad Barre, waxaanu carabka ku dhuftay in Ninkaasi Gudcur gudaya.
Shucayb Maxamed Waxa kale oo ka dhawaajiyay Qaabkii ay udhaqmeen Suxufiyiin uu Sheegay in ay dhawaan Ka Been Abuurteen Calanka Kulmiye oo la Gubay kuwaasi oo uu Sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen Maadaama oo ay Qariyeen Ciddii Falkaasi gaystay isla markaana ay kabohooda Soo Duubeen, Waxaanu ku Booriyay Warbaahintu inay Horumarka Wadanka kala Shaqayso.
Maayar Shucayb ayaa ugu Baaqay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ay ka Waantoobaan Xasuuqa lagu hayo Shacabka Beelaha Direed ee Deegaankaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku kulmeen Dalka Kenya isla markana ay Cabasho ka Muujiyeen Xasuuq ba’an oo Xukuumada Xasan sheekh ku hayso dadkaasi.
Ugu Danbayntii Jaalliyada Somaliland ee Dalka Netherland iyo Ururka Ogaal ayaa Shahaado Sharaf iyo Abaal marino kala Duwan Gudoonsiiyay Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo ay Sheegeen in uu Muraayad uyahay Dhalinyarada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Hormoodka u ah isla markaana Deegaanka wax badan ka qabtay.
 


Mustafe Future
Rotterdam/ Netherland