Maayaradii Somaliland ee Safarada Shaqo ku Joogay Wadanka Finland oo Galabta usoo Anbabaxay Somaliland



 


Helsinki (TNN):- Waftigii Maayarada ahaa ee dhawaanahanba socdaalka kujoogay wadam ada woqooyiga Europe ayaa Galabta ka dhoofay Garoonka Caalamigaah ee Vantaa-Helsin ki Finland iyagoo usii jeeda Somaliland.

Socdaalkan maayarada oo qaatay muddo todobaadyo ah ayaa intii ay Finland joogeen wa xay waxbadan kabarteen habka maamul iyo shaqo ee ay u shaqeeyaan wadamada horum aray gaar ahaan wadamada Europe iyagoo ballan qaaday inay aqoonta ay soo baryteen uga faaiidayn doonaan degmooyinka ay xukumayeen ee ay ka yimaadeen

Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha degaanka deg. Borama Mudane Sale ebaan Hassan ayaa kala ahaa Maayarada Borama, Gabiley Mudane Shucayb Muhamed Mu use mayorka Ceerigaabo Mudane Ismail Haji Nuur iyo Cabdi wahaab oo kasocday shirkad da Telesom Somaliland

Waxa waftigan kusii sagootiyay Goroonka diyaaradaha ee Vantaa- Helsinki Xubno kamid ah Qurbejoogga ku dhaqan Finland oo ay kamid ahaayeen Mudane Ahmed Abdillaahi khal iif iyo Xubnokale oo tiro badan waxaanay waftigan u rajeeyeen inay wadankoodii nabadq ab ku gaadhaan

Ugu dambayn maayarada oo halkaa kahadlay ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyay Qurb ejoogga reer Finland sidii wanaagsanayd ee ay isku barbar taageen islamarkaana ulashaq eeyeen muddadii ay safarka shaqo kujoogeen Finland iyagoo Qurbejoogga reer Finlandna kula dardaarmay wadajir iyo isku duubnaan



Helisinki/Finland