Maareeyaha Guud ee Shirkada Oomar oo sheegay inay taakulo raashin ah gaadhsiiyeen

 


Maareeyaha guud ee shirkada OOmaar International Company(Ominco) Somaliland mr Maxamed Cali Muxumed ayaa sheegay iney deeq cuno iyo raashin kala duduwan ah gaadhsiiyeen Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa,cusbitaalka qaaxada,Xarunta agoomaha Hargeysa,iyo dadka miyiga ee abaaruhu wayeeleeyeen.


Waxanu Maareeyaha guud ee Shirkada Oomaar International Company sidaa ku sheegey xogwaran kooban, oo uu siiyey Shabakda Wararka ee GABILEYNEWS ,waxanu agaasimuhu sidheer uga waramey in deeqaha raashinka ah ee Shirkada Oomar ku ku taakuleyso meelaha baahiyaha adagi kajiraan ee dalka gudihiisa aaney ,ku koobneyn oo kaliya Xarunta agoomaha Gabiley balse,aaney iyagu shirkad ahaan inta badan kasii deynin meelah ay wax siiyaan Warbahinta kala duduwan ee dalak Somaliland isagoo arintaa kahadlayana wuxu hadalkiisa ku bilaaabey sidan:


"Shirkada Oomar International Company ee Somaliland iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda islaanimo,iyo kan qaranba,waxey mar walba diyaar utahey iney tagaabeyso meelaha dadka jilicsan iyo danyartu ubadan yihiin sida Xarumaha Agoomaha Hargeysa iyo Gabiley,Cusbitaalda,iskuulada,madaariska,iyo meelo kale oo badan sida dadka baadiyah ee abaaruhu wayeeleeyeen,waxana aanu bixinaa raashin badan sanadkii mar raashinkas oo isugu jira Bariis,Sonkor,Daqiiq,Saliid iyo Caano kuwaas oo aanu meelah qaarkood sijoogto usiino sida Xarumaha agoomaha Hargeysa Gabiley, Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa,Cusbitaalka qaaxada Hargeysa,sidoo kalena laamaha Shirkadu ku leedahey Magaalooyinka Berbera,Burco,Boorame, iyo Magaaloyin kale oo badanba ayaa iyagana laga bixiyaa raashinkan oo lasiiyaa meelaha baahiyaha waaweyni kajiraan,waana waajib diiniya oo ilaahey ina farey inaan istaakuleyno,had iyo jeerna waxa muhiim ah in meelaha ubaahan lasiiyo sida kuwaa aan soo xusey." Ayuu yidhi Maxamed Cali Muxumed .

waxanu intaa ku darey hadalkiisa iney iyaguna jiraan meelo kale oo shirkada Oomar Company si gaar ah u caawiso isgoo arintaa kahadlayana wuxu yidhi"Waxa kale oo jira meelo kale oo aanu Shirkad ahaan taakulo siino waxana kamid ah, Madaarista ubadka wax lagu baro,Masaajidada,Iskuulada,iyo waxqabadyada D/hoose Sida jidadka iwm."Ayuu yidhi.


Waxa kale oo Maareeyaha Guud ee Shirkada Oomar Company Somalialand Mr Maxamed Cali Muxumed Xogwarankiisa ku sheegay in Shirkadoodu taakulo dhinaca cunada ah gaadhsiiso waqtiyada qaar dadka miyiga ee beeraleyda iyo Xoola dhqatada ah ee abaaruhu saameeyeen isagoo arintaa kahadlaya wuxu yidhi."Shirkada Ooomar Company meelo kale ayaanu taakulada cunada gaadhsiinaa iyo wixii kale ee aanu is nidhaa waxbey kaqaban karaan baahida dadka miyiga ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ee abaaruhu saameeyeen,laakiin waa sadaqad oo runtii in labaahiyo ma qurux badna,inkastoo ay dhiiri galin u tahey in Shirkadaha Ganacsigu iney iyaguna sidaas oo kale caawimada dadkooda jilicsan uga warhayaan una bixiyaan".Ayuu yidhi Mr Maxamed Cali

Agaasimaha Shirkada Oomaar Company Somaliland Mr Maxamed Cali isagoo ka jawaabaya su;aal laweydiiyey oo aheyd iney Shirkadoodu ka qeyb qaadato Dhismayaasha danta guud aa dalka sida Cusbitaalda Iwm maadaama ay kamid tahey Shirkadaha ugu waaweyn ee Ganacsiga Somaliland wuxu yidhi "Runtii mayara kaalinta aanu kaga qeyb qaadano doorak Dhismayaasha danta guud ee ay cusbitaaldau kamidka yihiin,ee ay kamid ka tahey tan qaadhaanka loogu gurayo Dhismaha biriijka Hargeysa ,oo Shirkadu ilaa jabuuti uga howl gashey,ta cusbitaaladana kuwo hore oo ladhisey,iyo ka Gabiley ee hada dhismihiisa lagu talo jiraba waanu ka qeyb qaadaney".Ayuu yidhi Maareeyuhu.

Ugu danbeyntiina wuxu hadalkiisa kusoo xidhey isagoo ka jawaabaya su;aal kale oo ah in shirkadoodu caawiso ama gacansiiso Dhinacyada Xukuumada ,Ngyoda wadaniga ah,iyo Shaqsiyaad kale oo muwaadiniin ah islamarkaana ay dhibaatooyin adagi lasaoo darseen Wuxu yidhi "Dabcan wey jiraan waxananu kamid nahey kuwa ugu horeeya ee arimahaasi aan kahadlin waxana kamid ah,Dhismayaasha wadooyinka ,howalha caasimada dhexdeeda laga qabanayo ee D/hoose,Madaarisaka iyo iskuulada Dowliga ahba". Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.


Shirkada Oomar International Company (OMINCO) ee Somaliland waa shirkada Ganacsi ee inta laga war hayo kalida ku ah iney si joogto ah usiiso raashinka cunada ah ee Xarumaha agoomaha Gabiley iyo Hargeysa oo ay ku xereysan yihiin agoomo badan oo intooda badan kamid ah Agoomihii ka hadhey Mujaahidiintii ku shahiidey Halgankii SNM.


 

 


Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)