Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Sheegay In Ay Dekadu Camirantahay Maraakiibtuna Ay Toos Uga

 


Maareeyaha Dekedda Berbera Somaliland Eng. Cali Cumar [Cali Xoor-xoor] ayaa shaaca ka qaaday labadii todobaad ee u danbeeyey inay Dekeda soo gaadheen Maraakiib-waaweyn oo laga rogay 65 Kun oo tan badeecado ah. Isla markaana ay Dekeda ku soo waajahan yihiin Maraakiib-waaweyn oo uu rajaynayo inay labada sanadood ee soo socda badeecadaha ka soo dega dekedu ay gaadho 1 Milyan tan.
Sida waxa uu Maareeyuhu ku sheegay Wareysi uu siiyey Idaacada BBC-da Laanta ku hadasha Afka Soomaaliga

"Dee waxa weeyaan waadigaa arka oo way camiran tahay Dekaddu, imika waxaanu rognay 56 kun oo Tan 13kii maalmood ee u dambeeyay, sanadkii hore Dekadda waxa ka soo degay 156 Milyan oo tan. Labada Sanadood ee soo socdana waxaanu ku rajo waynahay in aanu gaadhno 1 Milyan oo Tan, taasoo dhaqaalaha wadanka wax wayn ka tari doonta. waxaan u arkaa dhaqaale wadanka u soo kordhaya iyo dhaqaalaha oo kor u sii kacaya." ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo ka hadlayey sida uu yahay dhaqdhaqaaqa Dekeda Berbera ee wakhtigan iyo waxa u soo kordhay amase hoos uga dhacay.

Mar uu Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor-Xoor sharaxaad ka bixinayey Maraakiibta wakhtigan soo gaadhay Dekeda Berbera halka ay ka yimaadeen, waxa uu uu yidhi "Waxay ka yimaadeen Hindiya iyo Brazil, Sibidhka Bariiska ayaa ka yimi Hindiya iyo Pakistan, Ramadaantii wixii ka danbeeyay iyo ilaa imika ayaa badeecaddu aad u badan tahay oo aanu rognay, walina dekaddii way buuxdaa maraakiib kalena way soo socdaan"

"Inkasta oo ay badeecaddu iska badan tahay, Sonkorta ayaa aad u badnaa Koontiidharada, Sibidhka Daqiiqda iyo Saliidda. Maraakiibtani toos ayay uga yimaadeen Brazil halkan ayay ku soo xidheen waxaa leh Ganacsatada reer Somalialnd,"ayuu intaasi raaciyey Xoor-xoor.

Eng. Cali Xoor-xoor waxa uu ku dooday inay jiraan ganacsi ay leeyihiin dadka reer Koonfureedku ay maraan Dekeda Berbera, isla markaana uu soo korayo Ganacsigoodu,"Reer Xamarku Baddeecado ayey keenaan, Ganacsi badan oo ay leeyihiin ayaa mara Dekadda wuu soo korayaa Ganacsigoodu."ayuu yidhi.

Mar uu ka jawaabayey Eng, Cali Xoor-Xoor Su'aal ahayd, Inay Ganacsatada reer muqdisho badeecadaha ay kala soo degaan Dekeda ay u gudbiyaan koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi"Si joogto ah ayay Doonyahaduu u keenaan badeecadaha, Bariis badan ayay Doonyo ku keenaan reer Xamarku, Hindiya iyo Pakistan ayay ka keenaan. Ganacsigan ay Reer Somaliland sameeyaan ayay la sameeyaan. Laakiin toos waxba uma gudbiyaan."

Mar iyana la weydiiyey Su'aal ahdy saamaynta ay badaha Somaliland iyo Dekeda Berbera ay ku yeelatay Budhcad-badeeda ka qawlaysata Xeebaha Soomaaliya waxa uu yidhi: "Horta arrinkaasi wuu jiraa waana Masiibo ku soo korodhay, ma jirto wax saamayn ah oo ay nagu yeesheen ma jirto, waxaanan rajaynaynaa in aanay dhibaatadu nagu soo kordhin."

Mar iyana la weydiiyey inay Somaliland iska dhicin karto Budh-cad-badeeda haddii ay ku soo fidaan Xeebaha dalka, waxa yidhi "Ciidan Badeed ayaanu leenahay, Somaliland badeehadu waa ammaan oo budhcad malaha, xeebaha Somaliland waa ammaan min Bari ila Galbeed, ilaaladooduna waa ilaalinaa, haddii nalaga gar-darraado maxaanu u soo furan waayay haddaa miyaa laga fadhiyayaa, hadii ay waxaasi yimaadaan."

Waxa uu sheegay Maareeyaha Dekedda Berbera inay Maraakiibta siday 56 kun ee tan ay ka rogeen Xamaaliinta iyo Geeleyaasha, isla-markaana marka ay Maraakiib badani timaado ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ku war-geliyaan inay alaabta wax ka rogaan oo dadka kala shaqeeyo arrintaas

Mar iyana wax laga weydiiyey, inay saamayn ku yeelatay ganacsatada la soo dega Bagaashka cashur-kordhintii Wasaaradda Maaliyadda Somaliland."Waxa weeyaan Bagaashka Cashuurtiisa Laba jeer ayay dhintay Wasaaradda Maaliyaddu cabasho badan oo ka taagana maan arag, markaa arrinkaasi wuu iska soo dhamaaday ayaan filayaa."

 

 


Source: Hadhwanaagnews