Maareeyaha Dekeda Berbera oo Ka Hadlay Qorshaha Horumarinta Dekeda iyo arrimo kale

 

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, ayaa warbixin kooban naga siiyay sida ay Dekedu u shaqayso, Dekedu heerka ay maanta marayso, Qorshaha horumarinta Dekeda iyo saamaynta budhcad badeeda ee Dekeda.

Maareeyuhu isaga oo ugu horeyn ka hadlaya sida ay dekedu u shaqayso waxa uu yidhi “Waxa aanu u shaqaynaa si taabo gal ah, oo farsamaysan iyo nidaam dakadeed oo dhamays tiran ayaanu ku shaqaynaa, wixii hawl ah ee dekeda yimaada iyo wixii ka dhoofaya wixii soo degaya, dejintooda, raristooda , nidaamintooda , sida ay u shaqaysana ma soo koobi karo, 24-ka saacadoodna way shaqaysaa” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, isaga oo ka hadlaya Dekedada halka ay maanta marayso waxa uu yidhi “Dekeda waxa aanu soo gaadhsiinay heer deked caalami ah oo Soomaali oo dhan u shaqaysa ay noqoto ayaanu soo gaadhsiinay, qalabkeeda iyo tababarka shaqaalaha halka ay marayso maanta waa meel aad u saraysa, shaqaaluhuna dhinaca aqoonta way ka dhisan yihiin oo waxa aanu la tartamaynaa Dekedaha caalamka”.

Mudane Cali Xoor-xoor isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “Badeecaduhu way is bedelaan , waa tii raashimadu qaali garoobeen , inkasta oo ay qaali garoobeen hadana hoos u dhac caynkaas ahi ma jiro , waxaad moodaa in intan danbe ay badeecaduhu Kontiinaro ku imanayaan, laakiin badeecaduhu way kordheen sanadkan”.

Maareeyuhu isaga oo ka hadlaya Qorshaha horumarinta Dekeda waxa uu yidhi “waxa noo qorshaysan in dekeda la dhiso oo dib u habayn casri ah lagu sameeyo, oo la kordhiyo , mar kasta Dekedu way buuxdaa oo badeecadaha soo degayaa way soo badanayaan weliba wakhtigan, markaa waxa aanu u raadinaynaa maalin gelin Dekeda iyo in deked kale laga ag dhiso”.

Mudane Cali Xoor-xoor isaga oo ka hadlaya saamaynta budhcad badeeda Putland , waxa uu yidhi “Budhcad badeedu waa mushkilad weyn oo ka jirta gobolka oo dhan, saamaynteeduna waxa weeyaan mushkilada jaarkaagu kolay way ku saamaynaysaa, xaga badeecada wax saamayn ah oo ay nagu yeelatay ma jirto hadda”.

Dekeda Magaalada Berbera ayaa beryahan dambe waxa ka muuqda horumar weyn oo ay ku tallaabsatay , iyada oo bulshada reer Berbera intooda badani ay u shaqo tagaan Dekeda oo ay ka helaan shaqooyin.


Source: Somalilandnation.com