MAANTANA MA TANAY XUKUUMADDII LA SHIR TIMID!!

 


Dal hoggaankiisii iyo dadkiisii isla jaanqaadi la'yahay dheh! Dal hawada heehaabayoo hadba jar laga xoorayo dheh! Dal taladiisii caynka iyo beydu u go'een dheh! Shalay ayuunbay ahayd markay ummaddu ku diirsatay go'aamadii ka qaybgalka shirkii London ee Bishan todobadeedii iyo kii xigay ee ku wajahnaa qaraarkii UNDP-du hawada Somaliland ugu wareejisay dowladda Soomaaliya ee gacan ku remiska ah.

Maxaa is bedelay? Ka dhexmuuqashada shirka maalgashiga Soomaaliya maxaa inaga khusee ya? Muxuu se kaga duwanyahay kuwaynu hore u diidnay? Sawir dibloomaasiyadeed oo aad u fuulxun loona baahanayn ayey dhacdadani dalka u soo hoysay, waana mid aan laga filayn xukuumadda Somaliland. Raadraaca dhacdooyin hore ayey arrintani ku xidhiidhsantahay e akhristoow xidhiidhiyahayn isdultaag:

http://www.viewdocsonline.com/document/pshynp.


Bal dib u milicso xiligaa iyo xaalka ummaddani muxu ku sugnaa? Arrintu wasiirka Arrimaha Deb edda iyo danjire Maxamuud Jaamac sifir kuma koobna

Waxay ahayd bishan May 11, 2013 maalin ay isku beegmeen xaflad Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelku lahaa iyo xaflad xukuumadda Soomaaliya lahayd. Haddiiba ay dhacday in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Xusseen salaamay madaxweynaha Somaaliya ayaa waxa mar keli ah oogsadeen oo sidii dhurwaa raq arkay wishiiri bilaabeen Wasiiradii xukuumadda iyo hawl wadeenadii Xisbul Xaakimka. Qayladii iyo sawaxankii ayaa cir iyo dhulba isqabsaday. Xaqiloow la ina xaraash; fadhi inooma yaale ka kaca!!

Waxa weerarka xukuumadda ugu horeeyey Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid waxa ku xigay Md Abiib Diiriye Nuur-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta;l docda kalena waxa hadalo liitaa ka soo yeedheen wasiir Xirsi iyo Aw Geel Jire kabtii uu sheegi jiray isna xaga madaxtooy ada horteeda ka soo murgugaaf. Isla qaarkaloo darjiidhsan oo sidii dhidar onkod kiciyey had ba meel ka soo xareediye!!.

Sikastaba ha ahaate wixii Md. Faisal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, lagula dul kufay maxaa ka danbeeyey? Runta hadddaynu isu sheegno Faisal ma aha nin masiirka iyo mustaqba lka ummadda Somaliland dhaafsanaya shilimaad iyo luqmad dhuunta la mariyo. ayaan holladay in aan miyirka iyo maanka dib ugu soo dabbaalo. Cidda


Waxa ka danbeeyey oo ka horeeyey in madashii la yidhaa Soomaaliya ayaa loogu qaraamaad ayaaba la dhex kambadhuudhsado iyadoo karaamadii ummadda dhulka la jiidayo. Kuwa xukuu madda dalka ka talisaa lagu aaminay hadba gidaar kula dhuumaalysanaysaa, kii madaxda u ahaa isagoo hadaaqaaya wuxu yidhi:

"..WAXYAABAHA AAN IS QAABILAYNIN OON IS IMANAYNIN WAA LABO, MIDNIMADA DADAA U TAAGAN, U DHIBAATOODAY, U RAFAADAY, QAARKOOD LABAANTANKII SANEE INNA SOO DHAAFAY AYAY ILMAHOODII KALA LUMEEN OO KALA TAGEEN, OO WELIBANA KU AD-ADAG MIDNIMADII, MAALINTII SOMAALILAND TIDHI WAAN GO'NAY AYAY KA SOO GUUREEN OO KA SOO TAGEEN RAG IYO DUMARBA OO YIHDAAHDEEN WAXAASI SHAQO KUMA LIHIN, OO WELI DADKAASI U TAAGAN YIHIIN MIDNIMADII.."

Horaa loo yidhi ninkaad kab ka tolanayso kabtiisa la eega. Soomaali koonfureed dadka hogga anka u hayaa caqli iyo garaadba sidaas ayey uga arradanyihiin oo kuwii lixdankii aynu ku khasaarnay iyo kuway dhaleen waa isku shinni oo waa dar aan weligood waxba iska doorin.

Yulqankan ka soo yeedhay duq Aw Xasan Gurguurte intaa kuma koobnayne, waxa u haddana yidhi isaga oo weli sii duryamaya:

"..MASALADA NA HAYSTAA WAXAY TAHAY KAAS MIYAAN EMPOWER GARAYNAA OO AAN NIDHAAHNAA SOCO MAANTA AYAA MIDNIMADII LAGA HADLAYAAYE, OO NIDHAAHNAA MAANTA NIMANKII SHALAY MIDNIMADA DIIDAY ADIGU LA SOO HADAL, MISE MIDKAN GOONI ISU TAAGAY EE INTUU GABBAL YAR OO SOOMAALIYA AH GACANTA KU QABSADAY LEH, XAGGAN LA TAAGANAHY, EE LEH ANNAGU SHAQO ISKUMA LIHIN WAANU KALA TAGNAY DHAHAYA AYAA LA SOO SASABAAYOO LALA SOO HADLAAYOO, LA SOO KEXEEYAAYO LAGU CELIYAA HESHIISKII IYO XERADII MIDNIMADA.."

Waxaynu maqlaynay maalintii 18 May 2013 ee dabbaaldeggii qarannimada Somaliland shakhsi gaa madaxnimada sheegayna wixii afkiisa ka soo yeedhay iyo hadladii anshax dibloomaasiyad da iyo akhlaaqda bini aadamkaba ka arradnaa.

Waxase ka liita kuwa abuurta noocaas ah daba kedlaynay hadh iyo habeen iyagoon waxba ka soo kordhinayn. Qaramada Midoobay innaga oo halkaynu maanta joogno meel ka hoosaysa m araynaayey inna muquunin kariweyday; cid la sandulaynayo iyo wax la isku qobtolayona war keeda weynu ka soo gudubnay. Waxa la gudboon xukuumadda Somaliland in ay isku kalsoonaa to sharafta iyo haybadda ummaddana dhowrto, kana waantowdo in ay gacmaha hoos hoors ato kuwaa dewero ku noosha ah aa aan if iyo aakhiro midna magac ku lahayn.
 

 



Axmed Cali Sabeyse


May 29, 2013