"Maanta Somaliya Ma Midaysna, Laakiin Waxaanu Doonaynaa Inaanu Midayno, Waanan Midayn Doonaa, Waxaanu Ku Midaynaynaa Nabadgelyo”




Doxa,Qatar(TNN)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay midnim ada Somaliya dawladiisa u tahay qorshaha koowaad, waxase uu ku celiyay dhawaaq uu tiraba toban jeer in ka badan yidhi oo ah inaanu doonayn inay midnimadii Somaliya ku soo noqoto daga al ama cadaadis diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xasan, oo habeen hore marti ku ahaa qaybta daraasaaska ee Aljazeera ee dalka Qatar, ayaa waxa lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo la xidhiidha Somaliya iyo dhibaatooyinka ka taagan. Mid ka mid ah dadkii martida ahaa ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aal la xidhiidhay Somaliland, waxaanu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, ku jawaabay, “Midnimada xuduudah a dhuleed ee Somalilya waa noo muhiim, waana ahmiyadayada..”

Madaxweynaha Somaliya, isagoo hadalkiisa sii wata islamarkaana u muuqda inuu dhulka is dhigay o wuxuu raaciyay, “Maanta Somaliya ma midaysna, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu midayno, waanan midayn doonaa. Waxaanu ku midaynaynaa jid nabadgelyo, ma doonayno inaanu ku mida yno cudud milatari ama cadaadis diblomaasiyadeed. Waxaanu doonaynaa inuu wada hadalka somalidu dhaco.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo u muuqda nin afqaboow, ka sakow hadaladiisa oo ugu tallo galay inay dejiyaan dareenka dadka reer Somaliland, wuxuu wadaa dhaqdhaqaaqyo diblom aasiyadeed oo ay dawladiisu ku doonayso inay ku soo ooddo xidhiidhada ay Somaliland dunida la leedahay, geesta kalena wuxuu ka wadaa wada hadalada ay Somaliland kal hore la bilowday Som aliya.

Waxa laga warqabaa in xataa ay dawladiisu ay ka daba tagtay dacwadihii ay shacabka Somalila nd ee qurbuhu ku oogeen raggii ugu sareeyay taliskii Maxamed Siyaad Barre, sida Maxamed Cali Samatar oo isagu ahaa ninkii bixiyay amarkii lagu duqeeyay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, islamarkaana lagu laayay shacab aan waxba galabsan. Warqad uu dhawaan Raysalwasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon, u diray wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa wuxuu kaga codsaday in xasaanadii loo soo celiyo Cali Samatar, oo uu ku tilmaamay geesi dalkiisa difaa cayay. Talaabadanina waa mid muujinaysa cadaawada Somaliya.



Source: Geeska