MAANSO LA MAGAC BAXDAY DALUUN

Marka hore waxaan salaamayaa Umad da Reer Somaliland, si gaara Timacade News Groub iyo hawl wadeenada sharaf ta naga mudan.Idinkoo iga raaliya waxaan halkan ku soo lifaaq ay maanso la magac baxday (DALUUN). Waxay igu dhaltay habeen dhawayd oon daawaday waxa ka dhacaya dalka, markaa fadlan ila eega.

 



1-Aduun yada Haddii Maxamdoow
Daacad laga waayo
2-Dulmigiyo markay kugu bataan
Daalim fara hoodu
3-Qof waliba markup koob darsaddo
Xumo intuu doonou
4-Sheekhii subaxa daakiray markuu
Dakharku soo gaadho
5-Waxay indhuhu diidayaan haddii
Daramal loo yeedhsho
6-Dareen kuna markuu ciil ku bado
Doogtu kugu taalo
7-Ilayn waan ka durug taa xihaal
Diiday talo fiican

*******
8-Marka ay Dilaal iyo malaal
Duminyayaan taada
9-Marka uu daciif iyo nin xumi
Kugu ba soo duulo
10-Daafaha markay kaa shidaan
Dabin na kuu yaalo
11-Duur joog sideedii markuu
Gaadh ku daba joogo
12-Waayeel dareen iyo ka tagay
Deris xaquuq diisa
13-Dumar kiyo caruur tiyo markay
Maatidii dubato
14-Dubjir kiyo markii lays ka nacay
Duul ka lagu dhaato
15-Dumbuqiyo haddii loo cuskado
Balo dayaamaysa
16-Ilayn waan ka durug taa xigaal
Dumiyay reer kiisa

*******
17- Sharcigiyo Distoor kii markay
Madax di diidayso
18- Diin tii islaam nimimo Markuu
dacal ka dhaafaayo
19-Damqasha da xanuun ka leh markuu
kugu ducduucaayo
20-Marka ay duqaydiyo wax garad
Kaa durdurinayso
21- Marka uu kadeed kugu dirqiyo
Wixi aad diidaysay
22-Danyar tiyo masaakiin markay
Gaajo dubanayso
23-Marka ay dayawday cidlada
Kali dawaafayso
24- Da,artiyo aqoon tiii markay
Damal ka hos jiifo
25- Marka ay dhamaan kala dudee
Damac horseedaayo
26- Marka ay wixii shalay ku dilay
Wali daryeelayso
27- Marka ay qabiil iyo wax daran
Daahir lagu faano
Ilayn waan ka durug taa xigaal
Dumiyay reer kiisa

*******
28- Dimuqraadi naafa ah markuu
Ehel ku doonaayo
29- Tagoogaha markay duuba tay
Diido tamar teeda
30-Dibadaha markay tuugsadaan
Gaal na daba roor to
31- Guga iyo Dayrtaba markay
Beerti dayi wayday
32- Dalag gii inoo baxay markii
Baaho laga door tay
33-Marka ay dulaan tay qurbaha
Badiba doonayso
34- Dahab kii inoo kacay markuu
Bahal dilaalaayo
35-Dayro dhaaf ka jiilaal markay
Ubad ku soo dayso
36-Marka ay wixii ii darnaa maan ta
daba joogto
37- Darxumada markay quud-satee
Dhiiga laga duugo
38- Kalyihiyo markay doorsadaan
Beer ka dacal kiisa
Ilayn waad dulawdaa markaad
Garashadii dayso

*******
39- Marka ay dunteedii nacdee
Diirka wada siib to
40-Marka ay dulawdee dhamaan
Madaawga diidays
41-Dhago aan dalool laayn markay
talada kaa diido
43-Kol haday dulaan tooy mar kale
Daasad dii tumatay
44-Dumar kiyo caruur tii haddii maan ta
Lagu duulay
45-Kol haday dhalaan kii dubteen
daris kii naafoobay
46-Kol haday duq-qaydii aqoon maan ta
wada duugtay
47-Kol haday dareen kii naceen
dawlad nimo taama
48-Kol haday digadi nagu hursheen
Qiiqna daba joogo
49-Daran doori ceebaha hadday
Door kan ku heshiisay
50-Haddii ay dariiqii mar kale
Dib u halabayso
51-Duligii na soo maray hadday
Dib uugu xiisootay
52-Taariikhda duuga leh haddaan
Cidiba daymoonin
53- Dooxaa Hargaisiyo Berbera
Saaxail dacal keeda
54- Dixidii Togdheer iyo Saraar
Buurta daraf keeda
55- Bardihii dariiq yada ku yiil
Damashi hawd koo dhan
56-Kol haday dubteen kaymihii
Dhibad na loo dhoofshay
57- Saw inay Dabayluhu kacaan
Damacu muu keenin

*******
58- Saw inay daruur tii cirkiyo
Dooxu gudho maaha
59- Saw inaan dhunkaashii dalbado
damacyu muu keenin
60- Saw inaan sidii duul falay
Garasho maan dayrin
61-Saw doraato raad kaan dhiguun
Dib uuma soo laaban
62-Saw daluun taan shalay ka baxay
Daaqad kama muuqan
63-Saw dhakaharadii nagu dhaciyo
Doog tii ma ilaawin
64-Saw dumaasha halkii lagu ahaa
Maan ta lama doonin
65-Saw doraato reer kii ambaday
Dib uuma heensayna
66-Saw rugtii hore layga digay
Cagu kumaan doona
67-Saw inaan dadnimadii hagrado
Anigu maan dooran



 

Abdulkhaliq Ali
S.Arabia