MAANSO LA MAGAC BAXDAY ( DOOD QARAN)

 


Marka hore waan idin salaamay dhamaan Timacade Groub iyo hawl wadeenada, sharafta nag a mudan. Idin koo iga raali ah, waxaan caawa halkan ku soo lifaaqay Maanso la magac baxday ( DOOD QARAN) Waxay aragtedaa ka dhiibanaysaa , in wada hadal ka lays ku fahmo, meel la wada hadli waayay na dhibi taalo. markaa ila eega,



waana mahad san tihiin
Abdulkhaliq Ali

 

 


Dig deh faras kii doolaal
Geenyaday ha danan tee
Dabar adag ku soo jiid
Waa intay dulaan too
La fogaado damacuye
Dakaan ka iyo Orod kaba
Yay daalin maansadu
Damqa-shada xigaal kiyo
Dan yartaa abaar saday
Dhaxal keenu duuga ha
Taariikh du yay dadin
Digtoonina ma moogaan
Dareen keenu waa meel

*****
Daaman kaa afkeeniyo
Carrab kaa is diidoo
Dagaal uu dhex joogaa
Kolba kii dadaal badan
Dab ka saara kii kale
waa duniyo xeel keed
Man doorsho waayuhu
Dad wuxuu heshiiyaa
Doonidu sabay saa
Marka uu dareen kiyo
Damacuba midoo baan
Daldalool ka baahida
Loo duur xulo xaqiiqada
Dan ta guud la magan sado

*****
Dimuqraadi nimadiyo
Dawlad magacu waa xeel
Waa dariiq banan oo
Lagu daray garaad kana
Sharci loo daliisha day
Dulmanaha xaqiisiyo
U adeega maatida
Nin ka doob ta soo rida
Dabar weeyi lagu xidho

*****
Wax daboolan bay dilay
Diir ka aan ka qaadee
Dildilaac sho maan sada
Hadaan hoos u dada goo
Qaran nimadu waa dagal
Dalad weeyi gabi geen
Dusha sare cad ceediyo
Kaa daayra bahala ha
Wixi deeqa reer kaa
Dantu ay ku nagi-da hay

*****

Dabaylaha hor tood baa
Daad ka lays ka moosaa
Duun yadu dhamaan teed
Duur jog tu gabai geed
Dareen koodu waa meel
Dalool kaa sankooday
Garashada ku days-teen
Shisheeyaha ku didaan
Ku diraan fariimaha
Waana deeq ilaahay
Dusaha sare ka maamulo

*****

Sida diin tu nagu tidhi
daliil keedu mudan yay
Doodu na wadaag bay
Ku dhashaa dareen wacan
dadku wada heshii yaa
DALEEDAH A BAAN IYO
LA DUUGAA XUMAAN TABA
QOF KA DIIDAY KALIGII
DARIIQ YADA KA SOO XIDHA
WAA DAREEN COLAADEED
WAA DIKTATOR MAGACUNA

*****

Dareen kii shalaty tee
dadku wada midoobeen
Dhusha sare lasoo dhigay
Milil kii ku daah naa
Daab gudimo loo helay
yagleelay dagal madhan
Dab ka loogu shiday meel
Hasheenii la duud sayay
DABAR KII RAG BAA JARAY
Deeq ilaahay weeyee
Wanqasheedi la dilay
Labeen tii dusheeniyo
Doob yadii inoo kacay
Intuu diirku waligeen
dareen kiisa moogayn
Diric yana u maqan yiin

*****
Waa deel bilaw gii
Waa dareen u jeedo leh
Waa dadaal aqooneed
Waa digniin ti waayeel
Waa daris la soo maray
daratiyo kud weeyaan
Waa garaad la door saday
Waa damac xumaan wada
Doqoniimo urur tiyo
Waa dulaan qarsoonaa}
Halka Maan ta lay Dagay

*****
Dooc iyo Dareen lei
Dambi maaha waanadu
Dilaal kiyo Malaal kuba
Waa laba is daba yaal
Daayacay ku badi yaan
Dabin aasan baa jiray
Diga hoos ka noolayd
Dul ka muumin kaa badan
Dayro dhaaf ka jiilaal
dan yartaa gidaarada
Maatidaa la daayacay
Sida duunyo BAAYE
BAHALUHU DUL JOOGAA
Daad xoor ta socotiyo
LOO DHIGAY DABAYLAHA
DAWLADOODII YAA DHACAY?

*****

DUQA MEESHA JOOGIYO
JALAYAASHA DIRANOOW
FARTA MALAB KA HAY DARIN
HA DALDALIN AQOON TII
BAAHIDA NIN LIHI DAGAY
NIN KALENA U DOOG DHABAY
DABA TADU KA DHEERAYN
DARMO BAHAL KU LAABIN
NIN KAN DADAB KU GALAYOOW
DUQDU WAY LAMAANAYD
MANA DAALIN KII QABAY
HA KU DAGAN DURBAANADA
MA DHAMAANI DIRIC YEE
QAAR BAA DAHSOON WALI

*****
DEELAY WARKEEDIYO
DARUUS WAA NALOO DHIGAY
DUQAYDII AQOON TIYO
WAAYEEL KU DAALEEN
DURUUF TII ADKAYD IYO
DAMBIGII QARSOO NAA
RAGII DOOXAY MAASHII
NABAR KII LA DADI JIRAY
DACAL KAAN KA DHAAF NOO
NAMAY DEEQIN WAANADI
DUUF LAAL KU GARASHADA
DIBADUU KA JOOGAA
RAGII DIGADA IIB SADAY
DABAS KIINA MEEL DHIGAY
NIN KII AWR KA DAAWADAY
SAMA DAA DUSHEENIYO
DAAQAAYA MEEL DHEER
DAMBI IYO XUMAAN IYO
DEEL QAAF WUXUU GALAY
DARA JANA KU RAAD SADAY
DABIN WAAYO LOO DHIGAU
DAF MA YIDHI HABEEN NIMO
GAC-MIHIISA DOOR KANI
MA KU KIIJAY DABAR ADAG
MA DAREEMIN WAAYEEL
WIXII DAMACU BADAY QAAR
DAAWA NAAYAY DHIILADA
MAAN TA NA DAYAAN KIYO
DILDILAACA QAAR BADAN
DABAY LUHU HA WARIYAAN
dambigaa nin kii qaba
taariikh da duuga ah
ilaa daaim abid keed
Dakanaa ku maqan hooy
waana lays ka daba iman
 

*****

 


===========