Maansadda Daryeel oo uu tiriyay Abwaan C/raxman Cabdi Cismaan (Caanaqaybshe) dhugasho haboon

 


 

Waxa mahad iska leh allaha addoomaha kumannaystay maskaxda iyo murti-abuurka, una raacshay bayaanka iyo qaab-tebineedka habboon, ummadana kayeelay mid qadarin  gaa ra u haysa suugaanta.

Intaas kabacdi, iyada oo suugaantu ay tahay muraayad ummad waliba ka dhex aragto  d haqankeeda, ayaa lagu tilmaami karaa suugaanta soomaaliyeed kuwa ugu ballaadhan  ug una baaxadda weyn,dhinac kastabe ha ahaatee.

Hadaba waxa kamid ah dadka ilaahay hibada usiiyey abwaan C/RAXMAAN CABDI  CISM AAN (caanaqaybshe) oo kunool carriga maraykanka, maansooyin bandanna curiyey mud ooyin kala duwan.

Hadaba iyadoon idiinsoo gudbindoono maansooyinkiisa badiba ,ayaa waxa u horayn  doo nta maansada DARYEEL,sida uu sheegay abwaankuna soo baxday oct-25-2008 kii ,uuna ka tirshay xaflad wayn oo lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota usa .

Sida abwaanku tibaaxay maansadu waxay ka hadlaysaa afar shay oo kala ah diinta,dawla dnimada ,dadaalka bulshada iyo dad la dhaqanka.

Maansadu waxay ku socotaa xarafka D, waana tane ka dhugta.


 

 

Deelleyda maansada

dulucaha dahsooniyo

daafaheeda daalacan

dibnahaan ka jarayoo

debedaan ka tagnaa

maan daliilin waayahan

********
damaqbaa se igu riday

inaan dawga loo maro

dib usoo bidhaansado

kol hadaan dayaanshana

dawan baa kabaxayee

dayaxaw bal daabacoo

********

dadweynaha guddoonsii.

Sida duhur kaliileed

Oo duruuftu badantoo

dadku wada rafaadeen

daruur loo sugaayaa

Daryeel loogu baahnaa

********
Diyaar garawga badiyoo

Dardarsada biyaha da,ay.

Maansada duxdeediyo

Afartaasi waa deeq

Dabci gabaygu leeyahay

dar kalaa se ii hadhoo

********
damiirkaygu doonaye

bal aan hoos u daadego.

Diintu waa digniin culus

Iyo dabar addoomeed

Waana deeq ilaahayoo

Dadka ay usimanyiin

********

waa dardaaran waynoo

nebi maxamed daayimee

dacal yaad ka dhaafine

daymadaada la ogow

dariiqii rasuulkii

iyo dawgii uumaray

********

dastuurkeenu weeyaan

danni yaanu kaagelin

daacadnimo ku maamus

haka keenin dood furan

duul horaa ku dabar go,ee.

Maansada duxdeediyo

********

Afartaas waa deeq

Dabci gabaygu leeyahay

Darkalaa se ii hadhoo

Damiirkaygu doonaye

Bal aan hoos udaadego.

Hadaan dawlaldnimo jirin

********

Dayacanyiin danaha guud

Sharwaduhu dillaal haloon

Danbiilaha lasoo qaban

Dookh malaha noloshuyoo

ninna diirsi kama helo.

Hadaan dabagal lagu hayn

********

Xilka kii ladoorbiday

Uu danaysto keligii

dulli weeye taasiyoo

dulmibay ka kaw tahay.

Hadii aan duruustiyo

Dabarjarida jahalkiyo

********

Dugsiyada la xoogayn

Oo dadaal gaara lagu bixin

Oo damanaantu badantahay

Dib ugurasho waw halis.

Hadday diriri shidantahay

Ama dogobyo waa wayn

********

Iyo doog lakala qaboon

Da,wayntiyo nin daacad ah

doodooda loo dirin

dib uun bay ka oloshaa.

Maansada duxdeediyo

afartaasi waa deeq

********

dabci gabaygu leeyahay

darkalaa se iidhoo

damiirkaygu doonaye

bal aan hoos udaadego.

Duni waa ayaan badan

Dumar maqalku waw door

********

dani seeto weeyaan

docdocaynta dariskiyo

deelqaafku waa ceeb

duullaanna kaba daran.

Diini camal fal weeyaan

daandaansi waa kibir

********

maamul daacadbaw sal ah

diihaalka gaajiyo

dabaylaha abaaruhu

danbibay ka oogmaan.

Ruux walaalkii duudsiyey

dacarbuu kadheefaa

********

namay dihatay hooyana

marar waa dayoobaa

hadaad daganto dhawr jeer

darsi baad ka barataa

hadaad dabin kabood tahay

mar uunbaad darxumo mudan.

********

Afku dalab malaasimo

haduu uurku daahiro

dulka xaadsi weedhiyo

dulmar hadalka kiiwacan

digashiyo dardaar werin

midna hawgu duur xulin

qofku doojay weligaa

adiguna ha daayicin.

 

Midhihii Abwaan: C/raxman Cabdi Cisman (Caana-Qaybshe)
USA
Email: cabdiraxmaanc@hotmail.com