maansadan waa maanso cusub [nin iyo geed]

 

Waxaan salaamaya dhamaan dad waynaha reer soomliland iyo shaqaalaha webka [Tima cadde ]. waa maanso waano iyo tilaamo ah jiiftadani waxa ay u socotaa habka laba dhaca oo ay isu raacraacsantahay waxay ay soo baxday 21-2-10 waana jiifto gaban waxa uu yidhi

xiliyadan gudaayiyo
waayahan gabaabsiyay

gabanada is bidayiyo
waayeelkan gamashiyay

garawshan la diidiyo
gartan laysku wada furay

goobalayda leelada................[.leelo goobalay]
gododkeedi laga raray

gurdankiyo gabaaraha............gabaara gurdays]
geel-jiraha loo diray

gocashada xusuusaha
hadba geesi soo faqay

gudbiyaha u jeedada
goldoloolo sii baday

gasariirka ciil qabe
garan waayay tiisii

gujisyada cadaawaha
gaargaarka ula faqay

gunimada nin qaayibay
gaashaanka loo yahay

kala gurasha joogtiyo
gaboodsiga xumaatada

runtan gaabinaysiyo
beentan orodka giriflayn

guraabaaska muuqdiyo
gaydhiyo dabaylaha

garan-waaga faalada
guntimaha ka daydayay

gooxaaligeediyo....................[.booxaali ]qasab baa jira
hadba gacan togaalayn

gulufyada la dirayee
hadba geedi loo raro

galbisyada la wada.een
gaaf loo samaynayn

gaaleefta madhanee
galka lagu dahaadhsaday

gudasha xil-li,idee
amaan loogu goodiyo

gurbiyaha xaqeedee
wali gaajadii qaba

shanta laba ku guurtee
la gadmaday boqoolaha

toban toban gufaysoo
wali raacdo dheer galin

gabaarayda xaandiyo
gafanaha ku hoos jira

muska layska gurayiyo
gaadaha balaysimay

sahankeedan gudhan iyo
gabaahiir u toydaha

guunyaday xerinaysee
ceelalyadu u sii galin

gabanada ka baydhiyo
gadh madoobe uga hadhay

gocosyada dhacaayiyo
gahaydhii u yeedhyeedh

kunka goonyahiisiyo
sagaalkii gantaalood

lixda eber godkoodii
maantay ku guurtaa

galaayuuska muuqdaa
wa galab carowgii

isla garashan waagii
falalkii guyaal hore

wali maan ku gaasirin
garaabiido iga dheer

wali raadka guridiis
guutooyin baa jira

hangoolkiyo sidii baan
gudintii u haystaa

hubsiimadu ged weeyaan
miyir lagu gardaadshaa

fudayd baa gawaan dhiga
qof ka giigay waanada

gaawaad u sidataa
galoof iyo hal gudhana-ah

naasaad gujinaysaa
godolkoodu wali yahay

nabad baad ku goohdaa
dulmi baa gondaha dhigay


godob baad tirsanaysaa
kii galayna maba oga

ehel baad ku goohdaa
nacab uu gardaadsaday

waxa aan ku gaabsaday
gabaygana ku soo xidhay

doraad gaabiskaagii
yaa haadku kugu gigay

shalay gogol dhigaagii
maantaba ku godob beel

kal garo nin iyo geed
gayigiyo dalkaba eeg

nafo layska guryiyo
maaha geeri joogtee

food baa la galaya
guushu ay hadhsanaysa

dhamaad hadaan wa qalday waa shaydaan iyo naftayda hadaan saxayna boqorka kili ahaaday baa mahadi u sugantahay

 



qolqol3@hotmail.co.uk