Madaxweynaheennow
Adigoo martaba iyo
Maamuus ku ladhanoo
Magacaagu weyn yahay
*****
Inkastood mashquul tahay
Murtidii horeetiyo
Midh aan kuu tilmaamee
Iga maqal dhegtaa midig
*****
Mansabkaa aad haysaa
Meel uu gaadho Aadmigu
Madaxiisii weeyaan
Waa maamulkii guud
Waa Muraayaddii qaran
*****
Haddaan mowdku kuu iman
Lagumaba mashquuloo
Adduun maalmo weeyee
Magacaagu yuu dhiman!
*****
Maalintii qiyaamee
makhluuqaadku soo baxo
Macsharkana la joogsado
Ninba maalkii loo diray
Isagaa mas'uul ka ah!
*****
Madaxnimo nin doontoo
Muuneeyey Aadmigu
Ummadduu maseeyoo
Maxasteeda koriyaa
Meel loogu dhiibaa!
*****
Hadduu madhiyo xeedha
Murdis aanu reebeyn
Inta murugo joogtiyo
Midh subxaanalaa dhacay!
*****
Murtidii horaa tidhi:
'Ama waa la muuqdaa
lagu muuno leeyahay
Ama waa la maqanyahay
oo madasha lama tago'
*****
Maalmahan warkaan helay
Muran baa aloosnaa
dalkii waa madow yahay
Mugdi buu ku sugan yahay
*****
Meeshii u taagnaa
Iyo macnuhuu lahaan jirey
Maylal buu ka hoos maray
*****
Haddaan maanku talinoo
Miyir iyo dulqaad jirin
Muruqaa adeegoo
Madaafiic la rido iyo
Margashaa timaadee
Ayay kaa maroorsamin!
*****
Maaraynta guudiyo
Midhka kama dambaysana
Madax lagama boodee
Adigaa Mas'uul ka ah!
*****
Adigoo martabo iyo
Maamuus ku ladhanoo
Magacaagu weyn yahay
*****
Inkastood mashquul tahay
Midh aan kuu iftiinshee
Iga maqal dhegtaa midig
*****
Oday soo mirqaamiyo
Hadba kii muraad lihi
Yay maqaaxi kaa furan!
*****
Maakhadaha wareegee
Muslim kala dilaayiyo
Nin madiilo haystaa
Minankaaga yuu iman!
*****
Abwaan magac lahaayooy
Murtidiisu weyneyd
Wuxu maalin hore yidhi,
*****
' Magacaagu yuu noqon
mid xumaan ka marag kaca!'
*****
Midhadhkaa abwaan yidhi
anna waxan ku sii maray
*****
Magacaagu yuu noqon
sidii Maxamedkii tegey!
Mid makhluuqu kaaraho
*****
Magacaagu yuu noqon
Maqaarsaar la liidiyo
Mudutuul sideedii
Maryuhuun ka ruuxiyo
Middi aan wax gooyneyn
*****
Magacaagu yuu noqon
Mid aan muunad wadanoo
Hadba kii muraad lihi
Mafrashya ka baayaco!
*****
Madaxweynaheenow
Inkastood mashquul tahay
Midh aan kuu tilmaamee
Iga maqal dhegtaa midhig
*****
Musuqmaasuq baa jira
Rag baa maalkii xabsaday
Haddii aanad maarayn
Oon maxkamad la saareyn
Maalintaa qiyaamana
adigaa mas'uul ka ah
*****
Maatida la qadidiyo
Masaakiin la boobiyo
Ruuxii madluum ihi
Magan Eebbe weeyaan
*****
Midhka ay yidhaahdaan
Moowle wuu ajiibaa
Ee abidkaa ka meermeer
*****
Madaxweynaheenow
Maamuuska guudiyo
Maridii casaydiyo
Milatari la fayshaa
Masaakiin ma koriyaan!
*****
Dumarkoo mashxaradiyo
Mashaariic la furayooy
Maqas kuugu dhiibaan
macno yeelan maysee
Halka ay ka murugtiyo
Maaree amuuraha
*****
Dadka waa masaakiin
Midhihii ma soo bixin
Maalku waa ka gudhan yahay
Mushaharada la qaatiyo
Masaariif la siiyiyo
Qaar baan maal u xaadirin
*****
Meel aan maylba ku jirin
Maqashaa jaqaaqdoo
Maaxdii biyood baa
Maylal loo arooraa
*****
Maceeshaddii la cuni jirey
Rag baa maal ku baayacay
Milyan bay dulsaarteen
Macaluushu waa mush
Magaaladu wareer bay
Madaxii is-haysaa
Miyi waa ka daran yahay
*****
Nin magaalo joogoo
Muunidii baxaayoo
milicdaasi joogoo
Aan masruufka soo helin
Miyirkii ma joogee
Yuu kugu miraaqoon!
*****
Madaxdaasi wadatiyo
Moodhadhada isdhaafee
Malyuumaad la siistiyo
Martiqaadka dhacayaa
Waa nagu masaabiir!
*****
Mahiigaanka hooriyo
mayaygaa da'aayaa
Inta maalka haysiyo
Madaxtooyaduu helay!
*****
Madaxweynaheennow
Maskaxdoo la shiiliyo
Miyir baa wax dhaliyee
Magacaaga kii diley
yuu muraayad kuu xidhin!
*****
Maankaaga yuu xadin
Meerayaasha meeriyo
Maaristaa dusheeniyo
Yuu maluugta kuu dirin!
*****
Madaxweynaheennow
Ruuxii mucaaridee
meesha kaa qarsooniyo
Maaley arkaayee
Murti kuugu sheegaa
Ma masaajid buu gubey?
*****
Hadduu miidhiyuhu qoro
Macne kaa dahsoonaa
Manfac buu ku siiyee
Waa lagu majiirtaa
oo mahad looga celiyaa!
*****
Mudac iyo maxaadhiyo
meel madiil u baahnayd
Miftaax aan furayniyo
Ha ku dayin majarafado!
*****
Waxad Miridh daweysaa
Muran jiitamaayiyo
Mashruuc aan dhammaaniyo
Yuu maalmo kugu noqon!
*****
Midhka aad saluugtee
Maankaagu diidana
Ka mashiiqso abidkaa!
*****
Madaxweynaheennow
Mashkax baa la qaataa
Maaleeyda hoosiyo
Mililkii qarsooniyo
Lagu mudo halkii daran
*****
Maalmahan la soo maray
Intan maamulkaa jirey
Waxaan laba malayniyo
Midh Subxaanalaa dhacay!
*****
Habartii Marooree
Soomaali malagtee
Miyaagaasi joogtaa
*****
Iyadoo mutuxanoo
Maryaheedii tuurtaa
Rag magaalo keenoo
Miidhiyahay ka hadashaa!
*****
Inta maanku liitiyo
Ma shaqaystayaashaa
Masaariif ku raadshee
Mooradaada hoosiyo
Yay minanka soo gelin!
*****
Mansab ay helaaniyo
Rag bay maal ku raadshoo
Meherkeeda hurayee
Masruufkay cunaysiyo
Yay Marriinka kaa helin!
*****
Waxa igu maqaala ah
Oo maankaygu diidaa
*****
Milixday ku darartaa
Meel aan kaa fogeyniyo
Intaad miis wadaagtaan
iyo madaxtooyaday taal!
*****
Madaxweynaheennow
Masas baa hulaaqoo
Muska reerka joogee
Malmal iyo mawaba doon
Micidoodu yay cunin
Maatidiyo carruuraha!
*****
Mici weyne aarkuba
wuu kala mitibiyaa
Ninka malab waraabshiyo
Ka mariidka soo sida!
*****
Ha masaynin adiguna
Mujrimkii ku dagayee
Magacaaga dilayiyo
Mukhliskaan wax biinayn!
Wa bilaahi At-towfiiq
|