Maansadan dalxiis waa maanso wadaniya kana wa r amaysa badi gobolada iyo dagmooyinka dalka iyadoo gobol gobol uga waramaysa
 

Waxaa maansada ka dhexmuuqda meelo ilaahay ku galaday nimcooyin iyo  dee gaan wanaagsan oo dalkeenu leeyahay

Waxay soobaxday maansadani 12/October/2009 maalin isniin ah

Waatan maansadi.

 

 

Shaxda deelka laga dago

Anoon wali ka daanshoon

Degalkeeda aan dagin

Murtidana ka daydayin

Baa xiiso duug ihi

Gaar iigu daaroo

Inaan deelka ka higado

Igu doco doceeyoo

Da’da daabac igu yidhi

Dalba juuqna ka ogaw

*******

Afartaa afeef dub ah

Wixi deelka igu gubay

Afar kalena daymada

Waxay daaran tahay waa

*******

Diirane dhulkeenaas

Daayin keen barwaaqada

Dockastaba ka jiifshee

Degelkiisu wacan yahay

Durdurada biyaha iyo

Dooxyadu is celiyeen

Waa dagal barwaaqoo

Ninka daymo raacee

Hadba dacal ka eegee

Dalxiis ugu baqoolee

Ku dakeeya raaxada

Naftu waa u dagaysaa

*******

I. Ninkadaymo aadee

Dagalkii jacaylkiyo

Saylac daafaheediyo

Sacaadadiin dabaashee

Qol ujeed dadkeediyo

Lawyacado dacalkii

Dalka koonihiisii

Maalmo yara dawaafee

Buurta saw dusheediyo

Dihineey camuud iyo

Laalays docdeediyo

Dila iyo wajaaliyo

Baki daamaheedii

Awdal oo dhan dacalada

Boorame ku daanshada

Naftu waa u dagaysaa

*******

II. Dalaga iyo saraciyo

Daangada bislaatiyo

Cunto wada daraayoo

Dal shisheeye ka imaan

Ninka yara daneeyee

Gabilay ka doontee

Arabsiyo ka daydaya

Saylana dalxiisee

Caanaha durduurtee

Alleybadayna yara daga

Baligubadle daamaha

Salaxlayna daawada

Dararweyne yara mara

Cadaadley dixdeediyo

Sabowanaago doogloo

Danbarsame ku hooriyo

Dhamaan dagalka waaheen

Almis daafaheediyo

Daarosalaam dhankeediyo

Durdurkii biyaha iyo

Darkii lagu shahiidiyo

Geed-deeble halacsada

Maroodijeex dixdeediyo

Halka laga dabqaatee

Dalka ugu horaysee

Caasimadi doorka ah

Dalsan waa hargeysee

Ninka daymo daymada

Baryo nolol ka daydaya

Indhahana ku doojiya

Naftu waa u dagaysaa

*******

III. Dugsigii labaadee

Jacaylku uu dakeeyiyo

Batalaale dagakii

Boodhari ku duugnaa

Xeebta daafaheediyo

Badda doobinaysiyo

Adoo daawasho utaga

Dacarbudhuq qadiimkii

Daarihii isdhalan rogay

Duugeeda bullo xaar

Adigoon kadigo rogan

Dariskii mandheeriyo

Dadxejiye halkuu haa

Duuduub adoon galin

Dusha uun ka daawada

Sheekooyin doorana

Maskaxdaa ku duubtoo

Buuraha dulmeeroo

Warshadii doraatiyo

Cumar ku jog dalxiis wacan

Nafta ugu daneeyoo

Duburaha biyaha wadhan

Macdantaa dul joogsada

Dabadeed dalxiis kale

Dagalkii tacliintiyo

Cimilada dirsooca ah
rabbi deeq usiiyee

Dambarsamaha roobkiyo

Dooguna ka diga rogan

Barti loogu dawgalay

Dagalkeeda sheekh daga

Maalmana dul meeree

Aad yara dakaantide

Dawgeeda laba mara

Duuduub dhamaantiis

Saaxil oodhan daafaha

Halka doobiga u culan

Anfacaan dajinaynaa

Halka uu ka soo dago

Dakada iyo haamaha

Ninka daymo aadee

Baryo diifta roga ee

Badda diibta wacan iyo

Daamaha berbera iyo

Saaxil oodhan dacalada

Soo dalxiisa waayaha

Naftu waa u dagaysaaa

*******

IV. Duunyada nimcada iyo

Deegaanti xooluhu

Daaqsinkeeda buuxeen

Sayladoodi dagalkii

Laga soo daldali jiray

Dalxiis way ku wacantee

Dulmi maaha socodkuye

Diilalyada bal reeboo

Duruqsi iyo bali-dhiig

Oodweyne dooxii

Waraabeeye dabaqabad

Ka durduuro caanaha

Doomaarta wacaniyo

Dabaqorile aadoo

Dooxa beer halkay hayd

Caladhiyaha darkiisii

Udugiisi daaraa

Geed-xamarki dihinaa

Baryo yara dawaafoo

Udugiisi dooraa

Sanka daawasho ugee

Cadarbuu la dabaqyee

*******

Dalka wadamaroo orod

Buuhoodle dacalkiyo

Qori lugud dusheediyo

Dixidii qoryaaliyo

Dureemadii artala iyo

Sinti dabadi buur dhaab

Unuun lay darkeedii

Dulmadoobe aradkii

Taariikhdi duugayd

Koofil uu ku duugnaa

Dalxiis oo bal soo arag

*******

Intaas oo dal aan maray

Dogobkay shidaayaan
Halka uu ka daarmaa

Burco,dagalki raaxada

Ninka daymo daymada

Togdheer oo dhan dacalada

Dalxiis wacan ka laba daga

Naftu waa u dagaysaa

*******

V. Afrikaba dal waxa jira

Dagaalkii qadhaadhaa

Markii laysu dadab galay

Dohda laysu jiifsaday

Daartii ugu horaysee

Dusha laga rusheeyee

Loo diray dayuurada

Taleex waa dalkeenee

Mahadhada ka doondoon

*******

Dalxiiskana ku raacdee

Caynaba darkeedii

Dawliskiyo ceelkii

Xudun iyo danlaytiyo

Kirir yara dalxiisoo

Baholihii dabraayiyo

Xargaga daawashada gee

*******
Awrka doobinaayiyo

Ramad geela dhalay iyo

Danankaa fardaha iyo

Kaymaha dirsooca ah

Waayo soo dulmeeroo

Dugsi laaski caanood

Sool oodhan duuduub

Dunjigeeda soo arag

Duxda caanaheeediyo

Dufan baad ku imanoo

Naftu waa dagaysaa

*******

VI. Dhul dalxiis ku wacanoo

Aasaarta duuga ah

Daayin deeq u siiyoo

Dunidaba dhif uun ku ah

Dadsamee haday tahay

Ama kuwa dabiiciga

Ninka yara daneeyee

Daalo iyo dhirteedii

Ka dulmara daruuraha

Dayibka iyo beeyada

Fooxa daaran udugiyo

Kuwa cadar ka doorka ah

Caafimaad dawo ah iyo
Dabiibikii dhirteeniyo

Shanbogsiye ka doon doon

*******

Surad daafaheediyo

Siraadlay docdeediyo

Buurtii dawaafkood

Shinburuhu duldagi jiray

Badda dogobka ku ahayd

Rabshigii dushiisiyo

Calmadaw dulmeeroo

Deexadeeda laas qoray

Ka daldalo kaluunkoo

Dhahar daafaheedii

Ceelaayo dacalkale

Iyo dagalki badhaneed

Ka durduuro caanaha

*******

Dayaxiyo garadag iyo

Dagalkii qadiimkee

Odayada duntoodiyo

Qabrigood ku duugnaa

Xiis daaqsinkeediyo

Dakadeeda maydh aad

Aad dirkeena baratide

*******

Xoolaha dareeree

Meesinkeena duunyada
geela kuruska dabaqiyo

Dibyar adhiga gurigiyo

Dudo maqasha tuban iyo

Deegaw fardaha wacan

Danan kooda soo maqal

*******

Duurjoog ugaadhaa

Deeradiyo baciidkiyo

Garanuugta duushiyo

Dubka iyo garigaba

Dunjigooda soo baro

*******

Dermo ceel afweyn iyo

Dooxadii buraan iyo

Docolkii madheedh kiyo

Deexadii sanaag iyo

Daaski ceeri gaabiyo

Daarihii haadaftimo

Ninka daymo aadee

Baryo soo dalxiisee

Deegaanta wacan iyo

Cimilada dirsooca ah

Hadba daansho daanshood

Dacalada ka laba mara

Dalkalaba madooneen

*******

Aniguna dantaydiyo

Maansada da’layda ah

Dacwadeedu waxay tahay

Adigoo dalkaa laad

Waagii dilaacaba

Aad ka sii dabayshaa

Duli aad ka jeceshahay

Malabkaa durdurayaad

Dacar aad ka doontaa

Dulinimo xanuun laad

Debed yaal utahayoo

Duleedbaad ku orodaa

Aad dawarsanaysoo

Dalaayad uu nin leeyaad

Hadhka aad ka doontaa

Dad waxaad ku tahaybaad

Aad ka sii durkaysaa

Liidnimaad dugsanaysaa

*******

Aniguna dabuubtii

Deelaydi maansada

Waxaan deelka kaga baxay

Deeqtoon ayaan nahay

Dalkeenaa barwaaqo ah

Dayaxiyo daruuraha

Inagaa dul mari karna

Hadaan maanka dugsanoo

Maskaxdeena daarano

*******

Ninkaan dawarsanaynaa

Isba hooya dihatee

Dadka waan lasimanee

Liidnimada daciifkiyo

Dulinimada an reebnoo

Daljir wada ahaanoo

Dalka aan dhaqaajino

*******

Wa biaalhi tawfiiq




5


Curiye :Axmed Maxammed faarax (Badeed)
axmed1432@hotmail.com
axmed1432@gmail.com
Mob. +2522448293